Sign in to follow this  
Juje

Shabab claim responsibilty..!

Recommended Posts

Juje   

filecumar-xaashi.jpg

Wasiirki Amniga Qaranka - Allah u Naxaristo

laqanyo2.jpgAmbassaddor Laqanyo Allah u Naxaristo amiin!

 

 

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo sheegatay iney ka dambeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaarajiyey mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen qaraxii ismidaamiinta ahaa ee barqanimadii maanta lala beegsaday hotel ku yaala magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan kaasoo ay ku dhinteen illaa 15 ruux oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariin Faarax Laqanyo.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qaraxaasi uu fuliyey nin ka mid ahaa dagaalyanadooda oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo uu la galay hotel ku yaala magaalada B/weyne oo ay deganayeen masuuliyintaasi geeriyootay wuxuuna ku eedeeyey masuuliyintaasi iey gobolka ku soo hogaaminayeen cadow ah ayna wadeen abaabul dagaal oo iyaga ka dhan ah.

“Waxaan ugu bishareyneyna dhamaan umada Soomaaliyeed ee Islaamka ah iyo mujaahidiinta meel kastoo ay joogaan in maanta mujaahid ka tirsan mujaahidiinta uu caalamiya istishaadi ah ku fuliyey kooxo iskugu jirta mas’uuliyiinta Dowlada ridada iyo kuwa nasaara ah oo shir lahaa, waxaana looga taqalusay ILAAHAY uu goobtaas ku halaajiyeyt ninkii wasiirka amniga sheegan iiray iyo nin kale oo ka mid ahaa kuwa ugu sharta badan gobollkaasi” ayuu intaa ku daray Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud oo la hadlayey qaar ka kid ah warbaahinta magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this