Sign in to follow this  
Muruqmaal

Soomaaliyey Bal Eega Guul Ama Guul Darada Ku Soo Wajahan DFKMG

Recommended Posts

Guul iyo guuldaro ayaad moodaa inay dowladda cusub ee Soomaaliyeed soo waji doonto.

 

Hadaba bal aynu isla qaado dhigno sababaha ay dowladan ku guulaysan karto ayna dalka awoodeeda ku baahin karto kuna soo celin karto sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya kulahayd dunidda oo dhan gaar ahaan Afrika. Dowladan sideebay nabad ay hiigsadaan dhamaan ummadda soomaaliyeed ee u ooban nidaam iyo dowladnimo ugu hirgalin kartaa riyada macaan ay qalbigooda ka guuxaya ayna ku hanwayn yihiin inay u rumayso (dowladan) riyadooda shacabka dulman ee soomaaliyeed

 

Hadaba aynu isla eegno dhibaatooyinka ku gudban dowladan cusub iyo sida ay u maareen lahayd mushiladaha waa weyn ee soo food saari doonaa.

 

1. Sidee bay dowladan uga taqlusi kartaa qabqablayaasha aan doonayn dowlad iyo nidaam ay helaan ummadda soomaalyeed?

 

2. Sidee bay dowladan u cirib tiri kartaa qabyaalada ee aynu ognahay inay tahay waxa dalka baab'biyay?

 

3. Madaxweyna Soomaaliya maxaa la gudboon haday qabqablayasha xaaraanta ku naaxay ay diidaan dowladan ma inuu la dagaalamaa oo haday galaan god abeeso uu ka daba galo mise inuu ka fogaado dagaal aan natiijada ka dhalan kartaa aan la saadaalin karin?

 

Sida hadda muuqata waxaa soo ifaya dagaal ba'an oo kumanaan kun ku hooban doonaan, lana mid noqon kara kii 1991, sababtoo ah Maxamed Dheere iyo in badan ay xulufo yihiin dagaal ayay u tafa xeeteen Muuse Suudi iyo koox la socotana dagaal ayay u diyaar garoobayaan.

 

Maxaa xal ah ma in ummadda soomaalieed ee dagaalka ka soo daalay in hadda kow la isku baa'ibiyo. Mise kooxka diidan dowladan waa in laga qabtaa dalka, haddii lala dagaalamana lama garanayo waxay noqon doonto natiijada waayo kooxdan shacab badan ayaa taageeraya una taageeraya qabiil ahaan balse ogayn meel ay u wadaan.

 

Hishiisyada maalin walba ay gaaraan qabqablayaasha ka soo jeeda Muqdisho laguna jahwareerinayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho mowqif cad maxaa looga qaadan la yahay, shacabku maxaysan u fahansaneyn in owrka lagu kacsanayo maalin walba filim murugo leh oo aan dhamaad lahayd loo daarayo.

 

Fadlan su'aalahaa uga jawaab si taxatar ku jirto adigoo miisaamaya siyaasada soomaaliya ee mustaqbalka dhow.

 

Mahadsanidiin WQ: Muruqmaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this