Sign in to follow this  
Qudhac

Another Group of Pirates Recieve long sentences in Somaliland pending an appeal

Recommended Posts

Qudhac   

Berbera (Jam)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa min 15 sannadood oo xadhig ah shalay ku xukuntay siddeed nin oo lagu helay inay maleegayeen falal budhcad-badeednimo, kuwaasoo dhawr bilood ka hor lagu qabtay xeebaha Gobolka Sanaag.

 

Maxkamadda Gobolka Saaxil waxa ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku gudo-jirtay dhegaysiga dacwad loo haysto kooxdaas, waxaanay fadhigii shalay dhegaysatay eedaymaha dacwadda xeer-ilaalinta ku soo oogtay raggaas oo ku saabsan inay qorshaynayeen falal budhcad-badeednimo ah oo ay la damacsanaayeen maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee ka goosha biyaha badda Somaliland.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Dr. Cismaan Ibraahim Daahir, ayaa intaa kadib ku dhawaaqay in siddeedaa nin lagu helay falal budhcad-badeednimo, isla markaana wateen oo lagu qabtay laba laash oo nooca dheereeya ah oo ay doonayeen inay ku weeraraan maraakiibta kala duwan, sidaa darteedna maxkamaddu ku xukuntay midkiiba 15 sannadood oo xadhig ah.

 

Haseyeeshee, qareennada u doodayey budhcad-badeedda, ayaa xukunka Maxkamadda Gobolka Saaxil ku ridday raggaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah, sidaa awgeedna rafcaan ka qaadan doonaan.

 

Garyaqaan Xasan Xariif iyo Bashiir oo ka mid ah qareennada difaacayey budhcadda ah, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymaha dacwadda xeer-ilaalintu ku soo oogtay iyo xukunka maxkamaddu ku ridday, waxaannu ku dooday in aanay nimamkani wax dembi ah gelin, isla markaana jirin wax maraakiib ah oo ay ka afduubeen xeebaha Somaliland.

 

Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa dhawrkii bilood xukuno kala duwan ku ridday kooxo loo haysto arrimo la xidhiidha falal argagixiso iyo budhcad-badeednimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this