Sign in to follow this  
me

Ethiopians telling Somalis when to burry their dead in Muqdisho- What a shame

Recommended Posts

me   

Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Balcad oo maalintii 3-aad go’an iyo ciidamada Itoobiya oo xalay fasaxay in la aaso nin 2 maalmood ka hor ay ku dileen deegaanka Ceel-cirfiid

 

Waxaa maalintii 3-aad go’an wadada dheer ee iska xirta magaaladan Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, ka dib markii ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalku ay diideen in wadadaasi ay isticmalaan noocyada kala duwan ee gaadiidka oo ay ku jiraan gaari dameerada u kala gooshaya labada dhinac, waxaana arintani ay timid ka gadaal markii maalintii doraad uu qarax weyn ka dhacay saldhiga ciidamada Itoobiya ee ku yaala deegaanka Ceel-Cirfiid ee deegaanada u dhexeeya magaaladan Muqdisho iyo degmada Balcad taasoo keentay in ciidamadaasi ay jaraan guud ahaan isu socodkii wadadaasi.

 

Arintan ayaa saameyn culus ku yeelatay dadka maalin kasta u kala goosha labada dhinac gaar ahaan ganacsatada alaabada kala duwan ka qaada magaaaladan Muqdisho ee ku sii jeeda gobolada dhexe iyo kuwa degmada Balcad iyo tuulooyinka ku xeeran ka soo qaada qudaarta iyo caanaha maalin walba loo iib keeni jiray Muqdisho, waxaana shalay qudaarta iyo caanaha qaar ka mid ah lagu soo geliyey magaalada gaari gacano iyo gaari dameero la soo marinayey wadooyin qardo jeex ah oo aad u dhib badan, iyadoo sidoo kale dadka u kala goosha labada dhinac ay dantu ku qasabtay iney raacaan gaadiid maraya waddo wareeg ah oo dhinaca Afgooye ka soo gasha degmada Balcad kaasoo qiimihiisu uu si aad ah u sareeyo.

 

Dhinaca kale, ciidamada Itoobiya ayaa xalay uun u fasaxay iney aasaan eheladiisa nin meyd oo maalintii doraad ay ku dileen isagoo wata taksi uu lahaa ka dib markii uu qarax weyn ka dhacay xerada Ceel-cirfiid, waxaana la sheegayaa in markii ciidamada Itoobiya ay dileen ninkaasi ay diideen in meydkiisa la aaso, isagoo halkaasina yiilay muddo labo maalmood ah oo qoraxdu ay ku dhaceysay, taasoo keentay inuu isbedelo muuqaal ahaan, waxaana sababta ay ciidamada Itoobiya u diideen in ninkaasi la aaso lagu sheegay iney tahay iyagoo ku eedeeyey inuu wax ka ogaa qaraxa halkaasi ka dhacay, waxana ninkaaasi eheladiisa ay sheegeen inuu ku sii jeeday xiligii la dilayey nin walaalkii ah oo ku xanuunsanayey degmada Balcad si uu ugu soo qaado dhinaca magaalada Muqdisho oo lagu daweyn lahaa, waxaana ninkaasi la aasay fiidnimadi xalay ka dib markii ay halkaasi ku wada hadleen ehelada ninkaasi iyo ciidamada Itoobiya.

 

 

Xafiiska, Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bro,Weli laisla magaarin

You have neverheard of public executions & mass rape.

If reer Mogadishu refuse to fight at this time.

then they will need to embrace frequent public butchering of their notable folks by the Xabashi and this will be too late.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this