Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Mudane Maxamed oomaar oo sheegay iney Ethiopia ay ka xuntahay magacaabista wasiirada

Recommended Posts

Maxamed C/llaahi Oomaar oo ka mid ah wasiirada cusub ee xukuumadda Raa'isal Wasaare Maxamed C/Laahi (Farmaajo) loona magacaabay ku xigeenka Ra'iisal Wasaaraha iyo Wasaaradda arrimaha dibadda oo saxaafadda la-hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Itoobiya ay ka xun tahay Golaha Wasiirada ee lasoo magacaabay.

 

Mr Oomaar ayaa qeexay in dowladda Itoobiya ay saluugsan tahay wasiiradii uu xalay soo magacaabay Raaisal Wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo), balse muusan sheegin sababaha ay dowladda Itoobiya uga xun tahay.

 

Wuxuu sheegay in ujeedada dowladdu ay tahay sidii ay ula shaqeen laheyd dowladaha dariska ah, iyo sidii ay dowladaha dariska ah u nabad-gellin laheyd, isagoo intaasi ku daray intaasi ay tahay muhiimada ugu wanaagsan ee xukuumadda kmg ah.

 

Dhanka kale mr Oomaar ayaa warbixin dheer ka bixiyay siyaasadiisa cusub ee ku aadan dowladda kmg ee Soomaaliya, wuxuuna qeexay in uu dowladdu kusoo kordhin doono wax-qabad wanaagsan oo iskugu jira mid ficil iyo mid tallo ahaaneedba, wuxuuna wacad ku maray in uu la-imaan doono shaqo adag.

 

Sidoo kale wuxuu mahad balaaran uu u jeediyay madaxweynaha dowladda kmg ee Soomaaliya iyo Raaisal Wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay qabteen shaqo culus, wuxuuna uu ugu baaqay in ay halkaasi kasii wadaan.

 

Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay ee uu Maxamed Oomaar ka hadlo saaxaddda saxaafadda tan iyo markii loo-soo magacaabay xilka uu ka haayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay wadaadka lagu magacaabo Shariif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ethiopia waa cadowga Ummada Soomaaliyeed

 

Horumar Somalia , iyo dowlad kasta oo dhalata shacbiga Somalia Ethiopia waaaka xun tahay, weena ka naxdaa inuu Qarankii Somaaliyeed soo noqdo

 

 

Kanaxoo nafta waa xabashiyeey

 

 

Allah haa naga illaaliyo sharka Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by oba hiloowlow:

Inshallah waa laga taqlusa cadowga meesha awal ya xabashi wanaag ka filaayee

Waa runtaa walaal, Xabashi iyo wanaag waa labo shay oo aan shaqo isku lahayn

 

 

 

 

Hanoolatu Midnimada Somalia

 

Viva United Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

Waxaan uga gudbi karnaa inaan codowgeena ka adkaano. In nin walba walalkiisa soomaaliyeed ixtiraama si karaama soomaliyeed loo soo celiyo. Qof walbana danta guud ee umada ilaaliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this