Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SOMALILAND PRESIDENT'S TOUR TO THE UNITED STATES

Recommended Posts

To avoid the doublication, this thread will tell you all the related issues, meetings and the tour of the President until he comes back to the country.

 

Have a nice day

 

 

=============================================

 

 

Addis Ababa(QARAN)-The President of the Republic of Somaliland, Mudane Dahir Rayale Kahin and his delegation was met with the Norwegian ambassador to Ethiopia, Mr. James Peter today in Addis Ababa.

A communique issued at the conclusion of the meeting by the President's press officer is as follows:" President Rayale and Ambassador Peter held discussion on issues relating the current situation in the horn of Africa, and in particular the diplomatic relationship between Somaliland and Norway. The President and the ambassador also discussed the visit of Mudane Rayale to Norway in June of 2007 and its outcome, as well as, areas of mutual interest between the two countries"

Also this morning, at around 10:30am, President Rayale received a visit from a large delegation from the British embassy in Addis Ababa, led the British charge d'affairs, Mr John Marshall and members of the embassy's political department.

President Rayale and his delegation are currently in the middle of a visit to the Ethiopian capital Addis Ababa and are expected to leave for the United Kingdom and the United States in the next few days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President Again Meets the US Ambassador in Addis:

 

 

Madaxweyne Rayale iyo waftigiisii oo caawa casho sharaf la qaatay

Written by qarannews

Jan 04, 2008 at 11:42 PM

 

 

Adis Ababa (Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Caawa waxa Casho Sharaf ugu sameeyay, Xarunta Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Dalka Ethiopia, Mudane, Donald Yamamoto, oo ah Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Ethiopia, cashadaasi oo ahayd soo dhaweyn loo sameeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa intii cashada socotay lagaga wada hadlay arimo farabadan oo khuseeya danaha labada waddan, iyo sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada Dal iyo gogol xaadhka Safarka Madaxweynuhu dhawaan ugu kicitimi doono Dalka Maraykanka. Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu uga mahad celiyey Safiirka soo dhaweynta qiimaha leh iyo casha sharafta uu u fidiyeyba.

 

Kullankaasi waxa uu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, sidaasina waxa lagu sheegay warsaxaafdeed uu caawa saxaafda u qaybiyay afhayeenka madaxtooyada Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

u_2d_2008-1-4-21-38-5f_r222.jpg

 

u_2d_2008-1-4-21-37-8f_r1.jpg

 

hadhwanaag 2008-01-04 (Hadhwanaagnews)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Caawa waxa Casho Sharaf ugu sameeyay, Xarunta Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Dalka Ethiopia, Mudane, Donald Yamamoto, oo ah Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Ethiopia, cashadaasi oo ahayd soo dhaweyn loo sameeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa intii cashada socotay lagaga wada hadlay arimo farabadan oo khuseeya danaha labada waddan, iyo sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada Dal iyo gogol xaadhka Safarka Madaxweynuhu dhawaan ugu kicitimi doono Dalka Maraykanka.

 

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu uga mahad celiyey Safiirka soo dhaweynta qiimaha leh iyo casha sharafta uu u fidiyeyba.

 

Kullankaasi waxa uu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADDIS ABABA, 03 Jan. 2007--Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay oo hadda ku sugan caasimada Daolka Itoobiya , waxa saaka booqasho sharaf ugu tagay huteelka uu degan yahay Madaxweynuhu, safiirka dawlada Norway u fadhiya Mr James Peter.

 

Madaxweynaha iyo safiirka Norway waxa ay ka wada hadleen xaalada geeska Afrika gaar ahaan JSL iyo xidhiidhka ka dhexeeya JSL iyo dalka Norway , Madaxweynaha iyo safiirku waxay kale oo ay isla soo qaadeen socdaalkii Madaxweynuhu ku tegay dalka Norway Bishii June sanadkii hore iyo madaxdii ay is arkeen arrimihii ay ka wada hadleen iyo wixii tan iyo hadda ka qabsoomay.

