Sign in to follow this  
me

Target: Villa Somalia

Recommended Posts

me   

Ciidamada AMISOM oo ku soo biiray dagaalada xoogan ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

 

 

Muqdisho,(WNT):-Ciid amada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku soo biiray dagaalada xoogan ee ka socanaya Magaalada Muqdisho kadib markii laga awood roonaaday ciidamada dowlada.

 

 

Ciidamada AMISOM ayaa la arkayay iyaga oo madaafiic xoogan ku garaacaya qeybo ka mid ah fariisimo ciidamada mucaaradka kaga sugan yihiin Muqdisho.

 

 

Ku soo biiritaanka Ciidamada AMISOM ee dagaalada Muqdisho ayaa imaanaysa xili dhowr jid cadde ciidamada Mucaaradka u jirsadeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia taasina baqdin xoogan ciidamadaan ku abuurtay.

 

 

Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa durba barakac xoogan ka sii bilaabay xaafadaha ka agdhaw xarunta Madaxtooyada taasi oo u muuqanaysa in dagaal xili walba ka qarxi karo daafaha madaxtooyada.

 

 

Dadka ku dhaqan agagaarka xarunta Madaxtooyada ayaa ku waramaya in dhowr tilaabo isku jiraan ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kooxaha ka horjeeda.

 

 

Arintaan ayaa imaanaysa xili inta badan Magaalada Muqdisho gacanta ku dhigeen ciidamada mucaaradka isla markaana ciidamada dowlada ku sugan yihiin oo kali ah wadooyinka soo gala xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this