Sign in to follow this  
Sky

Qardho | Xilwareejinta barasaabka cusub ee gobolka Karkaar

Recommended Posts

Sky   

Barasaabka cusub ee gobolka Karkaar oo maanta la wareegay xilkii

Qardho:-Waxaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka karkaar munaasabad ballaaran taas oo uu xilka kula wareegayay barasaabka cusub ee gobolka yaasin Siciid Xuseen.

 

Waxaa ka soo qayb galay munaasabadan mas’uuliyin fara badan oo ka kala tirsan maamulka gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho, xubno ka tirsan golaha wakiillada Puntland, saraakiisha kala duwan ee ciidammada, duqay, culimaa’udiin iyo dhallinyaro.

 

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar, ahaana sii hayaha xilka gobolka Karkaar, Eng. Maxamed Mire Shire, ayaa jeediyey khudbad dheer oo ku aaddan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray maamulka gobolka Karkaar, waxana uu sheegay in uu la shaqayn doono badhasaabka cusub ee gobolka Karkaar.

 

Guddoomiye xigeenka ayaa intaasi ka dib si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee gobolkaas, yaasiin Siciid Xuseen.

 

Badhasaabka cusub ee gobolka Karkaar, waxaa mahad celi u jeediyey dhammaan ka soo qayb galayaashii munaasabaddan, waxana uu sheegay in maanta lagu wareejiyey xil culus isla markaasna loo baahan yahay in dadweynaha iyo maamulka degmadu ay gacan siiyaan maamulka gobolka.

 

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar, Yaasiin Siciid Xuseen, waxaa uu sheegay in uu ahmiyadda siin doono, xoojinta nidaamka gobolka, la dagaallanka amni xumada, jid gooyooyinka iyo dhir gubista, waxana uu shacabka gobolka ka codsaday in ay gacan ka siiyaan hawlaha lagu hormarinayo gobolka.

 

Cismaan Buux Cali, duqa degmada Qardho ayaa isna ka hadlay munaasabaddan waxanu sheegay in uu si weyn ula shaqayn doono maamulka cusub ee gobolka Karkaar.

 

Faisal Gele Omar

HorseedNet.com

 

xil_wareejin_qardho1.jpg

xil_wareejin_qardho.jpg

xil_wareejin_qardho2.jpg

xil_wareejin_qardho5.jpg

xil_wareejin_qardho8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this