 

Isla saaka subaxnimadii waxa Madaxweynaha booqasho sharaf ugu tegay huteelka uu degan yahay , wefdi balaadhan oo ka socda safaarada Boqortooyada UK oo uu hogaaminayay ku simaha safiirka dawlada UK Mr John Marshall , waxa kale oo wefdiga ka mid ahaa haweenayda arrimaha siyaasada u qaabilsan safaarada UK ay ku leedahay Addis ababa Ms Wendy.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisu weli waxay ku gudo jiraan safar koodii shaqo ee ay ku joogeen caasimada Addis ababa ee Dalka Itoobiya.

 

 

Awdalnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir dadkii ka soo qayb galay ay ka muuqatay midnimo, isku duubni iyo shucuur Somaliland ah ayaa galabnimadii Jimcaha 4/1/08 lagu qabtay galbeedka magaalada London.

 

Shirkan oo loogu diyaar garoobayey soo dhawaynta iyo taageerada Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ku soo began Carriga Ingiriiska waabariga maalinta Axadda, 06/01/07, waxaa Xubnihii shirka ka soo qayb galay ka mid ahaa: Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiilada JSL, Madax heer qaran ah oo ka tirsan Axsaabta Somaliland , Safiirka Cusub ee Somaliland uga wakiil noqon doona ee UK, ku xigeenkiisa, iyo Xoghayaha 1aad, Safiirka Ireland iyo SL Ambassador at large, Odayaal, Aqoon yahanno, Mujaahidiin, Culimo, Gudoomiyaha UDUB UK, Gudoomiyaha UCID UK iyo Saraakiil kale oo tirsan labadan Xisbi iyo Kulmiyeba.

 

Shirka shalayto oo ahaa mid aan loo kala hadhin waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay xubno ka socday jaaliyadaha Somaliland ee London, Cardiff, Bristol, Birmingham, iyo Sheffield iyo wakiilo Ururada UK SS, SDN iyo UK Somaliland chamber of commerce.

 

Shirka oo uu xidhiidhinayey Safiirka Somaliland ee Ireland, ahna Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha iyo Xukuumadda, iyo dhamaan Xubnihii kale ee ka soo qayb galay shirkuba waxay si diiran u soo dhaweeyeen safiirka cusub ee U.K Mudane Aadan Muuse Jibriil. Intaa ka dib Safiirka Ireland,mudane Cabdifataax Siciid waxa kale oo uu ka waramay horumarka xukuumadda JSL ku talaabsatay gaar ahaan dhinaca Arrimaha dibabadda taas oo laga dareemi karo Safiirada Somaliland ee maanta shirka ka soo qayb galay oo lagu tilmaami karo maalin taariikhi ah.

 

Safiirka Cusub ee U.K, Mudane Aadan Muuse Jibriil ayaa isaguna ugu horayn wuxuu mahad balaadhan us oo jeediyey xubnaha shirka ka soo qayb galay iyo guud ahaan jaaliyadaha Somaliland ee U.K waxaanu sheegay in kulankani yahay mid farxad weyn galiyey. Mahadcelintaas ka dib Safiirku wuxuu ka waramay xaaladda guud iyo marxaladda ay JSL maanta marayso, waxaanu ku tilmaamay mid farxad iyo yidiilo leh, gaar ahaan isbadalka togan ee mawqifka iyo siyaasadda reer Yurub iyo Maraykanka ee ku waajahan Somaliland taas oo dhalisay martiqaadkan Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayaa ka heleen Maraykanka iyaga oo soo mari doona U.K oo ah dal xidhiidh wanaagsan Somaliland iyo Maraykankaba ay leeyihiin. Intaa ka dib safiirku wuxuu ka waramay hawlaha uu Britain ka qaban doono inta uu joogo iyo inuu xidhiidh joogto iyo wada tashi la yeelan doono Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan Carrigan Ingiriiska.

 

Qaar ka mid ah xubnihii kale ee ka soo qayb galay shirka ayaa ka soo jeediyey warbixinno iyo talooyin la xidhiidha arrimaha Somaliland iyo Soo dhawaynta Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha JSL, mudane Daahir Rayaale Kaahin. Iyo muhimmadda ay arrintani u leedahay shacbiga Somaliland iyo guud ahaan geedi socodka loogu jiro raadinta xuquuqda Qarannimo ee Somaliland kaga maqan caalamka gaar ahaan Ictiraafka iyo Aqoonsiga aynu xaqa u leenahay.

