Sign in to follow this  
guraad

Madaxda Hay'ada NPA Oo Damiin Lagu Sii Daayey

Recommended Posts

guraad   

Friday, March 12, 2004 at 07:05

 

Laascaanood (RadioLascaanod)- Madaxa Hay'ada NPA Cismaan Saleebaan iyo Sarkaal kale oo ka tirsanaa Hay'ada una qaabilsanaa dhinaca Mashaariicda biyaha oo isaga lagu magacaabo Khamiis Cabdi joome una dhashay dalka Kenya ayaa Habeen hore goordanbe damaanad lagu sii daayey ka dib markii ay odaayaal, Isimo iyo wax garad arrintaasi soo dhexgaleen.

 

Madaxa Hay'ada NPA oo Arbacadii galinkii Hore loo taxaabay saldhiga magaalada Laascaanood ayaa waxa uu xeer ilaaliye ku xigeenka Guud ee Puntland ahna xeer ilaaliyaha gobolka sool C/rashiid barkhadle u sheegay warbaahinta in lagu soo eedeeyey madax Hay'ada in aanay waxba ka qaban waxyaalihii ay Hay'adaha kale ee caalamiga ah , kaga soo qaadeen hantida , sida Hay'adaha qaramada Midoobey UNDP, UNHCR oo ay mashaariic farabadan in ay gobolka u qabanayaan hanti badan kaga soo qaaday

 

Wuxuuna intaasi ku daray markii la weydiiyey Madaxa Hay'ada NPA mashaariicdaasi halka ay ku danbeeyeen in uu diiday in uu wax jawaab ah ka bxiyo su'aalahaasi la weydiiyey, sidaa daraadeed ayuu yidhi xeer ilaaliyuhu ayaan talaaban u qaadnay , annaga oo ilaalinayna hantida lagu soo qaadayo magaca shacabka ee la lun sanayo.

 

Wuxuuna Xeer ilaaliyuhu Sheegay in uu ku sugnaan doono Xaruntooda , isla markaana aanu magaalada dibada uga bixi karin ilaa iyo inta ay dhamaanayaan baadhitaanka lagu hayo hawlahaasi.

 

Radio Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this