General Duke Posted July 11, 2006 Xildhibaan C/rashiid Xiddig iyo Waxgaradka Beesha ****** ah oo ku guulayestay Dhisidda Maamulka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose Isniin, July 10, 2006 (HOL): Wasiir ku xigeenka Dowladda Federaalka ee Amniga Qaranka C/rashiid Maxamed Xiddig iyo odayasha dhaqanka beesha ****** ayaa ku guulaystay maamul u sameynta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose. Wasiirka oo ay wehlinayeen waxgaradka Deegaanada Jooraha ee aagga Badhaadhe ayaa waxay isla garteen in loo dhiso degmadaasi oo ay hoos timaado 8 tuulo maamul mideeya. Wasiir ku xigeenka waxaa uu qeexay in ay dadka deegaankaasi iskood isu abaabuleen oo ay doorteen duqa magaalada iyo xubno kale, taasoo ah tilaabo qaad loo sameeyey dhinaca maamul dhisiddaasi , wuxuuna intaas raaciyey in isagoo ka tirsan dowladda iyo masuuliyiin kale ay la fududeyeen dadka degaan dhisidda maamulkaas. Mar aan wax ka weydiiyay in la soo qabtay eedeysanihii geyestay dilkii Suldaanka ee deegaankaasi ayaa waxaa uu sheegay wasiir ku xigeenka in lagu raad-jooga dambilihii geystay falkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in lagu jiro qabanqaabadii lagu dooran lahaa hoggaamiyahii dhaqanka ee la dilay booskiisa. Haddaba ujeedada wasiir ku xigeenke ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku sheegay in ay tahay mid kormeer ah, isla markaana uu doonayo in uu kulamo la yeesho maamulka Dooxada Jubba inkastoo uusan faahfaahin dheeri ah ka bixin kulamada uu la yeelanayo maamulka Dooxada Jubba waxa ay ku saabsan yihiin. Sahra Cabdi Axmed Hiiraan Online sahra@hiiraan.com Kismayo, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites