Sign in to follow this  
Hunguri

Sanaag and Puntland elections

Recommended Posts

Hunguri   

Kulankii Jaaliyadaha Reer Uk ee London iyo warbixintii Gobolka Sanaag.

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacdey magaalada London ee xarunta dalka UK iyadoo ay kasoo qeyb galeen dadweyne isugu jira Waayeel, Aqoon yahano, Caruur iyo Dhalin yaroba taas oo socotey mudo dheer ayaa ku saabsanyd warbixino kala duwan oo la is dhaafsanayey waxaa isagu halkaas warbixin dheer ka soo jeediyey Mudane Xasan Maxamed Saalax oo ku magac dheer Xasan Somali oo dhawaan ka soo noqday Soomaliya

 

Xasan Maxamed Saalax oo ku magac dheer Xasan Somali oo dhawaan ka soo noqday Soomaliya.

 

Xafladan ayaa waxaa markii ugu horeysay Tacsi loo diray guud ahaan Ummadda Soomaliyeed gaar ahaa Eheledii iyo qaraabadii Marxuun Suldaan C/laahi Cartan Farah oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hergaysa waxaana Ilaah looga beryey in uu Janadiisa geeyo waana loo duceeyey Marxuunka.

 

 

Tacsi ka dib waxaa bilowday shirkii Jaaliyada waxaa u hadley Mudane Yusuf Cali Fanax oo ka warbixiyey in Hawlihii dhaqaale ururintu ay mareyso meel aad u wanaagsan oo weli lagu jiro sidii loo derder gelin lahaa in la helo wixii hore loogu balamay waxaa isaguna ka hadlay Ibraahim Mahamed guuleed oo ka socday Shafield.

 

 

Dhinaca Liverpool waxaa u hadlay Maxamud Ducaale [Dabxaani]wuxuuna sheegey in ay diyaariyeen wixii hore logu balamay Rag iyo Dumar wuxuuna yiri Jaaliyada Liverpool waa kuwa markasta diyaar u ah wax qabadka dalka,Waxaa isaguna dhinaca Birmingham u hadlay Siciid C/laahi Uurcad oo sheegey in la wado howlihii welina lagu guda jiro sidii loo dhamaystiri lahaa.

 

 

Waxaa lagu soo dhaweeyey Mudane Xasan Maxamed Saalax oo ku magac dheer Xasan Somali isagoo ka warbixiyey Safarkii dheeraa ee uu ku maqnaa Soomaliya kaas oo uu hore u sii Raacay Madaxweynaha Mustaqbalka Puntland General Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

 

 

Mudane Xasan Maxamed Saalax Wuxuu sheegey in la sugay ammaanka gobolka: ciidammada gobolka sanaag ayaa la mideeyey,waxa lagu guulaystay in ciidammadaas mid laga dhigo, maantana waxay ku jihaysan yihiin wax ka qabashada gobolka oo ay ku ammaanan yihiin. Waxa ka mida hawlaha ciidanku gacanta ku hayo

 

 

ilaalinta xeebaha gobolka si looga hortago falalka afduubka, budhcadnimada, iyo tahriibinta.

 

La dagaallanka xaalufka degaanka iyo baya'da oo laga bilaabay in la joojiyo dhuxulaysiga oo keena dabar go'a dhirta, nabaad guurka degaanka, iyo amni xumo.

 

La dagaallanka masiibooyinka sida daadadka, duufaannada badda, iyo cudurrada baaha.

 

Bannaynta jidadka iyo daryeelka marinnada ganacsigu maro.

 

Ka hortigidda colaadaha iyo difaacidda amniga gobolka.

 

Ilaalinta agabka dhismaha dekedda laga hir gelin doono iyo hor tegidda khakhal gelinta ammaanka hawlaha mashruuca.

 

 

Cashuuraha dawladda hoose

Waxa lagu guulaystay in la hirgeliyo cashuuraha dawladda hoose ee heer gobol. Dadka gobolka cashuurta laga qaado ee maammulka Puntland urursado, waxba dib uguma soo noqon jirin gobolka. Taasi waa la dhammeeyey, isfahan ayaana lagu keenay dedaalkan. Imminka laga bilaabo hal meel ayaa dadku cashuurta ku bixin doonaan, waraaq sharciyaysanna way la tegi doonaan meelaha ay wax ka dhoofsanayaan.

 

7. Horumarinta Dhaqaalaha

Waxa lagu guulaystay sidoo kale in Bangi laga furo magaalada Badhan, kaasoo kaydin doona dakhliga ka soo xerooda ilaha kala duwan sida xoolaha, beeraha, kalluunka, iyo ganacsida kale.

 

 

Warbixin dheer ka dib waxaa loo gudbay qodobadii iyo sidii loo fulinlahaa gaar ahaan dhaqaalihii sugida Amniga gobolka 3 bilood ee soo socda kaas oo dhan inta u dhaxaysa 350 000 & 500 000 Doler USA iyo sidii Jaaliayada reer Uk uga qeyb qaadan lahaayeen waxaana la gudoonsaday in la bixiyo

 

 

Qofkii shaqeeya in uu bixiyo 500$

 

Qofkii aan shaqeyn in uu bixiyo 200$

 

Waxaa loo xilsaaray Gudi sidii loo heli lahaa dhaqaalaha

 

Waxaa lagu balamay in la soo xereeyo tariikhda la isku raacay

 

 

Waxaa haboon in la xuso in ay Jiraan dad isla meeshii ku dhawaaqay dhaqaalaha ay bixinayaan waxaana jiray dhowr qof oo sheegey in ay bixinayaan 1000£ oo u dhiganta 1800$

 

Ugu danbayntii waxaa la isku afgartay in la soo xereeyo dhaqaalahaas wakhtiga lagu balamay waxaana saxiixay heshiiskaas 4 Jaaliyadood ee ka soo qeyb galay sida London,Liverpool,Birmingham,shaffield!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this