Sign in to follow this  
Abdinasir Kadawo

Haday ka dartoo dibi dhashay!

Recommended Posts

Mudane ka tirsan Barlamanka Somalia oo ku dhawaaqay inuu yahay musharaxii ugu horeeyey ee isu soo taaga xilka madaxweynaha DF

 

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah xildhibaanada baarlaamanka Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isku soo taagay musharaxnimada xilka madaxweyanaha Somalia oo uu shalay iska casilay madaxweynihii hore ee DF Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ka dib shir jaraa’id oo uu xildhibaan Qanyare uu ku qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Xildhibaanka ayaa ka waramay waxqabadkiisa haddii loo doorto xilka madaxweynaha Somalia, wuxuuna xusay in waxa ugu horeeya ee uu wax ka qaban doono uu yahay amaanka “ Anigoo kaashanaya ALLE, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan xiliga ugu horeeya haddii la ii doorto madaxweynaha Somalia aan balan qaadayaa in xoogga saaro in nabadgelyo taam ah oo la helo dadkuna ay kala nabad galaan qorigana la dhigo, markaas ka dib ayaan u soo jeesan doonaa wixii kale ee la qaban lahaa” ayuu yiri Xildhibaaan Qanyare oo ka mid ahaa xildhibaadii isku soo sharaxay jagada madaxweynaha shirkii lagu soo dhisay DF ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya afar sano ka hor.

 

Mr. Qanyare ayaa sidoo kale xusay in barnaamijkiisa musharaxnimo uu maalmaha soo socda u soo bandhigi doono isagoo qoraal ah xildhibaanada baarlaamanka ee iyagu ah kuwa dooran doona madaxweynaha cusub ee Somalia, wuxuuna sheegay in axdiga ku meel gaarka ah u uu qabo haddii madaxweynuhu xilka ka dego in gudoomiyaha baarlamanka uu noqdo sii hayaha madaxweynaha inta bil gudaheed madaxweyne cusub laga dooranayo, isagoo sheegay in taasina aysan jitrin cid wax ka bedeli karta oo aan ka heyn baarlamanka oo awood u leh ayuu yiri inuu xili kale ugu gudoomiyaha baarlalamka.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan

www.dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya

 

Talaado, December 30, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kana tirsanaa hoggaamiye kooxeedyadii ay ka adkaadeen Maxkamadihii Islaamka sanadkii 2006 ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta ugu mowqifka cad marka laga hadlayo xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo ayaa wuxuu noqday musharixii ugu horeeyay oo xilka madaxweynenimada Soomaaliya isku soo taagay kadib is-casilaad uu shalay sameeyay Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu codsigiisa u gudbin doono Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

 

“Marka aan ku guuleysto doorashada madaxweynenimada Soomaaliya waxaan ugu horeyn wax ka qaban doonaa ammaanka, waxaana loo baahan yahay in xabadda dhaceysa la aamusiyo oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed xal loo helo”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhigayo in marka madaxweyne is-casilo loo baahan yahay in muddo 30 maalmood gudahood ah madaxweyne kale uu Baarlamaanka ku soo doorto.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiintii isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya intii uu socday Shirkii ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka mid noqday seddex musharax oo ka soo hartay 26 musharax oo doonayay in loo doorto Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, inkastoo uu qudhiisa ku haray wareeggii labaad oo uu la yimid 38 cod.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa Musharixii ugu horeeyay oo isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya 24 saacadood kadib markii uu is-casilay madaxweynihii Dowladda Fedraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la sheegayo in ay is-casilaaddiisa salka ku heyso cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this