General Duke Posted December 6, 2008 Mashruucii dhismaha Agoonta Gaalkacyo oo guul ku dhamaaday Galkacyo, Somaliya (Calanka.com) 04-Desember-08 Xaruntii Agoonta ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhamaatay guul inkastoo wali lagu gudo jiro dhismihii ugu dambeeyay oo isagu gabo-gabo ah, waxaana shabakada warbaahinta Calanka.com la soo gaarsiiyay sawiro loogu tala-galay in ay ku farxaan dhamaan intii ka qeyb-qaadatay mashruucan, gaar ahaan Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda oo si hagar la'aan ah uga qeyb-qaatay dhismaha agoonta Gaalkacyo. Maamulaayaasha iyo culimadii gacanta-weyn ka geysatay mashruucan loogu gurmanayey agoonta ayaa mahad gaar ah u jeediyay maamulka shabakadda Calanka.com oo ay sheegeen in ay si weyn uga qeyb-qaateen, islamarkaana dhibaatada agoonta Gaalkacyo gaarsiiyay Soomaalida muxsiniinta ah, taasoo suurto-gelisay in ay Jaaliyadda dibadda gurmad u fidiyaan mashruucan sida weyn loogu guuleystay. Sawirada halkan ka muuqdo ayaa ah kuwo aad loogu farxo, waxayna dhiira-gelin u noqon-doontaa dadka aan weli ka qeyb-qaadan mashruucan, inay mustaqbalka ku-dhiiran-doonaan inay ka qeyb-qaataan mashaariicda kale ee kheyriga ah, hadii EEBE idmo. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites