Sign in to follow this  
Jabhad

Latest news from occupied Somalia.

Recommended Posts

Jabhad   

Melez Zenawi oo walwal ka muujisay qaraxyada iyo…

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay si weyn walwal uga muujisay qaraxyada iyo weerarada ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya xili ay ciidamada Itoobiya xoogooda ka sii baxayaan.

 

Mucaaradka dalka Itoobiya ayaa maalmahan waxaa ka soo yeerayey hadalo kulul oo Dowladda Meles Zenawi loogu sheegayo in markii hore ku qaldamay in Ciidamada Itoobiya ay galaan gudaha dalka Soomaaliyaa, waxay kaloo sheegeen in Dowladdu ay mas’uul ka noqon doonto askarta ku dhimaneysa gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in Meles uu garab siiyey mid ka mid ah garabyada isaga soo horejeedda Soomaaliya.

 

Mucaaradku waxa uu Dowladda Itoobiya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Itoobiya looga soo saaro Soomaaliya. “Waan ogeyn in Maxaakiimtu aysan halis ku aheyn dalka Itoobiya, balse Meles waxa uu fuliyey danaha dalka Mareykanka oo uu ku helay malaayiin Doolar oo aan weli gaarin ciidamada Itoobiya” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya oo sidoo kale aad uga xumaaday dad u dhashay Oromo lagu xasuuqay dalka Soomaaliya, kuwaas oo mudo 30 sano ah xaqooti ku ahaa dalka Soomaaliya, kuwaas oo horey uga cararay taliskii Mingiste.

 

Dowladda Itoobiya ayaa haatan qorsheyneysa sidii ay u bedeli lahaa siyaasadda Dalka Soomaaliya, waxaana soo gaaraya cadaadis. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan sugi doonin ciidamada nabad ilaalinta ah ee imaanaya dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka bixin doonaan dalka Soomaaliya. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles ayaa waxaa maalin walba gaaraya fariimo la xiriira dagaalada ka soo cusboonaaday gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo maalin walba lagu weerarayo Ciidamada Itoobiya, iyadoo Dowladda Federaalka ahna ay dib ugu guraneyso Magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Shariif Xasan oo ku sii jeeda dalka Yaman ..

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sii jeeda dalka Yemen, halkaas oo la filayo in uu kulamo kula yeesho guddoomiyaha golaha fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif.

 

Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu Sheekh Shariif la soo qaado sida xal loogu heli karo xaaladda Soomaaliya, iyadoo Shariif Xasan uu horey u ballanqaaday in uusan marnaba ka caajisi doonin dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Baarlamaanka.

 

Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan xilka ka qaaday baarla-maanka waxaa lagu bedelay Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo marka uu tago Shariif Xasan Magaalada Sanca iyo dalka Yemen uu Dowladdaasi la soo qaadi doono sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha ayaa waxaa horey u sii raaci doona toban xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo weli ku sugan dalka Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Mareykanka iyo Qaramada midoobay Waxay Ciidamada Ethiopia Garab ku siiyeen Weerarka Iyo Danbiyada Caalmigaa Ee Soomaaliya.

Muqdisho , Sabti, Febr , 10 ,2007, Waagacusub.com

 

 

Sida Uu Qoray Wariye Jon Snow oo ka Tirsan Chanal 4 Kadib 6 june kolkiii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya ay ku Guulaysteen in ay Dalka ka Saaraan Is Bahaysigii Garbka Ka helayay Dowladda Mareykanka ee la, magac Baxay Is bahysiga Ladaagaalanka Argagaxisada iyo soo Celinta Nabada ayaa waxaa isa soo tarayay hadal Haynta Mareykankaiyo QM Ee ku Eedan Arimaha Soomaaliya.

 

Mareykanku waxa Uu Bilaabay in uu Ku Dadaalo sidii Looga Taqalusi lahaa Xoogagag Islaamiyiinta ah Ee Sida Xoogan Mar Qura Ula Wareegay Kalsoonidii Shacabka Taa Oo U fududaysay in ay Gacnta Ku dhigaan Inta Badan k/Soomaaliya.

