Sign in to follow this  
Jabhad

Occupation forces attacked in Beledweeyne

Recommended Posts

Jabhad   

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Beledweyn oo Qarax lala beegsaday

 

Arbaco, May 30, 2007(HOL): Saakay 8:30-kii subaxnimo ayaa mar kaliya laga maqlay Xaafadaha Magaalada B/weyn Qarax aad u weyn oo ka dhacay goob aan ka fogoyn halka ay dagan yihiin Ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka Magaalada B/weyn.

 

Qaraxa kadib ayaa hadana mar kaliya waxaa is-qabsaday Rasaas aad u culus oo ay ridayeen sida loo meleynayo Ciidamada Itoobiya kuwaasoo dhamaan xiray agagaarka halka weerarku ka dhacay, qof ka tirsan dadka degan xaafada lagu weeraray Ciidamada ayaa u sheegay HOL in uu arkay mid ka mid gadiidka Ciidamada oo qeybta danbe ka gubanaya, waxaana uu intaa ku daray durbaba Ciidamadu in bilaabeen Rasaas xoog leh oo lagu ridayo Xaafadah ku dhaw dhaw halka Qaraxu ka dhacay.

 

Ilaa hada si rasmi ah looma oga qasaaraha uu geystay Qaraxa dhacay laakiin dadka ku dhaqan qaar ka mid ah xaafadaha Rasaastu gaartay ayaa sheegaya in meelaha qaar dhaawac uu jiro.

 

Dhawaan ayay aheyd markii lagu guuleystay in laga soo saaro goob aan ka fogeyn halka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya Miino la doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamadaas, taasoo mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka ay ku tilmaameen mid ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda Nabad-galyada guud ee Gobolka.

 

Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Goobaha Caafimaadka ayaa sheegaya in 4 Ruux oo rayid ah ay ku dhinteen Rasaas xoog leh oo ay rideen Ciidamada Itoobiya kadib markii gawaari ay la socdeen lagu weeraray wax yaabaha qarxa.

 

Xaafadaha qaar ayaa wali laga soo sheegayaa in ay ka jiraan dhawacyo lala soo gaari waayay goobaha caafimaadka Madaama Ciidamada Itoobiya ay xireen dariiqyada ka soo baxa xaafadaha dhawaca laga soo sheegayo.

 

Sidoo kale waxaa ay wararku intaas raacinayaan in Ciidamada Itoobiya markii uu qaraxa dhacay ay xir-xireen dad ku sugnaa aga-gaarka halka qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo sida la sheegay Ciidamadu u sii gudbiyeen dhinaca Janta-kuundisho oo ay degan yihiin.

 

Ma'uuliyiinta Maamulka Degmada Beledweyne iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska oo gaaray goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ku guuleystay in ay dejiyaan xaaladda, iyagoo sidoo kalana fasaxay Gadiidka u safra Gobalada dhaxe oo markii hore Ciidamada Itoobiyaanku Xayireen.

 

Wali waxaa ku sugan dhamaan Xaafadaha ka dhaw goobta Qaraxu ka dhacay Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysan kuwaasoo qaar ka mid xaafadaha ka wada Baaritaan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Reuters Pictures

Photo

 

Editors Choice: Best pictures

from the last 24 hours.

View Slideshow

 

Adan said seven locals were caught in the cross-fire, but local journalist Ali Dahir said he had been able to verify four civilian fatalities.

 

"Two seriously injured soldiers were being removed from the truck. There was a lot of blood at the scene," Dahir added. "Nobody knows whether the Ethiopian soldiers died or not."

 

Ethiopian soldiers, in Somalia to help the government fight an insurgency led by militant Islamists, cordoned off the area after the blast and carried out door-to-door searches in nearby streets, witnesses said.

 

The security source in Mogadishu said one Ethiopian truck was destroyed by an anti-tank mine set off by remote control -- a new tactic being used by the insurgents

"There were five troops on board. They were seriously wounded," said the security source, who asked not to be named.

 

IRAQ-STYLE TACTICS

 

Insurgents from the ousted militant Islamist movement have increasingly adopted the tactics of Iraqi guerrillas since the interim Somali government and its Ethiopian allies forced them out of the capital Mogadishu in December after a brief war.

 

The rebels have struck government buildings, convoys and Ugandan peacekeepers patrolling for the African Union (AU).

Reuters Pictures

Photo

 

Editors Choice: Best pictures

from the last 24 hours.

View Slideshow

 

Most attacks have taken place in the seaside city, and local media said a Somali soldier was shot dead by unknown gunmen late on Tuesday near its sprawling Bakara Market.

 

On Monday, a senior court official from Baladwayne was also killed by gunmen in Mogadishu. His funeral was taking place on Wednesday in the town, 190 miles north of the capital.

 

President Abdullahi Yusuf's government is struggling to impose central rule on the Horn of Africa nation, in anarchy since warlords kicked out dictator Mohamed Siad Barre in 1991.

 

Ethiopia says it wants its forces to leave once the AU force is up to strength, or at least at half its planned 8,000 troops.

 

But other African nations have been wary of sending more soldiers, especia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xaalada Beledweyne Oo Aad U Kacsan Iyadoo Rasaastuna Ay Ka Dhacayso Magaalada

 

News (Beledweyne}30.5-7

Xaalada Magaalada Beled Weyn ayaa aad u kacsan kadib markii saaka gaadhi ay saarnaayeen Ciidamada Ethiopia qarax lala beegsaday kaasoo qasaare aad u xoogan uu u geystay.

