Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Kuma dhicikaraan inay mudaharaad ku dhigaan Madaxweynaha SSC

Recommended Posts

Somaliland Salvation Council (Somsalco)

 

London

 

U.K.

 

Date 7/3/04

 

 

*********** ma ku dhicikaraan inay mudaharaad ku dhigaan madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kahin iyo wafdiga uu hogaaminaayo

 

Haday geesiyiin sidaa u yihiin ha iskeenaan banaanka.

 

*********** ( khaasan *********** ) iyo ********* waa dad ay ka buuxdo xaasidnimo iyo nacayb xad dhaaf ah oy u hayaan shacbiga Somaliland, oo waxa ku kalifayna la garan la yahay ilaa maanta. Bal eega waraaqaha ay qoraan ee nacaybku dusha ka saarsaaranyahay ee ku jira website-yadooda.

 

Takale ee lala yaaban yahay waxay tahay, waa umaad aan ku kalsoonayn kartidooda iyo aqoontooda midna, oo xaasidnimo indha tirtay, oo dadka Somaliland haday qaataan magaca Digirin, ayaguna waxay qaadan Digirino, haday dadka Somaliland u guuraan Saaybeeriya, ayaguna bil dabadeed ayay u soo guuri Saaybeeriya. Dadkan maxaa inna-daba-dhigay ma hadhkeeniibaa? .Waa dad xaasidnimo ku kalifayso arrimahaa oo dhan, oo ilaa magacay ceebeyeen-Somaali aynu iska tuurno innagala-hadhimaayaan,colaad, xaasidnimo iyo magic-xumayn.

 

Dadkan xaasidnimadu iyo nacaybku lafaha jabiyey sida la isaga reebi la haa waa shaqo u taala, oo sugaysa shacbiga Somaliland.

 

Website-ka “ SOMSALCO “ waxaa loogu tala galey in shacbiga Somaliland isku waraystaan, iskuna dhaafsadaan fikradahooda , aqoontoodaba, iyo in shacbiga Somalilandna lagu wacyi-geliyo dhismaha iyo ilaalinta dalkooda.

 

Markaa, waraaqaha iyo maqaalada wax baraaya ,waxna u kordhinaaya shacbiga Somaliland noo soo dira, annaguna waanu qori, si shacbigu u akhristo.

 

SOMSALCO su’aal ayey shacbiga Somaliland waydiinaysaa meel-kasta ha joogaane, su’aashaa oo ah:

 

1)- a)- Shacbiga Somaliland iyo shacbiga Somaaliya ma af isku af bey ku hadlaan ?

 

b)- Dhaqanka iyo caadada ay leeyihiin shacbiga Somaliland mala midbaa ka shacbiga Somaliya leeyahay?

 

 

2)- Magaca Somali ma iska baddalnaa? Hadaynu bedelno maxaynu qaadanaa?

 

Fikradaad ka qabtaan u soo dira email-ka hoos ku qoran.

 

 

Email: slsalvationcouncil@yahoo.co.uk

 

 

Eebbaa Mahad Leh

 

Somalilandbaa Guul Leh

 

Ahmed Mohammed

 

slsavationlogo2.jpgCalanka%20Soo%20dhawaynta.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Somalilanders in Diaspora Ready to Rally Support for Riyaale.

 

By:Yassin Ismail, UK

As the date for the long awaited and historic State visit to the United Kingdom by the Somaliland president Dahir Riyaale approaches, Somalilanders in Diaspora, especially in the UK, have already stepped up vigorous preparation to welcome the visiting president and rally in support of Somaliland’s case for recognition.

 

In London and other main cities in the UK publicity materials, including posters and flyers have been published and circulated across the country.

 

T-shirts, flags, banners with slogans such as ‘Recognise Somaliland’ are also being made and put on sale in shops and cafés run by supporters of Somaliland. One of these flyers I have seen bore the words “Somalilanders: this is it…it’s NOW or NEVER” and urges supporters to take ‘the day off’ in order to take part in what is being described as a highly spirited but peaceful demonstration to be staged in Whitehall near 10 Downing Street, where the president is expected to arrive on 17 March at 3 pm in order to deliver speech to address the British House of Commons. In his speech president Riyaale will attempt to put forward a case for the recognition of Somaliland.

