Sign in to follow this  
Gabbal

Somalia's Islamic Leader: Country Is In A State Of War

Recommended Posts

Gabbal   

Somalia's Islamic Leader: Country Is In A State Of War

 

MOGADISHU, Somalia (AP)--Somalia's Islamic leader says the country is in a state of war.

 

"All Somalis should take part in this struggle against Ethiopia," Sheikh Hassan Dahir Aweys told The Associated Press.

 

"If you cannot fight you can contribute in other ways to the effort," Aweys said by telephone, adding the "the country is in a state of war."

 

Wednesday, he told a European Union envoy that he was willing to return to peace talks with the Ethiopian-backed Somalian transitional government.

 

(MORE TO FOLLOW) Dow Jones Newswires

12-21-060445ET

Copyright © 2006 Dow Jones & Company, Inc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dagaal dib uga qaraxay gobolka Baay iyo diyaarad Heli copter ah oo dul heehaabeysa Baydhabo

 

War deg deg ah

Mogadishu 21, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaal ayaa saakay mar kale dib uga qarxay goobihii shalay iyo xalay ay ku dagaalameeyeen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda Somalia oo kaashanaya ciidamada Ethiopia.

 

Dagaalkaan oo bilowday abaarihii 9 kii subaxnimo ayaa waxa uu ka qarxay deegaanada Moode Moode, Idaale iyo Daynuunaay oo shalay iyo xalay ay dirir ba'ani ay ka dhacday.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo madaafiicda goobta iyo waliba hubka waaweyn nuucyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegay ka xoogan kii shalay.

 

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay shabelle u sheegeen in ay arkeen diyaarad qumaatiga u kaca ee dowladda Ethiopia oo dul heehaabaysa agagaarka iyo gudaha magaalada Baydhabo, taasi oo ku socday jawi hoose.

 

Waxiii ku soo kordha kala soco wararkeena, ama daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa reresh dheh boggaan.

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

iidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka oo la soo dhoobay isgoysyada Muqdisho.

 

 

Mogadishu Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa ciidamo ku daadiyay Isgoysyada magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amaanka caasimadda xilli ay soconayaan xiisado dagaal oo u dhaxceeya maxkamadaha islaamka iyo dowladda Somalia oo kaashaneysa ciidamo Ethiopian ah.

 

Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka oo baaraya gaadiidka si ay uga hortagaan wax kasta oo keeni kara amaan darri.

 

Saraakiisha xagga amaanka ee maxkamadaha islaamka ayaa ku macneeyay arinkaan mid lagu xoojinayo amaanka, maadaama dagaalo ay jiraan.

 

Madaxa amaanka gobolka Banadir C/laahi Cali Naxar Abu Quteyba ayaa sheegay in howlahaan ay ku doonayaan in ay uga hortagaan qaraxyo kale oo ka dhaca caasimadda, isagoo sheegay in labo bambaano ay ka dhacday caasimadda,

 

Xeeldheerayaal Somali ah oo xagga amaanka aha ayaa waxa ay sheegeen in marka ay taagan tahay xiisado dagaal ay caado tahay in meel kasta oo maamul ka jiro amaan keeda si weyn loo adkeeyo.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli shalay uu ka qarxay gobolka Baay dagaaladii u dhaxeeyay maxkamadaha islaamka iyo dowladda Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dagaal xoogan oo ka socda Iidaale iyo Deynuunaay.

 

Baydhabo, Khamiis 21 December 2006 Simba Radio

 

War Deg Deg Ah

 

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ayaa dagaal xoogan xiligaan waxa uu ku dhex marayaa Deegaanada Deynuunaay iyo Iidaale.

 

Dagaalkan ayaa la isku adeegsanayaa madaafiicda goobta dagaalka iyadoo uu dagaalkan lagu soo waramayo in uu ka xoog badan yahay midkii shalay, inkastoo wararka saxda ah ee laga helaayo ay adag tahay.

