General Duke Posted September 16, 2008 Baaritaano culus oo maanta Muqdisho laga fuliyay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 16-September-08 Baaritaano culus oo aan horay looga baran magaalada Muqdisho ayaa waxa ey saakay waaberigii ka bilaabmeen degmooyinka Hodan, Waaberi iyo Xamar-jajab, halkaasoo ey soo buuxdhaafiyeen ciidamo isuga jiro kuwa xoogga iyo bolis. Ciidamadan oo ku hubeysnaa gawaarida dagaalka oo aad u tiro badan ayaa waxa ey marqura saakay kusoo jarmaadeen degmooyinkan, iyagoo baaritaanadoodu la sheegay in ey kusoo qab-qabteen dad iyo hub sharci daro oo u yaalay goobo ganacsi iyo xaafadaha qaar. Howlgalkan maanta dhacay oo aan bilooyin lagu arag Muqdisho ayaanan la ogeyn sababta ka danbeysa, waxaase warar aanu ka helnay ilo ku dhow-dhow gudiga amnigu sheegayaan in howlaganki qorsheysnaa kuna wajahbaa goobaha had iyo goor weerarada laga soo qaado. Goobaha kale ee hubka laga soo qabtay maanta marka laga soo tago goobaha ganacsi ayaa waxa ey yihiin hoteelada deegaanadaasi sida hotel Shaamo iyo Saxafi oo qoryaha fud-fudud oo dhowr ah laga soo qabtay. Sidoo kale howlgalkan ayaa waxa ey ciidamadu kusoo qabteen tiro dad ah oo ey guryohoodu ugu galeen kuwaasoo lagu tuhunsanyahay in ey qeyb ka yihiin weerarada ka dhaca xaafadahan. Ilaa iyo iminka wax war ah kama soo bixin saraakiisha ciidamada oo ku aadan howlgalka maanta. Calanka.com:- Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 16, 2008 Muqdisho: Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo baaritaano ka fuliyey Muqdisho. 16. september 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo taageero gaadiid ka helaya ciidamada Itoobiya ayaa maanta qaaday howlgalo ay kusoo qabteen hub & Dadkii watey. Howlgallada ciidamada dawladda ayaa bilaabay saakadii hore & saqdii dhexe ee xalay markii ay soo bilowdeen dagaalo lugu soo qaaday xarumo ay leeyihiin ciidamada Milateriga ee dawladda Soomaaliya, waxaana degmooyinka ay ka dhaceen ay kala ahaayeen Wardhiigleey & Hodan oo ay labadaba xalay ka dhaceen dagaalo. Ciidamadu waxa ay wadada Maka Al-Mukarah ka saareen ilaa 4 Miino oo lugu aasay, kuwasoo aysan qarxin Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna ciidamadu qabteen qalabkii lugu qarxin lahaa Miinooyinkaasi oo laga cararay. Sarkaal sarre oo ka tirsan Milateriga dawladda kana gaabsaday sheegida Magaciisa ayaa usheegay AllPuntland in ay qabteen 4 qof oo ay aad ugu tuhunsan yihiin in ay ka dambeeyaan falalka amaan daro ee ka dhaca Degmooyinka. Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka howlgaladoodu waxa ay ka duwanayeen kuwii horey looga bartay, waxa ayna iskugu jireen sadex qeybood, qaar wadooyinka xiray, kuwa Guryaha baarayey & Miinoo saarayaal dhawaan tababaro sare soo qaatey. Howlgaladan waxa ay bilow fiican uyihiin howlgalo dhawaan ay qaadeyso dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwasoo lasheegay in lugu xasilin doono amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites