Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland Finance Minister arrives in Kenya's Capital ??

Recommended Posts

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALILAND OO KU BIIRAY

SIYAASIYINTA JOOGTA NAIROBI.

 

Wararka naga soo gaaraya caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Maamulka somalinad ee uu hogaamiya Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin uu shalay gelinkii dambe gaaray Nairobi isagoo ay la socdaan xubno ka soo jeeda Waqooye Galbeed.

 

Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo bixin socdaalkiisa waxaase la sheegaya inuu halkaasi kula kulmi doona xubno ay ka mid yihiin Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun), Ismaaciil Buubaa iyo qaar kale oo ka mid ah Siyaasiyinta isku gobolka yihiin.

 

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka uu fariin gaar ah ka wado Madaxweyne Dahir Riyaale taas oo la doonayo in la gaar siiyo Wasiirada IGAD, laakiin warkaas ilaa iyo hada ma jiro cid si rasmi ah ugu dhawaaqtay, balse Wasiirka ayaa waxaa uu diiday inuu la waramo raga wararka faafiya.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

iir ka tirsan Mamulka Somaliland oo safar aan la ogayn ujeedkiisa ku tagey Nairobi.

 

Nairobi-26.September.2004 Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka la magaxbaxay Somaliland Xuseen Cali Ducaale"Cawil" ayaa magaalada Nairobi wuxuu ku tegay safar aan ujeedkiisa si dhab ah loo ogeyn.

 

Xuseen Cali Ducaale "Cawil" ayaa isla shalay iyo xalay wuxuu magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay Siyaasiyiinta Beesha Dirta Waqooyi gaar ahaan kuwooda ka qayb galaya Shirka Soomaalida ee ka socda Madasha Mbagati.

 

Warar Idaacada SBC ka heshay xubno ka qayb galay shirarkaasi oo ka gaabsadey in la magacooda la shaaciyo ayaa sheegaya in Wasiirku uu doonayo inuu galaangal iyo dhexmar ku sameeyo Siyaasiyiinta Beeshaas ee ka qayb galaya Shirka, isla markaana ujeedadiisa laga dhan dhansaday inuu qaado ola ole la sheegay in looga hortagayo xubno ka mida Musharixiinta Jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Waa markii labaad ee Wasiirka Maaliyada ee maamulka Somaliland uu safar ku tago Magaalada Nairobi tan iyo markii ay rajadu ku soo laabatey shirka Soomaalida, waxaana safarkiisii hore Saxaafada qaarkeed ku tilmaamtey inuu ka goostey Maamulka Daahir Riyaale, balse Xuseen Cali Ducaale "Cawil" ku tilmaamey amuurtaas mid ah.

 

Dhanka kale Siyaasiga Ismaaciil Max'uud Hure"Buubaa" oo ka mida Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha ***** ayaa dhawaan daboolka ka qaadey inuu isu soo taagi doono Jagada Madaxweynaha Soomaalida, waxaana wararku sheegayaan in sidoo kale Safarka Wasiirka ay la xiriirto ku dhawaaqida Mr Buubaa oo ay muuqato inaysan la dhacsaneyn Somaliland musharaxnimadiisa.

 

Keyse Caamir

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir ka tirsan Maamulka Somali Land oo Kenya u tagay sidii uu Shirka Kenya u noqon lahaa mid ku kooban Kooxaha Koonfurta Somalia.

 

Mid ka mida Wasiiradda Somali Land ayaa markii labaad Socdaal ku yimid Magaaladda Nairobi intii uu socday Shirka Soomaalida ee Kenya. Wasiirka Maaliyadda Somali Land, Xuseen Cali Ducaale “Cawil†ayaa la

xaqiijiyay inuu Shalay soo gaaray Magaaladda Nairobi. Waxaana uu Wasiirku dagay mid ka mida Hoteeladda ugu waawayn Magaaladda Nairobi. Halkaasoo ay isla Shalayba ku soo booqdeen Xubno ka tirsan Ergadda Soomaalida ah ee ka qayb qaadanaya Shirka Soomaalida uga socda Kenya.

 

Mr Ducaale ayeey warar ku dhow dhow sheegayaan inuu u yimid Madasha uu Shirka Soomaalidu ka socdo inuu kala hadlo Ergadda ka soo jeeda Gobaladda Waqooyi Galbeed ee Somalia inay ka baxaan Baarlamaanka Federaalka Somalia. Isla markaana ay dib ugu soo laabtaan Deegaanadda ay ka soo jeedaan. Waxaana

qorshahaasi shaki ka muujiyay Urur Gobaleedka IGAD iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia oo la filayo inay Hadal Rasmiya ka soo saaraan Socdaalka uu Nairobi ku yimid Wasiirka Maaliyadda Somali Land.

 

Waa markii Labaad ee uu Wasiirkan Kenya yimaado tan iyo intii uu socday Shirka Soomaalida. Waxaana uu Dadaal ugu jiraa inuu Shirka Kenya ka dhigo mid ku kooban Kooxaha Koonfurta Somalia.

 

 

Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrikaâ€

Mogadishu, Somalia

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this