Sign in to follow this  
Emperor

Italy to host another and a new Somali peace confrence

Recommended Posts

Emperor   

Dowladda Talyaaniga oo shaacisay in bisha soo socoto qaban doonto shir looga hadlayo xalka Somaliya, kana Qeybgalayaan Dowladda iyo Mucaaradka

 

Mogadishu Thursday, 21 May 2009 SMC

 

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Talyaaniga Farnco Faratini ayaa sheegay in ay qaban qaabinayaan shir looga hadlayo arimaha xalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa arimaha burcad badeeda ee ka jirta Xeebaha Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegtay in gogasha shirkaasi ay fidin doonto Dowlada Talyaaniga, waxuuna cadeeyaya Wasiirku in 10-ka Bisha soo Socoto ee Jun uu ka furmi doono magaala madaxda dalka Talyaaniga ee Roma.

 

Dowlada Talyaaniga ayaa ****olka ka qaatay in shirkaasi ku marti galineyso Dowlada KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ah, waxeyna taasi noqoneysaa markii ugu horeysay oo Dowlad reer Yurub ah ay mar qura ku marti galiso Dowlada KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ah.

 

Dhinaca kale Dowladda Talyaaniga ayaa u muuqato mid u soo jeesatay in ay xal u hesho arimaha Soomaaliya, inkastoo ay Adag tahay sidii ay ay Dowladda KMG ah iyo Mucaaradkeeda ay shirkaasi ka wada qeyb galaan.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this