General Duke Posted October 15, 2007 RW Geedi oo sheegay in aanu ka dagi doonin xilka xitaa hadii waqtigiisa uu dhamaado Click here to find this article in English Shabelle airs news in English Mogadishu 15, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Iyadoo cirka uu isku sii shareerayo ismari waaga u dhaxeeya madaxda sar sare ee dowladda KMG ah ayaa Ra'isulwasaare Geedi waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay khilaafka ay isku dayeen in xukuumaddiisa ay ku sameeyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada. Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Cali Max'ed Geedi Geedi oo u waramayay Sharqal Awsat ayaa waxa uu sheegay in uu ku hanweyn yahay in xilkiisa uu sii hayo, isagoo intaasi raaciyay in aanu jagada Ra'isulwasaare nimo ka dagi doonin xitaa haddii ay dhamaato mudada xukuumaddiisa. Geedi ayaa waxa uu sheegay in wasiirada ku riixaya in uu kalsooni weydiisto golaha Baarlamanka uu hunguri ka hayo xilkiisa Ra'isulwasaare nimo waa sida uu hadalka u dhigay, iyagoo doonaya in jagadaasi ay qabtaan haddii uu isaga waayo xilkaasi. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Ra'isulwasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha dowlada KMG ah khilaafkooda uu ku fidey golayaasha dowladda KMG ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites