Sign in to follow this  
Gordon Gekko

Telecom companies agree to pay taxes

Recommended Posts

Axad, June 03, 2007(HOL): Guddiga Dhaqan-gelinta Canshuuraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu kula shiray Xaruntii Nabad-sugidda mas'uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta Magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii shirkadaha ganacsiga loogu sameyn lahaa Shatiyo Canshuuro lagu bixiyo

 

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqan-gelinta Canshuuraha, ahana Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dowladda Federaalka Dr. Cali C/llaahi Cosoble oo shirkaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay maanta la shireen Shirkadaha Isgaarsiinta, isla markaana ay isku af-garteen in ay Canshuuro bixiyaan, wuxuuna caddeeyay in canshuuraha laga qaado ganacsatada wax loogu qaban doono Shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in ay arrintaas isla jaan-goyn doonaan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, kadibna ay soo bixi doonaan qorshayaal lagu wada shaqeyn karo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay ganacsatada soo dhaweeyeen dalabka ugu yimid Dowladda Federaalka ee ku aadan in ay canshuuro bixiyaan.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go'aan ah in ay bilaabi doonto canshuur qaadis, iyadoo ganacsatadana la faray in ay is-diiwaangeliyaan, iyadoo ciddi is-diiwaangelin weysana la sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

 

Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho oo mudadii 16 sano ahayd ee aynu ka soo gudubnay aan bixin wax canshuur ah, bacdamaa aysan Dalka soo marin Dowlad Canshuur weydiisata ayaa xiligii Maxkamadihii Islaamka waxay qarka u fuuleen in ay canshuur bixiyaan, hayeeshee taasi ma aysan suurtagelin, waxaana maxkamadihii Islaamka Muqdisho laga saaray iyagoo xitaa Goobaha Ganacsiga Nambarro tiro-koob ah ku qortay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan soo rogtay amarka ah in Ganacsatada Canshuur laga qaado ayaa iyadana looga fadhiyaa in canshuurta ay qaadeyso ay wax uga qabato adeegyada ay bulshada u baahan yihiin oo ay haatan Nabadgelyada ugu horeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this