 

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in Dagaalka ay lug weyn lu leeyihiin Ciidamo Ethiopian ah, iyadoo goobjoogayaan ku sugan Baydhabo ay Idaacada Simba u xaqiijiyeen in diyaaro ay dul hee haabayaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

 

Wararka ugu dambeeya ee dagaalka bogaan kala soco

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Somali Clashes Resume After Deal

Dec 21,2006

by London-Gedo-NN

Fighting has resumed in Somalia for a second day between fighters loyal to the weak transitional government and advancing Islamist militias. Heavy artillery and mortar fire could be heard close to the base of the interim administration in Baidoa.

 

Both sides agreed to a ceasefire and to unconditional talks on Wednesday after meetings with a European Union envoy. Local media report bodies strewn along streets. Both sides claim to have killed and wounded dozens of fighters.

 

The leader of Somalia's Union of Islamic Courts (UIC) said in the capital, Mogadishu, that the country was in a state of war. "All Somalis should take part in this struggle against Ethiopia," Sheik Hassan Dahir Aweys told AP news agency.

 

Somalia's Deputy Defence Minister Salad Ali Jelle told reporters in Baidoa that 71 Islamic fighters had been killed and 221 injured so far during clashes in three locations. Islamist fighter Islamic militias have attacked us and the fighting is continuing Salad Ali Jelle Deputy Defence Minister.

 

But in Mogadishu, UIC official Sheik Mohamud Ibrahim Suley claimed his fighters had killed 70 fighters, mainly Ethiopian troops. Neither claim can be independently verified. The BBC's reporter in Mogadishu, Mohammed Olad Hassan, says he hears from residents that pro-government forces and the Islamic militia are again exchanging mortar fire at Daynunay, 20km (12 miles) from Baidoa.

 

Local residents say Ethiopian troops are involved in the clashes in support of government forces, thought this is denied by the government, he says. Our reporter says Somalis are unhappy and concerned about the clashes. There are fears that the conflict could plunge the entire Horn of Africa into crisis.

 

Source:BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dagaaladii ka socday gobolka Baay oo sii kululaaday.

 

 

Mogadishu - 21-December -2006-Allceeldheer.com Dagaalo lagu hoobtay, walina aan la soo sheegin qasaarahooda ayaa waxa ay maalintii 3aad ka soconayaan deegaano ka tirsan gobolka Baay, iyadoo dagaaladaasi ay dhex marayaan ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa Ethiopia oo ay wehliyaan ciidamada dowladda Somalia.

 

Daagaalkaan oo si daran uga qarxay deegaanada Daynuunaay, Moode Moode iyo waliba Idaale ayaa waxa ay sii xoogeysteen abaarihii duhurnimadii maanta, ka dib markii labada dhinac ay gurmadyo hor leh ay ku sii biireen dagaalka.

 

Dagaalka ugu daran ayaa waxa uu ka soconayaa deegaanka idaale ee gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maxkamadaha.

 

Deegaanada Daynuunaay iyo Moode Moode ayaa iyana waxaa ku dagaalamaya ciidamada Ethioipia iyo kuwa maxkamadaha islaamka, iyadoo dagaaladaan aan wali la ogeyn qasaaraha ay geeysteen, balse waxaa la aaminsan yahay in labad dhinacba ay ciidamo uga hoobteen.

 

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay sheegteen in ay ku gacan sareeyaan dagaalka, isla markaana ay dileen ciidamo Ethiopian ah, halka dowladda Somalia ay iyaduna sheeganeyso in ay guulo ka soo hooysay dagaalka, isla markaana ay iska caabisay weeraro ay ku eedeysay in ay ku soo qaadeen maxkamadaha islaamka.

 

Ma jiro warar ka madax banaan is eedeynta labada dhinac oo ku aadan dagaalka, laakiin ilo wareedyo ku sugan magaalada Baydhabo waxa ay sheegeen in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Ethiopia ay dul heehaabayeen magaalada Baydhabo.

 

Diyaaradahaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka qaadayeen magaalada Baydhabo dhaawacyada ciidamada Ethiopia, kuwaasi oo u daadgureynaya dalka Ethiopia.

 

Lama soo sheegin wali diyaaradahaan in ay ka qeyb qaateen dagaalka.

 

Dagaalkaan ayaa Xeeldheerayaal waxa ay sheegeen in hadii uu soo socdo uu yeelan doono wajiyo kale, isla markaana ku baahaya gobolka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this