Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Oo Kala Noqotay Ruqsad Ay Siisay Ganacsade Sucuudiyaana

Recommended Posts

u2d20061213145430fwwwwwju2.jpg

Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha

 

 

jamhuuriyada Somaliland Md, Idiris Ibraahim Cabdi ayaa shirjaraa’iid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay inay kala noqdeen ruqsadii uu xoolaha ku qaadanayey ganacsadee u dhashay dalka Sucuudiga.

 

Ganacsadaha oo lagu magacaabo Al-jabiri oo kula heshiiyey xukuumada Somaliand inuu xoolaha si toosa u geeyo magaalada jidah, balse ay ka war heleen laba markab oo siday in ka badan 40,000 oo neef uu ku sii dejiyey dekeda jabuuti.

Wasiirka xanaanada Xolaha waxa kale oo uu ku sheegay shirkiisa jaraa’iid inay siyaasada xukuumadu tahay in xoolaha Somaliland laga dhoofiyo dekeda Berbera o aan la marin karin dal kale, Jabuuti oo aynu deris nahay aan lagu hakin karin.

Dr, Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu tilmaamay in bishii October 2006 la go’aamiyey in dekeda Berbera Mooye inaan deked kale laga dhoofinayn Xoolaha Somaliland, Waxa uu wasiirku sheegay in dhamaanba dekedaha ku yaala mandaqada sida jabuuti, Boosaaso, Asmara aanay wax cadaawad ahi ka dhaxeyn balse ay dekeda Berberi tartan kula jirto kuwa geeska Afrika.

 

Dr, Idiris Ibraahim Cabdi Mar uu ka hadlayey heshiiskii ay galeen ganacsadaha Sucuudiga ee Al-jabiri ayaa waxa uu ku sheegay in xubno ka mid ganacsatadeenu ay cabasho ka soo gaadhay iyagoo xusay inay la soo xidhiidheen qaar ka mida ganacsatada Sucudiga oo ay ku yidhaahdeen xoolaha Somaliland deked kale soo mariya, taasi oo ay iyana ka shireen Maaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin, Hay’adaha Dawlada iyo Ganacsataduba laguna go’aamiyey in xoolaha Jamhuuriyada Somailand laga dhoofiyo dekeda Magaalada Berbera.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay ganacsadahan la yidhaahdo Al-jabiri uu ogalaaday oo uu qiray inuu dalka somaliland ka rabo 500,000 oo neef si toosana uga dejindoona magaalada jidah ee Sucuudi Arabiya, wuxuuna intaasi ku daray inuu qaatay laba markab oo siday 42,000 oo neef , kadibna la ogaaday in xoolaha lagu dejiyey dekeda jabuuti isla markaana ay xayirtay xukuumada Somaliland Markab kale oo loo rarayey oo qaadi lahaa 120,000 oo neef.

Dr, Waxa uu ganacsatada Reer Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan waxkasta oo lagu wiiqayo dhaqaalaha qaranka iyo dekeda Berbera.

 

Ganacsadahan dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Boqortooyada Sucuudiga Al-jabiri ayaa ka guuleystay qandaraas ay bixiyeen Bangiga Hormarinta Islaamka, kaasi oo loogu talo galay xoola dhan 600,000 oo neef in la geeyo sanadkan xajka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this