Sign in to follow this  
Jabhad

Itoobiya oo ku jabtay markale dagaal ay hawd ka fog ee afmadow ka shisheeya kula gas

Recommended Posts

Jabhad   

Warkii Ugu Dambeeyey::

 

 

Itoobiya oo ku jabtay markale dagaal ay hawd ka fog ee afmadow ka shisheeya kula gashay MMI

Warkii 28-Jan-2007 iyo Qormadii: afnugaalnews

 

war hada naga soo gaadahaya ayaa waxa uu sheegayaa in hada lagu aasayo asakar Itoobiyaana iyo askar somalia magaalada afmodow askartan ayaa waxa ay tahaay askar ku dhimatay dagaal qadhaadh oo ay lagaleen ciidamada MMI.

 

 

 

 

 

 

 

Warar ka ayaa intaa ku daraya in 24 kii saac ee lasoo dhaafay ay aad ugu jabeen ciidama Itoobiya hawdka fog ee afmadow udhow iyaga oo dagaal qadhadh lagalay hadhaagii ciidamada MMI oo hada ku jira hawdkaa .

 

Hadaba warar ka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in magaalada hada lagu aasayo askar badan oo mayda iydoo ay dhimashada askartaasi ay kadanbeeyeen dagaalo culus oo ay lagaleen maxaakiimta hadaba dagaaladan ayaa ahaa dagaalo mudadan socday walow loo diiday saxaafada.

 

Ilaa iyo intii laga saaray MMI magaalada kismaayo waxaa dagaalo qadhaadh ay ka socdeen hawdka fog ee xadka kenya hadaba dagaaladan ugu danbeeyay ayaa warku waxa ay intaa ku darayaan in xitaa lagu laayay dad soomaaleed oo basaasiin u ah Itoobiyaanka.

 

Dagaaladan ayaa waxa ay warar ku intaa ku darayaan mar shabakada afnugaal.com ay la xidhiidhay da ku sugan magaalada afmodow in ay dagaal ay ka qayb qaadanayaa ciidamada maraykanka oo gacan siinaya ciidamada huwanta ah ee halkaa kadagaalamaya.

 

Dagaaladan ugu danbayay ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli uu Zenawi uu sheegay in ciidamadiisu ay kabaxayaan dalka somalia hadana ay 3meelood ahaan ay meeli ay kabaxday maanta hadabada dagaaladan ugu dan beeyay ayaa ah kuwo si wayn looga ilaaliyay saxaafada oo aan qasaaraha dhabta laga war hayn.

 

 

 

afnugaalnews

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this