 

Gudaha Magaalada Beled Weyn ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceyso rasaas aad u xoog badan oo ay ridayaan Ciidamada Ethiopia oo ku gadaaman halkii gaadhiga miinada kula kacday, kaasoo ahaa Gaadhi Booyad ah.

 

Ciidamo saarnaa Gawaadhi ka dambeeyay oo Ural ah ayaa la sheegayaa in kolba meel ay rasaas u ridayaan, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in gudaha Magaaladaas ay rasaas ku dhex mareyso Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan.

 

Markii Ciidamada Ethiopia gaarigooda miino la kacday ayaa la sheegay in rasaas ku fureen xarun ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo ku taal gudaha beled weyn.

 

Goobaha ganacsi ayaa gebi ahaanba xidhan, iyadoo la soo sheegayo qasaaro dad rayid ah ka soo gaadhay rasaastii ay fureen ciidamada, waxaana wali adag ogaanshaha qasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka jira.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

5 kamid ah Ciidamada Itoobiyaanka oo ku geeriyootay qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Beled wayne ee gobolka Hiiraan.

Posted to the Web May 30, 10:38

 

War goor dhaweyd aanu ka helnay magaalada Beled Wayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Askar kamid ah Ciidamada Itoobiyaanka ay ku dhinteen qarax xoogan oo goor dhaweyd gil gilay magaalada.

 

 

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in 5 kamid ah Askarta Ciidamada Itoobiyaanka ay halkaasi ku nafwaayeen markii gaarigii ay saarnaayeen ay la kacday wax loo maleeyay miino dhulka loogu aasay.

 

Xaaladda magaalada ayaa iminka aad u kacsan iyadoo gudaha magaalada laga maqlayo rasaas xoogan oo la is weedaarsanayo inkastoo xog wanaagsan aan laga heyn rasaastaasi.Waxaa la maqlayaa rasaas nooca waawen sida Lidka Duyuuradah iyo kuwa fudfudud,iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ay isku geedaameen goobta qaraxaasi lagula beegsaday.

 

Lama xaqiijin karayo khasaaraha intaasi in uu la egyahhay iyadoo wararku ay si xoogan isugu soo tarayaan hayeeshe waxaa ka taagan magaalada casbi daran ay lasoo gudboonaatay dadka.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Shabakadda Soomaalinews.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Warar dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay qaraxii saaka lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ka dhacay bartamaha B/weyne

 

Waxaa isa soo taraya wararka ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax aad u xoog badan oo saaka ka dhacay bartamaha magaalada B/weyne ee ee gobolka Hiiraan, kaasoo lala beegsaday labo gaari oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, markii ay ku qaraxday miino loogu aasay buundada magaaladaasi, iyadoo xaalada magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraana ay tahay mid aad u kacsan oo dadku ay cabsi fara badan ka muujinayaan dhaqdhaqaaqa magaaladaasi.

 

Wararkii ugu dambeeey ee naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ilaa imika la xaqiijiyey 7 qofood oo rayid ah iney ku geeriyoodeen qaraxaasi, iyadoo dhinaca kalena aan la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Itoobiya soo gaaray, waxaana qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ay sheegayaan iney arkeen markii uu qaraxu dhacay ka dib meydadka askar badan oo Itoobiyaan ah iyo dhaawac fara badan oo is dhexdaadsan kuwaasoo yiilay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana imika ka socda Xerada (Ganta kun dishe) oo ku taala meel 5-km ka baxsan magaaladaasi kulan ay halkaasi ku leeyihiin saraakiisha ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan kaasoo looga hadlayo qaraxyadii maanta ka dhavcay B/weyne iyo sida amaanka loo sugi karo.

 

Waa markii ugu horeysay ee qarax noocan oo kale lagula beegsado magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan, waxaana horey u jiray in goobta u maanta qaraxu ka dhacay laga soo saaray miino aan qarxin oo halkaasi loogu aasay ciidamadaasi, waxaana ciidamadda Itoobiya ay maanta howlgalo baaritaan ah ka fuliyeen guryaha magaaladaasi iyagoo ka dibna kala baxay dad u fara badan oo aan la ogeyn halka ilaa hadda ay geeyeen, waxaana dadkaasi lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen qaraxaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Askar Ethiopian ah oo ku dhimatey qarax ka Dhacay Magaalada Baladweyne .

 

In Ka badan 15 askari oo Ethiopian ah ayaa ku geeriyoodey Qarax Bom oo loo dhigey Gaari ay la socdeen ciidamadaasi bartamaha magaalada Baladweyne.

 

 

Askartan ayaa dhimatey ka dib markii gaari nuuciisu uu yahay Ural oo ay saarnaayeen ciidamadaasi uu ku qarxey Bam loo dhigey waddada.

 

 

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacey agagaarka Bakhaaradii hore ee ADC-da oo ku yaalla Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Baldweyne.

 

 

Ka dib Qaraxa, rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ku nafwaayey 6 qof oo rayid ah, ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacey.

 

 

Gaarigan Bamku uu la qarxey ayaa waxaa uu illaalo ka ahaa gaari kale oo Booyad ah oo ciidamada Ethiopianku ay biyo ku soo dhaansanayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this