 

The forthcoming event has been widely publicised on the Internet and discussed in many Somaliland cyber-debate forums. In addition, a computer generated standard text message has been disseminated to hundreds of mobile phones held by Somalilanders in the UK. The idea is to spread the news about the president’s to as many people as possible. I have received one such message yesterday from a unanimous sender without asking and it read as “Support the recognition of Somaliland on the 17/03/04 at 3pm in front of Whitehall opposite number 10 Downing Street. BE THERE or BE SQUARED. Pass it on.” I have passed on the message to 10 other people and so on.

 

The visit is drawing much attention from other Somaliland communities living outside the UK. For instance Somalilanders in countries such as Germany, France, Denmark and the Netherlands are said to have already began organising themselves in order to take part in the rally. Busses and Coaches are being hired or booked for hire to transport hundreds of enchanted supporters to London for this worthwhile event. According to reliable sources, in Toranto Canada negotiation is already underway for more than 150 people to charter a private airliner to fly them to the UK for the event.

 

Since Somaliland declared its independence 14 years ago this is the first ever State Visit by any Somaliland president and according to organisers the rally is expected to be the biggest of its kind ever staged in Britain by East African community in support of their president. On other spheres tensions are mounting on the possibility that pockets of anti-Somaliland Somalis may try to counter-demonstrate against the visit by president Riyaale and his delegation in the UK though the anticipated scale is much more less than that of the pro-Somaliland rally.

 

Mohamed Aden, a senior organiser and member of Nomad International Group told me that they expect some extremist pan-Somalist groups from the South may try to boycott the event in order to undermine the prospects of Somaliland being accorded with such enhanced diplomatic status. Mr Aden expressed concerns that the presence of these groups in such a highly charged atmosphere may trigger violent confrontation between the two rallying sides and urged Somaliland supporters not to react to any provocation that could lead to all-out war in the streets of London. He added that it’s extremely important that the rally takes place peacefully if it is to achieve the desired goals and adds weight to president Riyaale’s diplomatic mission to obtain recognition for Somaliland.

 

We will keep you informed of any new developments as the situation enfolds its dramatic dimensions and Riyaale begins his search for International Recognition.

 

By:Yassin Ismail, UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Masuul Ka Tirsan KULMIYE Laanta London Oo ka waramay u diyaar garawga dadka reer Somaliland ee socdaalka Madaxweynuhu ku tegayo carriga Ingiriiska

 

 

Hargeysa (Halganews): C/Haybe Maxamed oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee laanta dalka Ingiriiska ayaa ka waramay u diyaar-garawga dadka reer Somaliland ee ku nool carriga Ingiriiska ay ugu jiraan booqashada la filayo inuu bishan 15-keeda ku tago madaxweynaha Somaliland dalkaasi, isaga oo sheegay in dadka reer Somaliland ee halkaa degeni ay tabaabushe iyo diyaar garaw laxaadle ugu jiraan soo dhaweynta socdaalka Madaxweynaha.

 

C/Haybe oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta (9-3-04) ku qabtey xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, waxa uu intaa ku daray in maadaama xisbiga KULMIYE uu taageerayaal badan ku leeyahay cariga Ingiriiska inay qayb libaax ka qaadanayaan soo dhaweynta socdaalka madaxweynaha, taasi oo ay kala qayb qaadanayaan dadweynaha kale ee reer Somaliland oo dhan xisbigay doonaanba ha taageersanaadaan’e, isla markaana ay ka siman yihiin in soo dhaweynta madaxweynaha si wada jir ah looga qayb qaato.

 

C/Haybe waxa uu sheegay in intii aanu ka iman dalka Ingiriiska ay filayeen inay madaxweynaha soo raaci doonaan qaar ka tirsan masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ah, balse markii uu halkan Hargeysa yimi uu maqlay inaanay ku jirin xisbiyada mucaaradku weftiga madaxweynaha, balse aanay taasi ka joojinayn soo dhaweynta madaxweynaha inay ka qayb qaataan.