 

Hadaba Hadal Haynata Mareykanka ayaa waxa ay ku bilaabatay in Uu maraykanka Ku dacwiyo in Maxaakiimta Islaamigaa ah ay Ku Jiraan Rag Xariir la Leh ururka Al-Qaacida oo uu si ba,n ugu Raad Joogo.

 

Jon Snow wax uu yiri “Mareykanku waxa u Fursad Weyn U helay Kolkii u Qudbad Uu Jeediyay Meles Sanwi u Cadeeyay in uu Soomaaliya Ka Qaban Doono Oo kaliya Ajandaha ay Ka Damacsanyihiin Xukuumada Weshington” Kuurgalay Arintaa waxaa si Weyn Riyaaqay Soona Dhaweeysay Kaaliyaha Xogayaaha Arimaha Dibadda U Qaabilsan Afrika Jendayi E.

 

Frazier Iyadoo Bilaawday in ay Kulamo Xiriir ah La Sameeyso Meles Senawi. Meles Sanawi ayaa La sheegay in uu Balan Qaad Ka hElay Mareykanka Kadibna Wax uu Horey kaga howla galay Dhaqan Galinta Qorshaha Mareykanka Isagoo Tilaabadii ugu Horeysay Uu Qaadayna ay ahay In u Isugu Yeero Baarlamankiisa Si Uu Uga Ansixiyo Howl Galadiisa Qaldan.

 

Maqaalka Uu qoray Wariyaahan oo dheer ayaa wax uu ku soo afmeeray ( At the risk of repeating myself, the UIC was never a threat to international peace and security, but rather, the threat we now face is the result of the crisis in Somalia that Meles Zenawi and Jendayi E. Frazier have created and are advancing in the Horn of Africa.)

“Qatartu Ma,ahan In ay Soo laabtaam Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah Ee Qatartu waa tan Meles Sanawi iyo Jendayi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dowlada oo ka jawaabtey weerarada Muqdisho

10 Feb 10, 2007 - 3:52:35 PM

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa maalintii sabtida ahayd ka hadlay qaraxyadii isdaba jooga ahaa ee shalay harqiyey Magaalada Muqdisho oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan, waxa uuna wasiir ku xigeenku sheegay in Dowladdu iska difaacday kooxahaasi oo uu sheegay inay doonayeen in ay carqaladeeyaan Magaalada.

 

Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah u caddaatay in Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah, waxa uuna sheegay in Dowladdu ay dagaal xoog leh la geli doonto kooxhaasi, kaddib markii ay la tashiyo la sameeyeen waxgaradka ku dhaqan Magaalada muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa haatan u muuqda kuwi ku sii uruuraya xarumahoodii iyagoo ka cabsanaya in ay weeraro kaga yimaadaan kooxaha muqaawada-mada ah.

 

Somalitalk+Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Geele oo ka hadley xaalada Somaliya

10 Feb 10, 2007 - 4:51:02 AM

 

I smaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti oo u waramayey talafeshinka Carbeed ee Al-Jaziira ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya aysan soo kordhineyn xasilooni ka dhalata guud ahaan dalka Soomaalia.

 

Madaxweynaha dalka Jabuuti waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dowladda howlaheeda aysan adeegsan awood milateri balse wax walba lagu xaliyo wada hadal iyo dib u heshiisiin.

 

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayey xubnaha Baarlamaanka ee dalkiisa ku sugan ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay oo wax ka qaban karta xaaladda dalka uu soo dhoweynayo isagoo ka gaabsaday in uu ka jawaabo su’aal la weydiiyay oo u saabsaneyd sida uu u arko xilka laga qaaday Shariif Xasan.

 

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in hadii madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ay dalkiisa weydiistaan magan gelyo uu dalkiisa siin doono magangelyo siyaasadeed.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this