General Duke Posted December 20, 2008 Nayroobi: Madaxweynaha Kenya oo raaligalin ka bixiyay hadalkii Wasiirka arimaha dibada Kenya. 20. december 2008 Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Kenya Mwia Kibeki oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa raali galin buuxda ka bixiyey warkii ka soo yeeray Wasiirkiisa arimaha dibada, ee ku aadanaa in ay Kenya xanibaad dhaqaale iyo Cunaqabateyn Socdaal ku soo rogtay Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in uusan wasiirkan aheyn nin la socda Siyaasada arimaha dibada ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay uu ahaa hadalkaasi sidoo kale mid lugu dagdagay oo aan laga fiirsan, isagoo sheegay in ay raali galin buuxda udirayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Kibeki ayaa hadalkan ka jeediyey kulan gaaban oo salaan ah oo uu ugu tagay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna shaaca ka qaaday Madaxweynaha Kenya in aysan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya kala go'ikarin ayna yihiin dalal jaar ah oo saaxiibo ah. Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah wada hadalo qaadan doono waqti dheer uyeelan doona saacadaha nagu soo aadan, sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Safaarada Soomaalida ee Magaalada Nayroobi. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites