Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliamentarians visit Northern Ireland

Recommended Posts

Mudanayaal ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo Booqasho ku Jooga Dalka Waqooyiga Ireland

Belfast (Jam)- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa booqasho la xidhiidha aqoon-korodhsi ku jooga magaalada Belfast ee caasimadda dalka Woqooyiga Ireland oo ka tirsan qaaradda Yurub.

 

Mudanayaasha ku sugan dalka Woqooyiga Ireland oo tiradoodu gaadhayso 5 mudane oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, waxay Sabtidii toddobaadkan ka degeen magaalada Belfast, iyaga oo halkaasi uga bilaabmay aqoon korodhsi uu ku casuumay mac-hadka Maraykanka ah ee IRI.

 

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay magaalada Belfast oo lagaga hadlay safarka mudanayaasha Somaliland, qoraalkaa oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan:

 

“Waxa Sabtidii ka degay magaalada Belfast ee caasimadda dalka Woqooyiga Ireland 5 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kadib markii ay martiqaad aqoon-korodhsi ah ka heleen Mac-hadka Maraykanka ah ee IRI.

 

Kooxdan mudanayaasha ah waxa hoggaaminaya Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax.

 

Socdaalka xildhibaannadaas oo qaadan doona muddo toddobaad ah waxa soo qabanqaabiyey Mac-hadka Maraykanka ah ee IRI oo la shaqeeya Baarlamaanka Somaliland.

 

Muddada ay joogaan Woqooyiga Ireland waxa ay socdaallo ku soo mari doonaan meelo kala duwan oo ka mid ah Woqooyiga Ireland, iyaga oo sidoo kalena kulamo kala gedisan la yeelan doona Baarlamaanka Woqooyiga Ireland, xisbiyada siyaasadda, dawladaha hoose iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah ee dalkaas.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this