Sign in to follow this  
Che -Guevara

Puntland: Sideed Bilood kadib oo la baxshay Mushahar

Recommended Posts

Warsidaha GO oo fursad u heley inuu wax ka waydiiyo Wasiirka Maaliyada Puntland Farax Cali Shire bixinta mushaharadka shaqaalaha Puntland in la bixiyey ayaa sheegey in dhamaan Wasaaradahu qaateen marka laga reebo ciidamada oo iyagu raashin la siiyey madaama tirakoobkoodu socdo.

 

Wasiirka ayaa xusey in bixinta mushaharka timid sideed bilood kadib oo aysan shaqaalaha Puntland qaadan wax mushahar ah taasina sababtey in howl wadeenada Wasaaradahu ilaawaan xuquuqdii ay ku lahaayeen Xukuumada.

 

Farax Cali Shire ayaa yiri " in shaqaalaha Puntland oo hela mushaharadkoda ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee lagu doortey Xukumada uu Madaxweynaha uu ka yahay Cabdiraxman Maxamad Farole".

 

Barlamanka Puntland ayaa ansaxiyey dhowaan misaniyad ku-meel gaar ah oo Sadex bilood ah taasoo ay horey ugu dhaqmi jirtey Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Mud.Cadde Muse Xirsi.

 

Xukuumada cusub oo barnaamijkeedii siyaasadeed la ansaxiyey ayaa waxaa looga fadhiyaa misaaniyad cusub iney Barlamanka Puntland horgeyso muddo Sadex Bilood gudahood ah iyada oo golaha Wasiirda xiligaas ansaxin buuxda heli doonaan.

 

RADIO GAROWE, Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this