Sign in to follow this  
Dhubad.

Maxamed Dheere “Qaniinyo Qaniinyaa kaa fujisa

Recommended Posts

Dhubad.   

 

Maxamed dheere “Qaniinyo Qaniinyaa kaa fujisa, sharciga milateriguna wuxuu dhigayaa in meeshii madfac yar kaaga soo dhaco aad ugu jawaabto mid weyn”

 

 

Guddoomiyaha guddiga siyaasada maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) ayaa sheegay in maamulka uu isagu uu madaxda ka yahay uu weli gacanta ku hayo gobolka Shexe, ka dib markii sida uu sheegay maamulka cusub ee goboblkaasi loo magacaabay uu ka baaqsaday inuu la yimaado dukomenti dowladeed oo cadeynaya magacaabistooda si xilka loogu wareejiyo, isagoo meesha ka saaray in isaga lagu soo wargeliyey arintaasi ka hor inta aan la magacaabin maamulka cusub.

 

Maxamed dheere ayaa sheegay in nidaamka dowladnimada uu ku saleysan yahay in talaabo walba oo loo qaadayo dhinaca maamulka lala yimaado dukumenti cadeynaya, isagoo xusay in maamulka loo magacaabay gobolka uu ilaa hadda ka maqlay oo kaliya warbaahinta, isagoo sheegay in wax amaan daro ah aysan ka jirin gobolka Sh/dhexe oo ciidamada maamulkana ay haatan wadaan howlgalo lagu sugayo amniga dadka degan iyo kuwa socotada ah intaba.

 

“Shirkii beesha ****** ee maalin dhoweyd ka dhacay hotelka Global waxaan uga qeyb geli waayey la iguma soo wargelin waxa loogu yeeray iyo waxa laga wada hadlayo midna., wuxuuna iila muuqday shir ay wataan shaqsiyaad dano gaar ah ka lahaa, waxaan ka shakinayeyna waaba soo baxeen oo shirkiiyo socdaaba leys xabadeeyey oo dadna ku ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen, waxaana soo abaabulay xubno ka tirsanaa USC/SSA, guddi ayaa la magacaabay ayaa la yiri, mana fahmin guddigaas waxa uu yahay meel fiicana kuma dhamaan” ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka hadlayey sababta uu uga qeyb gali waayey kulanay isugu yimaadeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha ****** hotelka Global kaasoo ahaa mid lagu doonayey in lagu turxaan bixiyo khilaafaad yar yar oo beesha dhexdeeda ah.

“Qaniinyo qaniinyo ayaa ka fujisa, wixii lagugu soo rido xaq waxaad u leedahay inaad ka jawaabto sharciga milateriguna wuxuu dhigayaa in meeshii madfac yar kaga soo dhaco aad ugu jawaabto mid kaas kaa weyn, kooxaha wax weeraraana waxa ay soo tureen cirka kama soo ridaane xaafadaha dhexdooda ayey ka ridaan dadkuna iyagaa laga rabaa iney iska fogeeyaan, haddii ay sidaa yeelli waayaan dhibaatada ka dhalata wey saameyneysaa iyana, waana ka xumahay dadka ilaa hadda wixii soo gaaray” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Cumar Xabeeb oo ka hadlayey sida uu arko madaafiicda ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ay ugu ku ridayaan goobaha shacabka marka kooxo hubeysan ay weeraraan.

 

 

Xafiiska Muqdisho

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dhubad:

^^Waxaanoo miiran baa hogaanka noo haya.!

Hoggaan aa? Waxmagarado sida Max'ed Dheere lamid ah maa wax kale ka sugeysay.

 

"Martial law, martial law" ayaa laga badbadiye ayaan filaa oo wuxuuu qaaday in laga wado shinidii ku qaniintaba in xabbad lagu dhufanaayo.

 

Asagana sida Aaden Madoowe camal iskoolka dadka waa weyn muu soo dhigtay? Magacii ololahii bar ama baro ayee ku ciyaareen, oo dad badan ka faa'ideystay. Koley qaab nin waligiis buug qaatay uma eka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mohamed Dheere is saying all the right things, but he is control of nothing, if he was, he would start with "Yusuf is this and that", good to see there is some change in tone of all former warlords.

 

Mohamed Qaynyare is using the system and is suing. taking Shabbele Radio taking them to court for fabrication..

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this