Sign in to follow this  
Hunguri

Maxaabiistii TFG da oo lasii daayay (Bashir Goth should Apologise)

Recommended Posts

Hunguri   

Maxaabiistii laga qabtay ciidamada dowladda KMG ah oo maanta la wareejiyay

 

Maxaabiistii laga qabtay ciidamada dowladda KMG ah oo maanta la wareejiyay

Click here to find shabelle news in english

Daawo Sawirada

Mogadishu 26, March.07 ( Sh.M.Network) Maxaabiis ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo dhowaan lagu qabtey dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay eheladooda, ka dib markii xaflad arinkaasi lagu weyneynayo oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha beelaha ****** ay ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Maxaabiistaan oo gaareysa ilaa 18 askari laguna qabtey dagaaladii 21 kii bishaan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Shirkole ayaa maanta meel fagaaro ah odayaasha beelaha ****** ay kula wareejiyeen eeheladii dadkaasi.

 

Maxaabiistaan oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa waxa ay ka hadleen dareenkooda ku aadan xuriyadda ay dib u heleen, iyagoo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay intii ay ku jireen xabsiga.

 

Afhayeenka beelaha ****** Nabadoon Axmed diiriye oo ka hadlay xafladii lagu wareejinayay Maxaabiistaan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia in ay iyana sii deyso dadka u xiran ee aan dambiga laheyn.

 

Sidoo kale Xafladdaasi ayaa waxaa ka hadlay siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo sheegay in maxaabiistani la wareejiyay ay yihiin dad Somaliyeed isla markaana ay xaq u leeyihiin in ay helaan xuriyaddooa, isagoo sheegay in la soo marar habaabiyay.

 

Maxaabiistaan ayaa u badnaa dad Somaliyeed oo ka soo jeeda gobolada fog fog, waxaana ay balan qaadeen in aysan dib dambe ugu qeyb qaadan doonin dagaalo kale.

 

Xafladii lagu wareejinayay maxaabiistaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotey hay’adaha xuquuqda Aadanaha iyo ehalada maxaabiistaan la wareegtay.

 

Laakiin ma jirto wax mas’uul ah oo ka tirsan dowladda KMG ah oo ka qeybgalay munaasabaddaasi inkastoo lagu casuumay.

 

Maxaabiistaan oo gaareysa ilaa 18 askari ayaa waxaa maleeshiyooyin hubeysan oo ka soo jeeda beelaha ****** ay ku qabteen dagaalo qaraar oo ay la galeen ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia, dagaaladaasi aoo socday muddo 3 maalmood ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho 21 kii bishaan ayaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen in ka badan 40 ruux halka tiro ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

 

:D:D Allaw Somalida isu soo dhaweey. Waa wada walaalo, waa isku dhiig. Waa isku diin. Waa isku dhaqqan. Waxyar ayaa dhiman.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this