Sign in to follow this  
Juje

Taageero gudaha iyo dibedda ah - including Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar

Recommended Posts

Juje   

Taageero gudaha iyo dibedda ah

 

Madaxweynaha cusub ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu taageero fara badan ka helayaa dibedda iyo gudaha Somalia. Barkat Simon oo ah wasiirka madaxtooyada ee dowladda Itoobiya waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay soo dhoweynayso madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxaa uu intaas ku daray in ciidammada Itoobiya ay ka soo baxeen Soomaaliya kaddib markii ay gaareen ujeedadii ay halkaasu u tageen. waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in mar haddii ay ciidammada Ethiopia soo baxeen ay dadka Soomaaliyeed ka faa'iidaystaan fursadda haddii ay markii hore ku kala qaybsanaayeen joogitaanka ciidammada Ethiopia, loona baahan yahay inay taageeraan hoggaamiyahooda cusub.

 

Hadalka Ethiopia waxaa uu soo baxay iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu hore taageero uga helay madaxda dalal kale sida Maraykanka, Masar, Yemen, iyo Djibouti oo madaxweynaha lagu doortay.

 

Qaar ka mid ah madaxda iyo dowlado African ah ayaa ka hahadlay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan hambalyo iyo taageero muujiyay.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Obasanjo oo la weydiiyay sida uu u arko madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. waxaana uu yiri.

 

"Haddii ay su'aashu sax tahay, waqtigu uu sax yahay, jawiguna uu sax yahay, waa wanaagsan tahay in la helo qof madax u noqda hay'ad uu bani'aadamku leeyahay. haddii dadka Soomaaliyeed ay heleen nin madax u noqda arrimahooda waa wax fiican"

 

Alfa ken oo ah wasiirka arrimaha bulshada ee madaxtooyada dalka Sierra Leone. waxaa uu yiri.

 

Inkastoo aan aqaannay ninkii la tartamayay Nur Xasan Xuseen oo aan dhowr jeer kula kulmay shirarka hase ahaatee sheekh Shariif laftiisa ayaa ah mas'uul la yaqaanno, waana war u wanaagsan dhaammaanteen Afrika. waxaana aan rajeynayaa inay xasillooni iyo dowlad xasilloon u noqoto Soomaaliya ayna dhaqso u soo afjarmi doonto dhibaatada ay dadku qabaan.

 

Dr Masuuri oo ka socda dalka Libya ayaa isna waxaa uu yiri in Soomaaliya ay madaxweyne yeelatay telefishinada baan ka arkay, waana war wanaagsan. Sh Shariif waa nin hawsha qaban kara waxaana fuushay mas'uuliyad aad u weyn.

 

Axmed Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Afrika isla markaana ah xubin ka tirsan baarlamanka Ethiopia ayaa waxaa uu yiri:

 

"waxaa la igu wargeliay in Soomaaliya madaxweyne Cusub loo doortay, waxaan rajeynayaa inuu dalka nabad ku soo dabbaalo, waxaana aan rajeynayaa inuu derisnimo fiican kula dhaqmo dalalka deriska, gaar ahaan Itoobiya"

 

Dhinaca kale shir jaraa'id oo maanta ay ku qabteen magaalada Muqdisho madax ka tirsan ururka maxkmadaha ismaaliga ayay ku sheegeen inay taageerayaan doorashada madaxweynaha cusub ee ka dhacday dalka Djibouti.

Madaxda shirkaas qabatay waxaa ka mid ah Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo mar ka soo horjeestay qorshaha nabadda ee Sheekh Shariif iyo kooxdiisu ay la galeen dowladdii ku meel gaarka.

Audio of Sheikh C/qadir Cali endorsing President Sharif

 

Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia Shariif Shiikh Axmed.

 

Waxaa dhinaca kale ka dhacay magaalooyinka Beledweyne, Buula Barde iyo Jalalaqsi, dibedbaxyo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub. Waxaa sidoo kale dibedbaxyo taageero ah ay ka dheceen magaalada Galkacyo qeyb ka mid ah, halkaasi oo maamulka Galmudug ay sheegeen inay taageerayaan Madaxweynaha cusub.

Waxaa sidoo kale taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub odoyaasha iyo waxgaradka gobolka Mudug, oo sheegay inay soo dhaweynayaan.

 

Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale shalay waxa ka dhacay dibedbaxyo taageero ah, oo dadku ay ku soo dhaweynayaan doorashada Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this