Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Major Breaking News!!!!!

Recommended Posts

bn2.jpg

 

Puntland iyo shirkad Australian ah oo caawa heshiis wada saxiixday!!!!!

 

Dubai-30.August.2005Wararka naga soo gaaraya magaalada Dubai dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in halkaasi ay heshiis kuwada saxiixdeen maamul goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo lagu magacaabo Concort.

 

shirkaddaasi ayaa waxaa la sheegay in ka baari doonto gobollada Puntland khayraadka dabiiciga sida shidaalka iyo Macdanta.

 

heshiiskan ayaa caaway lagu kala saxiixday xaflad ballaaran oo lagu qabtay Hilton Hotel oo ku yaalla magaalada Dubai.

 

dhinaca maamul goboleedka Puntland heshiiska waxaa u saxiixay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Jeneraal Maxamuud Muuse Xirsi (jen.Cadde) halka dhinaca shirkadda Consort uu u saxiixay Eng: Black.

 

waxaa saxiixitaanka xafladdaasi dhinaca dowladda Madaxweynaha ku wehliyay wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

 

sidoo kale xafladdaasi heshiiska ay ku kala saxiixdeen shirkaddaasi Australian-ka ah waxaa goob joog ka ahaa ilaa 40 ka mid ah ganacsatada waawayn ee reer Puntland oo ay ka mid yihiin:

 

Khaliif Ciise Mudan

Yuusuf C/laahi Saalax Deer

Shire Xaaji Faarax

Maxamed Huruuse

Bile C/laahi Warsame

Faarax Xaaji Mire

Cabdi Bootaan

Maxamed Siciid

 

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Puntland iyo shirkadda Australian-ka ah ee Concort ayaa wuxuu dhigayaa in shirkaddu ay laba todobaad gudohood ka hawl gasho Puntland.

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo ka hadlay xafladii Saxiixitaanka ayaa wuxuu u mahad celiyay dowladda Australia iyo shirkadda isagoo u sheegay in maamul goboleedka Puntland uu hoos yimaado dowladda Federaalka. balse uu xor u yahay inuu ka shaqeeyo horumarka shacabkiisa.

 

wuxuu kaloo Madaxweyne Cade halkaasi ka sheegay in shacabka Puntland ay ku wargeliyeen in deegaamada Puntland laga baari doono shidaal iyo macdan ayna taa raali ka yihiin shacabka.

 

Eng: Black oo u hadlay dhinaca shirkadda Concort ayaa isna sheegay in ka shirkad ahaan ay aad u danaynayeen weligood inay heshiiskan oo kale la saxiixdaan Puntland.

 

Eng: Black wuxuu mahadcelin u soo jeediyay dowlad goboleedka Puntland iyo madaxweyne Cade Muuse. wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii ay shirkaddu ku heli lahayd khayraadka Puntland si ay uga faa'iidaystaan shacanka shaqo la'aanta haysata.

 

si kastaba ha ahaatee heshiiskan ay kala saxiixdeen maamul goboleedka Puntland iyo shirkaddaasi ajnabiga ah ee dalka Australia laga leeyahay ayaa soo baxay laba maalmood ka dib markii ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi uu sheegay in maamul goboleedyadu aanay heshiis la geli karin shirkad ajnabi ah.

 

cidii ku dhaqaaqdana uu sheegay in dowladda federaalka ay tallaabo ka qaadi doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Mind you it's war deg deg News; top headline of the day at your favourite news outlet/source aka Dayniile.com

 

Holla and correct me if I have misrepresented you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo kulammo la leh shirkado dhowr ah

 

dubai.jpg

 

Dubai(Radiossc.net) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa ilaa shalay kulammo is daba joog ah la lahaa shirkado Shisheeye ah oo maalgelin ku sameyn doona kheyraadka Baddaha iyo Berriga deegaannada hoos yimaadda Maamul Goboleedka Puntland.

 

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse oo hadda ku sugan Magaaladda Dubai oo ah caasimaadda labaad ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulammo is daba joog ah ilaa shalay la lahaa shirkado dhowr ah, howl galna ka bilaabi doona deegaano dhowr ah, shirkadahaas ayaa shaqadooda ugu badan saari doona kheyraadka baddaha.

 

Shirkaddaha waxaa hormuud u ah shirkad Australian oo fadhigeedu yahay Dubai oo la yiraahdo Consort iyo shirkado kale oo ka shaqeyn doona dhinacyo kala duwan.

 

Wasiirka Maaliyadda Maamul Goboleedka Puntland Maxamed Yusuf Gaagaab oo ka mid ah waftiga la socota Madaxweynaha oo aannu khadka telephoneka kula xidhiidhnay ayaa nagu wargaliyay inay kulammo ay la leeyihiin shirkado dhowr ah oo ka qeyb qaadan doona dhinaca kobcinta dhaqaalaha

 

Kulanka shirka waxaa soo qaban qaabiyay ganacsato u dhashay Puntland oo ku sugan waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweyne Cadde Muse oo wali ku sugan Dubai ayaa saacadaha soo socda la kulansan mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladaha iyo gacansato waxayna ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah, wixii ka soo baxa waanu idinla socod siin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this