Sign in to follow this  
Jumatatu

Money sweet money...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Nin looxirey lacagihi lagu qabtey Dubai

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Shariqa ee dalka imaaraadka ayaa waxey sheegayaan in halkaas dhowaan lagu xiray nin qaba gabar uu dhalay Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya Col.Cabdulaahi Yuusuf...

 

Nin oo aan magaciisa la aqoonin ayaa la sheegay inuu soo galay raadkii lacagihii sida sharci darrada ah lagu soo geliyay dalkaasi isla markaasna la doonaayay in laga soo dhoofiyo, waxeyna ay sheegeen saraakiisha amaanka ee dalkaasi inuu ka mid ahaa kooxo Soomaali ah oo lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee been abuurka u waday dalka Soomaaliya, iyagoo ka keenay dal kale oo ay ku soo daabaceen waxaana socsda baaris dheer oo ay wadaan Boliiska Dembiyada ee dalkaasi iyagoo sheegay iney weli ku raad joogaan shaqsiyaad kale oo Soomaali oo weli ku dhuumaaleysanaaya gudaha dalkaasi, ilaa hadda lama yaqaano cadada lacagaha la qabtay warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney dhan tahay ilaa 300 oo biliyan oo shilin Soomaali ah waxaana loo soo waday magaalada Jowhar oo fariisin u ah garabka ka mid ah garabyada is haya ee dowlada FKMG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wiil qaba gabar uu dhalay Cabdullahi Yuusuf oo lagu xirey magaalada Shariqah ee dalka Imaaraadka isagoo lacag shilin soomaali been abuur ah usoo wada Soomaaliya

 

War aan caawa ka helnay magaalada Shariqa ee dalka imaaraadka ayaa sheegay in halkaas lagu xiray wiil qaba gabar uu dhalay Cabdulaahi Yuusuf Axmed . Wiilkaas uu Cabdulaahi sodoga u yahay ayaa sida la sheegay waxaa la yiraahdaa sida ay noo xaqiijiyeen ciidanka nabadgelyada ee dalka imaaraadka Alsayid Cali Cabdullahi Caynab.

 

 

Wiilka la qabtay ayaa waxaa uu ka mid ahaa koox soomaali ah oo lacag been abuur ah u soo waday dalka Soomaaliya.

 

 

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay lacagtaas oo lagu qabtay gegida diyaaradaha ee magaalada Shariqah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Lacagtaas ayaa cadadkeeda waxaa la sheegay inuu aad iyo aad u badan yahay.

Wixii akhbaar ee kusoo kordha warkaan anaga ayaa idiin soo sheegi doona.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this