Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

The People's Republic about to open their Embassy in the Transitional Capital....

Recommended Posts

Chinese Delegation confirm that they're about to open the chinease Embassy in the transitional seat of Jowhar.

 

Dowladda Shiinaha oo shaaca ka qaadday inay Safaarad ka furnayso Jowhar

Posted to the Web Dec 25, 17:45

 

 

Jowhar (PP) - Dublamaasiyiin ka socda Dalka Shiinaha uuna horkacayo Safiirka Shiinaha u fadhiya Dalka Kenya oo lagu magacaabo Due Shing ayaa soo gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo ah xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Dublamaasiyiintaan ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Jowhar waxaa uga hortagay oo ku soo dhaweeyay xubno ay ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaano, sidoo kale waxaa wax ka soo dhaweeyay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe oo uu horkacyo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), waxaana durba loo soo qaaday dhanka Degmada Jowhar.

 

Wafdigaan oo kulammo la yeelanaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa u jeeddada ay u yimaadeen Degmada Jowhar waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay degmadaas oo xarun ah u ah dowladda Fedraalka Soomaaliya uga furan lahaayeen Safaarad.

 

Booqasho noocan oo kale oo ay wufuud ka socota Dowladda Shiinaha ku yimaadaan degmada Jowhar ayaa noqonaysa middii ugu horreysay tan iyo intii ay dowladdu soo dagtay gudaha Dalka, waxaana xubnaha wafdigaan ku wehlinayay safarkooda Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/raxmaan Cali, iyadoo uu ka soo waday Magaalada Nairobi soona gaarsiiyay Degmada Jowhar.

 

Dowladda Shiinaha ayaa muddo dheer saaxiib la ahayd Soomaaliya iyadoo dalka Soomaaliya ka fulisay Mashaariic kala gaddisan oo ay ka mid yihiin kuso shibil ah iyo kuwo ciidan intaba, waxaana inta badan ay dhisi jirtay jidadka dalka.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 25/12/05

 

Wafdi Ka Socda Dalka Shiinaha Oo Soo Gaaray Magaalada Jowhar....

 

Safiirka_Shiinaha_wafdi.JPG

 

Wafdi uu hogaaminayo safiirka shiinaha u fadhiya dalka Kenya H.E. Guo Chongli ayaa maanta duhurnimadii soo gaaray magaalada Jowhar oo xarun u ah dowlada Federaalka soomaaliyeed.

 

Wafidgani ayaa waxa ay u yimaadeen sidii laysugu afgaran lahaa in xafiis ay ka furtaan dalka Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar, iyo inay wax ka qabtaan wadada isku xerta Eraboorka ilaa Madaxtoyada waxa kaloo ay soo hadal qaadeen inay dayactir balaaran u sameeyn doonaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

 

Wafdigan ayaa waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiiradiisa, iyagoo salaan ugu tagay Madaxweynaha xafiiska uu ku leeyahay Madaxtooyada gudaheeda.

 

Wafdiga dalka shiinaha ayaa waxa ay ka koobnaayeen;

 

H.E Guo Chongli ambassador to Kenya

Mr. Li Yuan Counselor

Mr. Jian Lin Political

Mr. Shen Hui Yong commercial

Mr. Yang Lei Journalist

Mss. Lin lei Journalist

Mss. Sui Yanna Journalist

 

Wafdigani oo uu hogaaminayo safiirka shiinaha Mr. H.E. Guo Chongli ayaa lagu wadaa inay berito saxiixaan heshiisyo badan iyo balanqaadyo ay u fidinayaan dowlada soomaaliya ee u baahan in laga taageero dib u dhiska iyo nabadaynta sidii dalka oo dhan xasilooni looga hirgilin lahaa.

 

Wafidgani ayaa waxaa soo dhaweeyey wasiir k/xigeenka Gaashaandhiga Mr. Cumar Aden Dhebad, wasiir ku xigeenka Maaliyada Maxamed Xasan Qoone, G/G/Sh/Sh/Dhexe Maxamed Dheere, Ganacsade Iimaan Maxamed Cali iyo bulshada Rayidka ee magaalada Jowhar.

 

Shiinees_wafdi.JPG

 

Shiinees_wafdi_1.JPG

 

Shiinees_wafdi_2.JPG

 

Shiinees_wafdi_3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diblomaasiyiin Shiinees ah oo maanta gaaray magaalada Jowhar

Jowhar-25.December.2005 Diblomaasiyiintan ka socota dalka Shiinaha ee maanta soo gaartay magaalada Jowhar ayaa isugu jira safiirka iyo qunsulka

Shiinaha u fadhiya dalka Kenya.

 

Chin Chowli iyo Le Yuang ayaa markii ay ka soo degeen garoonka dayuuradaha ee magaalad Jowhar waxaa ku qaabilay halkaasi saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda federaalka kmg ee Somalia.

 

Wafdigan ayaa waxaa loo soo gudbiyay dhinaca gudaha magaalada Jowhar iyagoo xafiiska ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka kmg ee Somalia Prof Cali Maxamed Geedi ay kulan kula yeesheen.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta ee dowladda federaalka Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ujeeda socdaalka diblomaasiyiinta Shiinaha ay tahay ay cadeeyaan in safaaradda Shiinaha ee Somalia jowhar laga furayo iyo arrimo kale oo la xiriira mashaariic horumarineed.

 

Salaad Cali jeelle wuxuu kaloo sheegay in saxaafadda ay war buuxa heli doonaan ka dib marka uu dhammaado kulanka dowladda federaalka iyo diblomaasiyiintan.

 

Wafdigan ka socda dalka Shiinaha waa kii ugu horreeyay matala dalka Shiinaha ee soo gaara magaalad Jowhar tan iyo markii ay dowladda federaalka kmg ee Soomaaliyeed ay dalka ku soo laabatay.

 

Wariyaha Idaacadda SBC ee magaalad Jowhar ayaa sheegay in ay u muuqato in wafdigan Shiineeska ah ay isla maanta ka dhoofi doonaan magaalada Jowhar, hase yeeshee ka hor intaanay dhoofin ayaa la rajaynayaa sida uu sheegay wariyahayaga inay qabtaan shir jaraa’id oo ay kaga warrami doonaan ujeedada ugu wayn ee booqashadooda.

 

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka China u fadhiya Kenya oo maanta Yimid magaalada Jowhar.

 

Jowhar:- Safiirka dalka China u fadhiya dalka Kenya ayaa booqasho maanta ku yimid magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Wafdigan ka socda dalka China ee uu hogaaminayo safiirka ayaa la sheegay in dalka Soomaaliya u yimaadeen sidii ay kulamo ulla yeelan lahaayeen madaxda dowlada Federaalka.

 

Wafdigan maanta kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayey Airporka Jowhar kusoo dhaweeyeen xubno ka socda Golaha Wasiirada Federaalka iyo Maamulka Shabeelada Dhexe.

 

Arrimaha uu wafdigan uu u yimid magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah sidii dowlad China ay xafiis uga furan lahayd magaalada Jowhar, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya.

 

Dowlada China oo kamid ah dalalkii horey xiriirka joogtada ah ulla lahaa dalka Soomaaliya, ayaa ayadu sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonto gacan qabashada dowlada lagu soo dhisay dalka Kenya.

 

China ayaa sidoo kale dowlada Federaalka horey usoo gaarsiiyey deeq la xariirta dadkii wax ku noqday Musiibadii Tsunamiga oo sanad kahor ku dhufatay xeebaha Bari ee dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this