Sign in to follow this  
me

SSC Norway welcomes the President of Galmudug

Recommended Posts

me   

Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Galmudug Iyo Jaaliyadda SSC Norwey

Wednesday, June 2, 2010

 

Waxaa kulan uu dhexmaray jaalliyadda galmudug oo uu weheliyo madaxweynaha maamul goboleedka galmudug mudane:- Maxamed Axmed Caalim. Iyadoo jaalliyadda S.S.C norway ku soo booqatay madaxweynaha guriga oo degen yahay.

 

 

 

Daawo Sawirada

 

 

Soo dhawayn aad u heersaraysa,isbarasho gacaltooyo ku dheehan tahay ka dib waxaa Hadalkii qaatay Mudane C/risaaq dhegeweyne oo ka mahad celiyay booqashada jaalliayadda S.S.C Norway ay ku soo sharfeen Madaxweynaha Maamul goboleedka galmudug.

 

 

 

 

Waxuu mudane dhego weyne sheegay inay labadda jaalliyadood leeyihiin xiriir soo jireen ah,aadna ay isugu dhow yihiin,isagoo carrabka ku dhuftay ka qayb qaadashadii ay jaalliyadda galmudug ka qayb qaateen soo dhaweyntii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaadka Guud Ee SSC, mudadii uu booqashadda ku joogay dalkan Norway,iyo inay ka wada qayb qaataan dhamaanba kullamada looga hadlayo danaha ummadda soomaaliyeed.

 

 

Waxaa Hadalkii lagu soo wareejiyay Mudane C/laahi jaamac oo ku hadlayay magaca odayaasha jaalliyadda S.S.C norway, waxaanu mudane C/laahi aad uga mahadnaqay wax qabadkii ay dadka iyo maamulka galmudug u qabteen dadka S.S.C taasoo uu ku tilmaamay mid lama ilaawaan ah sidii walaaltinimadda lahayd ee dadweynaha iyo maamulka galmudugba ay u soo dhaweeyeen hogaanka sare ee S.S.C, waana mid taariikhi ah.

 

 

 

 

Intaa ka dib waxaa hadalka la wareegay Dr.Kayse Siciid Cartan oo isna aad ugu dheeraaday xiriirka labada jaalliyadood iyo in la sii adkeeyo,ka gudaha,isagoo Dr. Kayse sheegey in degaanka S.S.C ay ka mid yihiin Dad asal ahaan ku abtirsada Galmudug,oo ay yihiin dad wax kastoo la isu noqon karaba isu ah.

 

 

Waxaa isaguna hadalka loo gudbiyay Jaamac Yuusuf Ibraahin waa Jaamac Dhawdhawle oo si hufan uga warbixiyay xaaladaha ka taagan degaanadda S.S.C ee ay isu bahaysteen Saddex maamul oo cadow ku ah,kana kala xigaan hareeraha.

 

 

Wuxuu jaamac ku nuux nuuxsaday in maamul goboleedka gal mudug oo ka mid ah maamuladii ugu da'da yar laga dareemayo soomaalinimo,isla markaana ay dhiirigelinayaan xiriir dhinac walba ah inuu dhexmaro maamulka cusub ee S.S.C iyo hogaankoodaba diyaar u yihiin soona dhoweynayaan.

 

 

 

 

Waxaa intaa ka dib hadalkii lagu wareejiyay Madaxweynaha Maamul goboleedka Gal mudug Mudane Maxamed Axmed Caalim.

 

 

Madaxweynuhu wuxuu ka waramay sida ay tahay xaaladda soomaaliya,iyo gaar ahaan tan maamulka galmudug,waxaanu aad ugu dheeraaday inay nabadu tahay ta lagu dambaynayo,ayna tahay in laga shaqeeyaa oo ay muhiim muqadas ah tahay.

 

 

Waxuu madaxweynuhu si hufan u cadeeyey in maamul goboleedka galmudug yahay mid soomaali u dhexeeya cid kasta oo soomaali ahna lagu soo dhawaynayo oo aanay qariib iyo marti ku noqonayn.

 

 

Wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu soo dhawaynayo xiriir walaaltinimo oo dhex mara dadka kala degga labada degaan ee gal mudug iyo Sool Sanaag iyo Cayn.

 

 

 

 

Wuxuu Madaxweynuhu ka codsaday jaalliyadda SSC ee norway inay salaan ka gaadhsiiyaan dhamaanba Dadweynaha S.S.C gudaha iyo qurbahaba.

 

 

Waxaanu kulankaasi ku soo afmeermay is afgarasho walaaltinimo ku dheehan tahay iyo gacaltooyo.

 

 

 

Daawo Sawirada

 

 

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this