Sign in to follow this  
Jabhad

Warlord Koojaar iyo ciidamo beeleedka lasocda oo duulaan ku ah Kismaayo.

Recommended Posts

Jabhad   

KISMAAYO: Ciidammada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Buulo-guduud oo sheegay inay dagaal ku qaadayaan Kismaayo

Posted to the Web May 21, 19:21

 

Kismaayo (PP) - Ciidammada dowladda ee ku sugan deegaanka Buulo-guduud ayaa waxay ku hanjabeen inay dagaal ku qaadayaan Kismaayo, haddii aysan Dowladda Federaalka wax ka qaban xaaladaha ka jira Degmada Kismaayo oo ay ku sheegeen inay yihiin kuwo aan loo dulqaadan karin.

 

Col. C/nuur Jaamac Joker oo u hadlay ciidammada Dowladda ee ku sugan deegaanka Buulo-guduud oo u jirta Kismaayo qiyaastii 30-km ayaa wuxuu sheegay in ciidammadooda ay weerar ku qaadi doonaan Kismaayo, isla markaana ay la wareegi doonaan gacan ku haynteeda haddii aanay dowladdu wax ka qaban xaaladda Kismaayo.

 

"Waxaan Dowladda ku wargelinaynaa in Xaaladda Kismaayo aysan ahayn mid caadi ah oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan, haddii aan wax laga qaban dhawaanna aan go'aan ku gaari doonno inaan weerar ku asqeyno Magaalada" ayuu yiri Col. Joker oo sheegay in xaaladda Kismaayo ay tahay mid dayro ku dhow.

 

Col. Joker wuxuu sheegay in Haweenka ku sugan Kismaayo la kala sooco oo kuwa haybtooda ah la kufsado lagana sameysto wixii la doono, sidoo kalena laga soo eryo magaalada, wuxuu sheegay in odayaashii iyo dadkii kale ee beeshooda ka soo jeeday ee Kismaayo ku sugnaa laga soo eryay oo ay agtooda ku sugan yihiin, wuxuuna ku hanjabay inay weerar ku qaadayaan oo ay shacabkooda ka dul-qaadayaan dhibaatada haysata.

 

Wuxuu si weyn ugu eedeeyay Col. Joker saraakiishii Dowladda ee loo soo diray inay wax ka qabtaan xiisadda Kismaayo inaysan si cad waxba uga sheegin dhibaatada ka jirta Kismaayo oo ay wax badan dabooleen, isagoo carrabka ku dhajiyay inay jiraan xildhibaanno qayb ka ah dhibaatooyinka ka jira Kismaayo oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Degmadaas.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this