Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: President Sillanyo Puts Security Forces on High Alert

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa labada Taliye ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee Milatariga Nuux Taani iyo Booliiska Maxamed Saqadhi Dubad la yeeshay kulan ay kaga arrinsanayaan sidii loo sugi lahaa Amaanka xuduudaha iyo Gudaha Dalka oo ay ka jiraan khatar weeraro qorshaysan oo la duunayo wakhtigan kala Guurka ah in looga faa’iidaysto fulintooda

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa weerarada ay ciidamada ku soo qaadayaan kooxaha maleeshiyooyinka ah ee la soo abaabulay kuwaasoo falal gaadmo ah ku dilay shalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka isla markaana Toogasho ku dilay magaaladda Laascaanood badhtankeeda Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka, isagoo ku adkeeyay mudada kala guurka in loo xoojiyo sugida Xuduudaha Dalka

 

Sidoo kale waxa la sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland in ay isna kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa ilaalinta iyo ka hortaga Kooxaha Xag-jirka ah ee dalka ku soo duulay sidii ay uga fulin lahaayeen weeraro is-miidaamin ah ama dilal qorshaysan oo ay ku beegsadaan gobo mucayin ah

 

Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay labada Taliye Ciidan ayaa ku soo beegmay wakhti kala guur ah oo aanay xilka la kala wareegin isaga iyo Madaxweynihii uu kaga Guulaystay Talada Dalku taasoo si weyn cabsi looga qabo inay jiraan kooxo doonaya inay ka faa’iidaystaan mudadaasi, kuwaasoo qorsheeyay inay weeraro ka fuliyaan Dalka Gudihiisa iyo dibadiisaba

 

Waxaana isla xalayba la adkeeyay amaanka Caasimada iyadoo dhamaan wadooyinka Hargeysa la dhigay Ciidamo baadha baabuurta halka qaarkoodna ay Roondo ka ahaayeen, kuwaasoo sida la sheegay baadi goobaya warar xaga Sirdoonka laga helay oo tilmaamaya inay magaalooyinka soo galeen qaar ka mid ah naftood hurayaal is-miidaaminaya oo doonaya inay qas iyo jahawareer galiyaan dadka shacabka ah eek u naaloonaya Nabad-gelyada iyo deganaanshaha aanay meelo badan oo dunida ahi aanay la qabin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this