Sign in to follow this  
General Duke

PM of Somalia lands in Brussels to meet with EU , Has no plans to visit Asmara

Recommended Posts

Brussels: Raysal Wasaare Nuur Cadde oo ka dagay Belgium-ka lana beeniyay inuu Tagayo Asmara

10. februar 2008

 

Brussels (AllPuntland)- Raysalwasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dagay maanta caasimada dalka Belgium-ka ee Brussels, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho rasmiyah.

 

Raysalwasaaraha oo ay safarkiisa ku weheliyaan wasiirada Arimaha Dibada iyo Maaliyada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac Jangali iyo Maxamed Cali Xaamud iyo madax kale, wafidiga Soomaaliya ayaa inta ay joogaan dalkaas waxa ay wadahadal kula yeelanayaan madax ka tirsan dalkaas iyo kuwa Midowga Yurub.

 

Dhinaca kale waxaa xalay uu baahiyay TV-ga Al-Jasiira in Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde uu tagayo magaalada Asmara oo uu wadahadal kula yeelanayo kooxaha ka horjeeda Dawlada Soomaaliya, warkaas wuxuu sheegay TV-gu inay kasoo xigteen masuul ayan magacaabin oo ka tirsan dawlada Soomaaliya.

 

Ilo wareedyo ku sugan Baydhabo oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa xaqiijinaya in uusan tagayn Asmara raysalwasaare Nuur Cade sidda Tv-ga Aljasiira wariyay.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa inuusan jirin xiligaan qorshe la xiriira wadahadal dhexmara labada dhinaca oo ka dhacaya Casmaraiyo meel kale.

 

AllPuntland, Xarunta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this