Sign in to follow this  
Jacaylbaro

TFG Arrests the Inetrior Minister ??

Recommended Posts

warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow xarunta madaxtooyada dowladda kmg soomaaliya ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha dowladda kmg soomaaliya iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda kmg xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay falal khiyaameyn qaran ah oo ay kula keceen dowladda kmg.

 

sida warku sheegayo wasiirka iyo saraakiisha kale ee lala xiray ayaa lagu ogaaday inay hub iyo saanad kale oo ciidan ay siiyeen xoogaga hubaysan ee dowladda dagaallada kula jira, hubkaasoo qaarkood la qabtay, qaar kalena gacanta u galay xoogagga mucaaradka.

 

ilaa 5 gaari oo hubkaasi uu ku rarnaa ayaa labo ka mid ah ciidamada dowladda kmg ay qabteen, halka saddexda kale la xaqiijiyey inay gaareen xarumaha xoogaga mucaaradka.

 

baaritaan lagu sameeyay cidda hubkaasi bixisay ayaa la sheegay inay noqdeen saraakiil ka tirsan dowladda kmg soomaaliya oo fasax iyo fududeyn ka helay wasiirka arrimaha gudaha, taasoo sababtay in wasiirka iyo saraakiisha looga yeero xarunta madaxtooyada.

 

wararku waxay ay sheegayaan in saraakiisha arrintaasi ku lugta lahayd xabsiga la dhigay, halka wasiirka arrimaha gudaha isagana lagu amray inuusan ka dhex bixin xarunta madaxtooyada sidaana waxaa la sheegay inuu soo faray madaxweynaha soomaaliya oo dalka dibadda uga maqan, isagoo ku taliyey in wasiirka aan xabsi la dhigin balse lagu hayo gudaha xarunta madaxtooyada.

 

hubka iyo saanadda ciidan ayaa la sheegay in laga bixiyey xarun ku taala agagaarka dekaddi hore ee magaalada muqdisho, waxaana la sheegayaa in hubkaasi ay ka mid ahaayeen hub iyo qalab kale oo ciidan oo ay dhawaan dowladda kmg ka heshay waddamada maraykanka iyo yurub.

 

tan iyo markii uu warkani soo shaac baxay ayaa waxay ciidamada dowladda kmg soomaaliya bilaabeen inay baaraan gaadiidka isticmaala waddada makka al-mukarama iyo waddooyinka ku dhow dhow xarunta madaxtooyada, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay dowladda kmg soomaaliya oo ku saabsan arrinkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   
:D Waniyow, malaha xalay baad (Aabaa yaabay ) u fadhiisatay. Dont forget the source of the news smile.gif Mise, you are a freelance journalist

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I notice sometimes you try very hard to erase any hint of the source in your articles. You erase the title, the author, where you got it, etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this