Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Inda'ade suddenly backs down on planned government offensive, denies any decision

Recommended Posts

Dowladda KMG oo sheegtay in aysan jirin go’aan ay qaateen madaxda sare ee dowladda oo ku aadan in la weeraro goobaha ay joogaan xoogaga hubaysan

 

Wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin go’aan ay qaateen madaxda sare ee dowladda oo ku aadan in la weeraro goobaha ay joogaan xoogaga hubaysan.

Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG ee Soomaaliya Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inanay jirin wax go’aan ah oo ay dowlada KMG ah ku gaartay inay ku weerarto goobaha ay joogaan xoogaga ka horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay ineysan jirin wax weerar ah oo u qorshaysan dowlada inay ku qaado goobaha ay magaalada Muqdisho gacanta kaga hayaan xoogaga dowlada ka horjeeda isagoo sheegay in dowlada ay masuuliyad ka saarantahay sugida amaanka dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu kahadlay wasiir dowlaha Gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la soo galiyay Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay inay ka war hayaan ciidamadaasi oo uu tilmaamay inay ka kale yimaadeed gobolada Galguduud, Hiiraan iyo Jubooyinka isagoo xusay inanay waxba soo kordhineynn ciidamadaasi.

Hadalakani kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashandhiga Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho laga dareemayo diyaar garow dagaal oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda gacan ku haynta dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this