Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Gabay xiisa badan oo ku socda Xiisada Laascaanood

Recommended Posts

Dhahar Online: Abwaan Hure oo ah abwaan marba marxalad ka gabya oo runtii xidkaha maansada marba siday laabtiisu qabato ilaah ugu fududeeyey afka ayaa wuxuu isoo gaarsiiyey gabay aad iyo aad u qiimo badan, gabaygaasoo aan jeclaaday inaad heshaan erey-bixintiisa iyo sharaxaadiisa hase yeeshee, Abwaan Hure ayaa iga codsadey inaan halkaa ku dhaafo wuxuuna yiri “tixdani uma baahna tafsiir akhristuhuna isagaa isku filan saan filayo” Laakiin Abwaan Hure ayaa wuxuu intaa ku darey “Waxaan ku hadal qabsadey Abdulaahi Spanish oo ah abwaana oo degan cariga Spain oo aan aad u jeclaystay unii ragaas maruun wax yidhaaho”…..

 

Abwaan Hurre wuxuu yiri:

 

1 Abdulaahi dheegow qalbigu wuu idheeliyaye

2 Dhutin socodka iga muuqda iyo dheeha iga duulay

3 Dhafooradan isoo yare gotiyo dhogor xumaantayda

4 Dhukaan cudur sidaan qabo waxaa dhuubay sabarkayga

5 Dhadhabkiyo waxaa iigu wacan dheelalaw hadalka

 

6 Dhaandhaan sidiisii waxaa ii dhaqabateeyey

7 Hadaan dhumuc lahaan jiray waxaa dhabankan ii yeelay

8 Dharaar socod hadii aan iqiin dhuumashaan ahaye

9 Dhoobi reer sidaan ahay waxaa dhaxanta ii seexshey

10 Dhakafaar ayaa iga hadhiyo dhabana hays uune

 

11 Dhadhamada ragaa doontay iyo xabag dhunkaaleeda

12 Raguu dherigu naga qaatay iyo dhuunigiyo soortu

13 Dhan dhanaanka nimankaa bartiyo heenka dhuridiisa

14 Dhegxumada ragaa noogu wacan dhimasho yeelkeede

15 Dhaawaca ragaa nagu dhigee dhinaca jiifshey

 

16 Dharab cararka nimakaa ahee dhedada roob moodey

17 Dheelalawga niman kaa socdaan meela dhuganaynin

18 Dhulkii iyo dadkoodi ragaa dhinac ka weydaartay

19 Dhirbaaxada ragaa nagu dhigiyo ceebta nagu dhaashan

20 Dhudhumada ragaa naga jebshiyo dhaadadkiyo xoogga

 

21 Dhaameelka nimankaa gurtaan xumaha dhaadaynin

22 Ehelkiyo dhashoodii ragaa siistay dhala baasta

23 Nimankaa dharkii tuurayee sharaf ka dhaanteeyey

24 Nimankaa dhufayska ugu jira dhagarta reerkooda

25 Dhiigii walaal kood ragaa dheeriga uqaatay

 

26 Caanaha dharkaynkiyo ragaa dhamaya waabayda

27 Ragaa dhiraha ciin daaqayiyo dhicirtu waayaabe

28 Iyaga iyo dhuxulaysatadu waxisma dhaamaane

29 Labaduba dhegteenii diliyo dhalasha deeniiye

30 Dhaqan laawayaal weeye aan ceeb ka dhiidhiyine

 

31 Nin weliba wuxuu dheefsadaa wuxu dhitaystaaye

32 Nin kastaa wixii uu dhigtuu dhab ugu aayaaye

33 Dhaxalkii adoogood kaqade dhurana maayaane

34 Cadowgaa dhexdeeniyo ku jira dhudaha aan joogno

35 Dheel dheesha nimankay latahay dhudi baroor teedu

 

36 Dhibaatada ragaa doonayoo dhacaya geellooda

37 Dhayal maaha xaalkoodu oo dhawrid siima lehe

38 Nimankaa dhaleecaysan iyo dhidaradaa waashay

39 Gacalkood waxay dhaafsadeen dhuuni maalinahe

40 Waa inaan dhabuga fiirsanoo dhagax kutuuraaye

 

41 Hadaynaan kadhiidhiyinin oo dhebiga loo qaadin

42 Dharaar taynu joogniyo hadiyo saacadaha dhaaban

43 Dhuunta hadaan lajarinoo ragaa eeba lagu dhaabin

44 Dhurwaa iyo dawoco iyo hadaan hadku dhilan waayin

45 Dhedigeenu guurbeel hablihii dheemanta ahaaye

 

 

Hurre Dabayl

hurreaxmed@yahoo.co.uk

 

 

Waxaa diyaariyey Saalax

Dhahar Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this