 

Falan qayn dheer ka dib waxay Xubnihii shirka soo qayb galay isla garteen in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni iyo feejignaan dheeraad ah iyo in hoos loo dhigo Jawiga Socdaalka wafdiga. Waxa kale oo la isla gartay in la magacaabo guddi gacanta ku haysa masuuliyadda guud ee soo dhawaynta iyo hubinta habsami u socodka hawlaha wafdigu inta ay joogaan U.K iyo gudi gaar ah oo kala shaqaysa Safiirada iyo Safaaradda hawlaha dhinaca protokoolka iyo Ammaanka guud ee wafdigu inta uu joogo U.K.

 

Ugu damabayntii wuxuu shirku u mahad celiyey Mudane Axmed Xano iyo Xubnihii kale ee soo diyaariyey madasha shirka lagu qabtay.

 

 

 

Axmed Nassir Xirsi

Gudoomiyaha UDUB UK

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada London

 

 

London (Qaran)-Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport- ee magaalada London, madaxweyanaha oo socdaal rasmi ah ku yimid magaalada London saaka, waxa socdaalkiisa ku weheliyay haweenaydiisa iyo xubno sar sare oo ka mid ah xukumadiisa oo ay ka mid yihiin.

 

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku weheliya, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Mudane, Cabdi Haybe Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane, Axmed Xassan Cali ( Casoowe, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise''., waftigan ayaa la dajiyay Hotel weyn oo ka mid ah Hoteelada ay ku soo dagaan madaxda caalamku kaasi oo ku yaala agagaarka aqalka boqorada Ingriiska ee badhatamaha magaalada London

 

 

Madaxweyanaha ayaa hal todobaad joogi doona magaalada London kadibna uga sii socdaali doona dalka Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2008-01-06 (Hadhwanaagnews) London (Hadhwanaagnews.com)--Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminaayey ayaa saaka soo gaadhay xarunta dalka Britain ee London iyagoo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Heathrow Airport oo ku yaalla galbeedka magaalada London.

 

Wefdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliyiinta somaliland u fadhiya dalalka Britain iyo Ireland, hogaanada jaaliyadaha somaliland, xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo hadda jooga magaalada London oo uu horkacaayey xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah oo ah maalin isniin ah uu ka bilaabo doono magaalada London hawlahiisii shaqo ee yimid, iyadoo lagu wado inuu booqasho ku tago xarunta baarlamaanka ingiriiska (House of commons).

 

wixii warar ah ee ka soo kordha wefdiga madaxweynaha kala soco Hadhwanaagnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

London (QARAN)-

The Somaliland delegation led by the President of the Republic Mudane Dahir Rayale Kahin arrived this morning at Heathrow airport in London.

The President and his delegation was met with the usual protocol for visiting dignitaries. The delegation which includes, Marwo Huda Barkhad, the Somaliland ministers for Foreign Affairs, Health and Justice, Mudane Abdillahi Mohamed Duale, Mudane Abdi Haybe Mohamed and Mudane Ahmed Hassan Ali, are also accompanied by the deputy minister for Planning, Mudane Ahmed Hashi Abdi and the President's private secretary, Mudane Ahmed Mohamed Isse.

 

The delegation are staying at exclusive hotel in central London near the vicinity of Buckingham Palace. It is expected that the President's delegation will spend five working days in London, meeting with United Kingdom officials, members of the Somaliland community and business leaders, before heading for a visit to the United States of America.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaaliyaaloow, soo dhawaada, jaaliyaaloow soo dhawaada. Jaale Riyaaloow, soo dhawoow adigana. :D

 

Haye, Kanada masoo mari doonaa?

 

And how come adigana aadan wafdiga iyo ergada ula socon nooh? Mise inaa si dhuumasho isku dhiibtid laga baqaa? :D Boorsooyinka isku soo qari yaaqeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jan 08 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta waxa House of Lords ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Africa, Asia, UIN-ta iyo Arrimaha Debedda iyo Ururka Barwaaqo Sooranka Mr. Lord Malloch Brown, Minister for Africa, Asia and the UN, Foreign and Commonwealth Office, Wasiirka oo ay weheliyeen xubno sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Ingiriiska waxay Madaxweynaha iyo weftigiisa,

 

 

 

 

 

ka wada hadleen Xaalada Somaliland ee imika, isagoo Wasiirku u sheegay Madaxweynaha in uu Somaliland ka warqabo waxa u qabsoomay iyo halka laga soo qaaday, taasina ay tahay mid lagu faano oo mucjiso ah, taasi oo cid walibana ay ugu hayso ixtiraam.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Wasiirka iyo Masuuliyiinta uga mahaceliyey soo dhaweynta fiican ee loo fidiyey taasi oo ay ka sinnaayeen min Safaaradda Addis Ababa illaa iyo Home Office-ku.

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay ka wada hadleen, wixii ka qabsoomay kullamadii uu Madaxweynuhu sannadkii hore la yeeshey, Lord-kii ka horreey ee Lord Treisman, taasi oo Wasiirku u sheegay Madaxweynaha in wax qabsoomeen, wax kaloo badanina ay qabsoomi doonaan, Mustaqbalka dhaw.

 

Kullankaasi oo Madaxweynaha ay kala qayb galeen, dhammaan Weftiga la socday iyo Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya, Ingiriiska, Mr. Aadan Muse Jibriil, Safiirka ( Ambassador at Large)

Mudane, Maxamed Aar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska Somaliland ee UK.

 

Waxa kaloo shalay Madaxweynuhu ku qaabilay Hudheelka uu deggan yahay, Xubno fara badan oo ka socda Axsaabta kala duwan, ee Dalka, kuwaasi oo ka mid ahaayeen, Xubno ka socda Xisbiyada Qaranka JSL.

 

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji

Hargeysa

Somaliland

 

 

Source:

somalilandnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2008-01-11 (Hadhwanaagnews) Hadhwanaagnews-Caasimada Maraykanka ee Washington DC ayaa xalay abaaro 9:00 Fiidnimo Diyaridii siday Madaxweynaha J.Somaliland Mud: Daahir Riyaale Kahin & Waftigiisa lasocday soo caga dhigatay.garoonka Magaalada Washington DC. Waftigaas culus ayaa Todobaadkanba u joogay arimo shaqo cariga Ingriiska kadibna markii ay soo dhamaysteen socdalkoodii shaqo usoo gudbey wadanka maraykanka oo ay marti qaad rasmi ah ay ka heleen.

 

 

Madaxweynaha J.Somaliland Mud:Daahir Riyaale Kahin iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxaa sidiiran ugu soo dhaweeyay Airport-ka Magaalada Washington Madax sare oo katirsan Dowlada Marakanka kadibna waxaa loogalbiyay Hotelkii ay ku dagi lahayeen.

 

Hadhwanaagnews oo khadka telefonka kula Xidhiidhtay Mr.Ibrahim Mahamed Cabdi oo kamid ka ahaa dadkii soo dhawaynta ka qayb galay waxaana uu Mr Ibrahim uunooshegay inaanay usoorta galin inay lakulmaan Madaxweynaha iyo Waftigiisa sababtoo ah waxaa sugayay Madax kamid ah State Department-ka taasoo lagu galbiyay soo dhawayn heer Qaran ah waxaa kaloo oo uu Ibrahim noo shegay in amaanka Waftiga Somaliland aad loo adkeyay Jaaaliyada Somaliland-na ee markaa kusugnaa Airport-ka lagu wargaliyay in ay Hotelka waftiga kulakulmi karaan sida caadada u ah Madaxweynayaasha.

 

Wararka kale oo aanu Washington ka helnay waxa ay shegayaan in Washington D.C. aad ka dareymeyso dhaqdhaqaaq fara badan iyo u diyar garowga lakulanka waftiga Maalamaha soosocda iyada oo lagu wado in uu sigaar ah ula kulmo jaaliyada North America Malinta Salaasada ah ee soosocota Taarikhduna ay tahay January,15-2008 waa markaay dhamaystaan Howsha Qaran ay u Yimadeen Waa Madaxweyne Daahir Riyaale & Waftigiisu’e

 

 

Waftiga ka yimid dalkii hooyo oo uu Hogaminayo Madaxaweynaha J.Somaliland iyo Madaxda kale Qaranka ee lasocota waxay guda gali doonaan Howlahoodii shaqo ay u yimaaden USA Maalmaha soosocda wixii warar ah oo kasoo kordha kala socda Hadhwanaagnews

 

Hadhwanaagnews

Toronto, Canada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this