Sign in to follow this  
Emperor

More Shabaab fighters graduate from their training camps in the south

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho: Al- Shabaab oo ciidamo xoog leh uga soo baxayaan Dugsiyo tababar oo kuyaala Koonfurta Soomaaliya.

28. maj 2009

 

APL

 

 

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

Muqdisho(AllPuntland )- Ururka Al- Shabaab ayaa awoodiisa Milateri gaarsiiyey meeshii ugu sareysa tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay bilaabeen dagaalada ay uga soo horjeedeen dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana warbixintii ugu horeysay oo laga helay Saraakiisha Al- Shabaab ay tilmaamayaan in ay hada tababaro usoo xirmayaan ciidamo ka badan 2000 Kun oo ka amar qaadanaya saraakiisha Al- Shabaab, doonaya in ay la dagaalamaan dowladda Faderaalka.

 

Saldhigyo ama goobo ciidan oo gaaraya 300, luguna tababaro ciidamo ka tirsan dhinacyadan ayaa laga furay dalka Soomaaliya dhamaadkii sannadkii 2008-dii, sida ay xaqiijinayaan Warbixinada Hoose ee ay AllPuntland ka helayso dhinacyada kala gedisan ee ka tirsan Al- Shabaab.

 

Saraakiisha Al- Shabaab ayaa xaqiijiyey in ay ciidamo badan oo ka tirsan ururkooda hada usoo dhamaadeen tababaro ay mudo ku jireen, isla markaasna waxa ay sheegeen in ay tababaradaasi ka socdeen Saldhigyada Milateri oo kuyaala gobalada Jubooyinka, Baay & Bakool oo ah goobaha ay aadka ugu xoogan yihiin Ururkan Al- Shabaab.

 

Dagaalyahanadan cusub ee ka soo baxaya saldhigyada Milateri ama xeryaha tababarka ayaa lagaynayaa sida ay Al- Shabaab qorsheysteen magaalada Muqdisho iyo goobaha ay joogaan dhinacyada ka soo horjeeda, waxaana qorshahoodu yahay sida ay xaqiijinayaan Xeeldheerayaashu in ay la wareegaan Koonfurta dalka Soomaaliya bisha nagu soo aadan oo ay ka taliyaan mar guud ahaan Koonfur Soomaaliya.

 

Al- Shabaab ayaa hada ku hanjabtay weeraro ay ku qaado Madaxtooyada iyo garoonka Muqdisho oo ay labadaasi xarumood amaankooda sugaan ciidamada nabad sugayaasha Africa,inkastoo ay Al- Shabaab sheegeen in aysan wax awood ah laheyn dhinacyada ka soo horjeeda.

 

Khuburada arimaha Siyaasada ee dalka Soomaaliya la socda gaar ahaana xaaladaha milateri iyo Siyaasadeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay Al- Shabaab gaartay guulo la taaban karo maalmihii ugu dambeeyey, waxa ayna sheegeen in ay badalaad mug-weyn ku sameeyeen xilalka ururkaasi oo isku shaandheyn lugu sameeyey Xilalka ururkaasi, badankooda ragii lasoo dagaalamay ciidamada dowladda Itoobiya abaalmarin lasiiyey lana dalacsiiyey.

 

Siyaasiintan ayaa sidoo kale qaba in hadii aysan helin dowladda Faderaalka ee Soomaaliya awood xoog leh todobaadka nagu soo aadan daaqada laga tuuro oo ay Muqdisho ka taliyaan ciidamada Al- Shabaab, marka laga reebo ayay leeyihiin Khuburadu awood yar ee Midowga Africa oo ay sheegayaan in aysan meel fog gaarsiineyn.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Yesterday when the same source (Allpuntland.com) was reporting that 10.000 TFG soldiers have completed their training in Ethiopia it did not impress us, why should this silly news impress us? LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Meiji:

Yesterday when the same source (Allpuntland.com) was reporting that 10.000 TFG soldiers have completed their training in Ethiopia it did not impress us, why should this silly news impress us? LOL

Spot on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Dissappeared Mr. Juje, what happened? You are seen here only when you hide behind someone else's post or comment...

 

You hardly post or take part in the discussion, take it easy mate, haxishoon intaas inaad ka adagtahay ayaan waligay kuu haystay :D

 

Meiji Adeer, again beer jileeca iska dhaaf, how many times do we have to tell you that this is the politics section, post and report what you like and ignore what you don't...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meiji: Adeer Al Shabaab fought the Ethiopians, you took credit. They fought the TFG, again you & Ahmed Diriye took credit. Now they have crushed the "Islamic courts" in a mater of days and have proven it was them and their allies led by Xasan Turki that were the muscle, all you were was the wailing victims who took credit.

 

Now we wait for the fight back, 80% of Mogadishu as Juje can attest is in Al Shabaab, Ras Kamboni hands.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this