Sign in to follow this  
Juje

Suicide bombing against Government Forces

Recommended Posts

Juje   

Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta lagu weeraray xarun ay ciidamada Military-ga dowladda ay ku leeyihin Magaalada Muqdisho

 

Shabelle: MUQDISHO

Qarax Ismiidaamin ah oo qasaare dhimasho ah geystay ayaa waxaa maanta lala eegtay Xaruntii Keydka Shidaalka ee magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen ciidamada Military-ga dowlada kmg Soomaaliya iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in Qof Ajinabi ah uu qaraxaasi ka danbeeyay.

Qaraxani oo dhacay abaaro 12-kii duhurnimo ee Maanta ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta loo yaqaan Hama Dhowr ee keydi hore ee Shidaalka halkaasi oo xarun u ah ciidamada Military-ga dowlada kmg Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan meel aan sidaasi uga fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa Idaacada shabelle u sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari nuuca loo yaqaan Runetka oo ku socday xawaare aad u dheer kaasi oo ku dhacay iridka hore ee xaruntaasi halkasi oo uu ku geeriyooday Askari Illaalo ka ahaa Xarunta iyo Ruuxi Naftii huraha ahaa waxaana sidoo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen labo Ruux oo midi haweeney aheyd oo ka tirsanaa ciidamada Military-ga dowlada kmg Soomaaliya.

“Taliska ciidamada Military-ga ayaa waxaa soo galay Gaari Runt ah ,waxaana ku aragnay meydka askari illaalo ahaa iyo dhaawaca labo qof oo ciidamada dowalada ka tirsanaa iyo sidoo kale meydka Qofkii is qarxiyay” ayuu yiri qof goobjooge ahaa oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahin Shaaweye oo shabelle ay wax ka weydiisay dhacdadaasi ayaa xaqijiyay in qaraxaasi lala eegtay xarunta Haama Dhowr ee magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay in falkasi uu ahaa mid cadawtinimo isla markaana sida uu sheegay uu fuliyay qof Ajanib ah.

Mar ay shabelle wax ka weydiisay cadeeynta ay u hayaan falkaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay hayaan cadeeymo cadd oo muujinaya in qofka falkasi fuliyay uusan aheyn Soomaaliya.

“Qof ajinabi ah ayaa falkasi qaraxa geystay oo umadda Soomaaliyeed loo soo diray,xaqiiqda ayaa la hayaa Cadkiisa ayaa la hayaa waxana ma geysan” ayuu yiri C/fataax Shaaweye.

Weerarkani ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili dagaalo fool ka fool ah ay ka dhacyeen magaalada Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay dowlada kmg iyo xoogaga ka soo hor jeeda mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xoogaga islaamiga ah oo la xiriira weerarka ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday xarunta Haama Dhowr halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin Military-ga dowlada kmg Soomaaliya.

Weeraro ismiidaamin ah oo sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala eegatay xarumaha dowlada kmg iyo fariisimo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Waar niyow ma ka badbaaday adigu ?? ,,
:D

Thanx for asking sxb, am Ok

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Suicide bombs against MUSLIMS?

 

Hmm, that shows the extreme fitnah that the religious pretenders are causing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is good Juje.

 

Iska dhaaf these news and qaraxyo and tell us about the situation and what is going on there ....

 

The government plans,,,, the fighting opposition and your future prediction .....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Horrific pictures of the suicide bombing by the religious extremists:

 

Alshabaab oo sheegtay weerarkii ismiidaaminta, kuna tilmaamay ruuxii fuliyay inuu ahaa Soomaali.Daawo sawirada iskana jiir.

 

http://www.jowhar.co m/main/news.php?read more=58

 

 

WARNING: DEAD CORPSES AND HORRIFIC CONTENT ON THAT LINK.

 

 

PS: Unfortunately another young Soul was brainwashed by the religious pretenders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this