Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: more arrests made + TFG troops move into Lower Shabbele

Recommended Posts

Ciidamada dowladda oo dad badan ka kaxeystay degmada Hodon

 

 

Mogadishu 02, July 07 ( Sh.M.Network) —Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa xalay dad rayid ah ka qabqabtey qeybo ka mid ah degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyadoo arinkaasi ay walaac ka muujiyeen ehelada dadkaasi la xir xirey.

 

Abaarihii 3 dii habeenimo ee xalay waabarigii ayaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia waxa ay guryaha ugu galeen dad dhowr ah oo jiifay isla markaana ay kaxeysteen sida ay shabelle u sheegeen qaar ka mid ah eheladaasi.

 

Waxa ay sheegeen in aysan garaneyn sababta keentay in ciidamada booliska ay wataan ilaa 7 dhalinyaro ah oo qoys ka soo wada jeeda, isla markaana loo taxaabay xabsi ku yaala xarunta Madaxtooyada.

 

C/laahi Axmed oo ka mid ah ehelada dhalinyarada laga kaxeystay guryahooda ayaa ka codsaday maamulka gobolka Banadir in ay dib ugu soo celiyaan xuriyaddooda dhalinyaradaasi oo ay tilmameen in aysan jirin dambi ay ka galeen dalka iyo dadka.

 

Dhalinyaradaan ayaa ciidamada booliska waxa ay guryaha ugu galeen ka dib markii xalay weeraro ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Hodon oo kooxo aa la garaneyn ay si gaadmo ah dagaal ugu soo qaadeen fariisimada ciidamada dowladda.

 

Click here to find this article in English

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ku jiray xerooyinka Balli Doogle iyo Daynuunay oo howlo amaan sugid ah ka bilaabay Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamada xoogga dalka ee dhawanahanba ku jiray xerooyinka kala ah Daynuunaay iyo Balli Doogle ayaa maanta lagu faafiyay deegaanada uu ka kooban yahay gobalka Shabeelaha Hoose,halkaasoo ay amaan sugid ka bilaabeen.

 

Howlgelinta ciidamadan ayaa waxaa ay ka dambeysay kaddib markii dhawaanahan ay maliishiyooyin hubeysani falal burcadnimo ah iyo dilalba ka wadeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose,waxaana ujeedada ciidamdan loosoo fasaxay ay tahay in ay xaqiijiyaan amaanka Gobalka.

 

warar ku dhow dhow masuuliyiinta maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamadani ay fariisin rasmi ahaaneed ka dhigan doonaan xerada tababarka Laanta Buuro oo kadibna ay ay ka howl bilaabi doonaan meel kasta oo gobalka ka mida oo lagasoo sheego amaan darro.

 

Dadweynaha ku nool gobalka Shabeelaha hoose ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlgalka ciidanka xooggu ay maanta ka billaabeen gobalka Shabeelaha hoose,oo lagu adkeynayo amaanka deegaanka ,islamarkana lagu shiiqinayo kooxo qaswadayaal ah oo gobalka ku dhuumaaleysta ayna ku jiraan taageerayaasha maxkamadihiibeelaha midoobay ee laga awoodda roonaaday.

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdiswho.

Contact:info@carmooyin.com or carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this