 

Waxa kale oo uu C/Haybe ku sheegay shirkiisa jaraa’id in dad kale oo ka soo horjeeda qadiyada madax banaanida Somaliland ay iyaguna dhinacooda ka abaabulayaan mudaharaad ka dhan madaxweynaha iyo weftigiisa, sidaa daraadeed ay dadka reer Somaliland ee ku nool dalkaasi ay qorsheeyeen inay muujiyaan cudud midaysan oo ay kaga hortagayaan kuwa diidan qadiyada Somaliland iyo socdaalka madaxweynaha.

 

Sidoo kale waxa uu C/Haybe sheegay in dad badan oo reer Somaliland ah oo ka soo guuraya dalalka Scandinavian-ku ay dhibaato badan kala kulmaan hay’adaha socdaalka ee dalka Ingiriiska.

 

 

 

M. Amiin Jibriil Halganews

 

correspondent In Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanaag Diaspora United

 

Waxanu salaamaynaa dhamaan Somaliland media, gaar ahaan website-dada ku caan baxay in ay soo gudbiyaan wararka qiimaha leh ee wadankeenii hooyo, waxanu kuwa kale ee aan u fiirsan waxa dadku u soo dirayaan kula talinaynaa in ay aad uga feejignaadaan wax yaabaha ay dadka cadowga u ah wadankeena ku soo qoraan.

 

An u gudubno dulucda qoraalkayaga, waxan ka wada dhereg san nahay in uu maalinta isniinta ee bishan 15-keeda imanayo madax-weynaha J Somaliland iyo wefti aad u balaadhan oo heer qaran ah ,wadanka boqortooyada ingiriiska. Waxaynuna wada og nahay inta aynu sugaynay iyo oonka aynu u wada qabnay in ay arintani suuro gasho. Hadaba waxanu dhamaan dadka reer Somaliland ku boorinaynaa in ay si aad u heer saraysa uga soo qayb galaan dabaal-dega lagu soo dhowaynayo madax-weynaha iyo wafdigiisa uu hogaaminayo.

 

Waa in si adag looga hor tagaa falalka ay dadka cadowga ahi ka wadaan wadankan ingiriiska, kuwaas oo isku deyaya in ay wax yeeleeyaan waqtigan dahabiga ah ee soo maray Somaliland iyo dadkeeda. Waynu ognahay in aanay taag buuran ama awood ay cadowgu ku ururiyaan dad badan oo la caqli ah aanay lahay, laakiin waa in aan la yaraysan falalkooda foosha xun.

 

Ilama aha in qofna loo sheegayo qiimaha ay arintan imaatinka weftigani ugu fadhido wadankeena hooyo hase ahaatee waa in loo arkaa wada hadal iyo xidhiidh fiican oo inoo furmay inaga iyo wadanka boqor-tooyada ingiriiska ee aan loo arag in ay isla marka uu madax-weynu dhameeyo qudbadii layna ictiraafi doono ama layna diidi doono. Dad baa laga yaabaa in ay u arkaan in hadii ay isla maalintaaba ina ictiraafi waayaan in ay ina diideen. Sidaa maaha arintu, sidan laynoo sharfay looma sharfo wadamo aad u badan oo ka haysta ictiraaf aduun waynaha oo dhan, waxaynu ku kasbanay sharaftan waxa weeye sida aynu isu qiimaynay,u ilaalinay xuquuqda bini aadam nimo, sida aynu u doonayno in wadankeenu noqdo meel lagu wada noolaado nabad iyo is afgarad, sida aynu uguna adkaysanay qadiyadeena doonida wadan ahaaneed, Sida aynu u maamulay doorashooyinkii ka dhacay wadankeena. Waynu aragnaa waxa ay inoo dhashay u adkaysigii aynu u adkaysanay noloshii adkayd ee cadawgeenu doonayeen in aynaan marna ka bixin.

 

Waxanu kula talinaynaa in ay dowladeenu si deg-deg ah u diyaariso doorashada baarlamaanka, taas oo dhamays tiraysa diimoqraadiyada ka jirta wadankeena. Waxanuna aaminsan nahay in ay doorashada baarlamaanku inaga xigto ictiraaf aynu ka helno aduun waynaha. Hadii aynu u maamulo si aad uga saraysa sidii aynu u maamulay doorashadii ugu danbaysay waxaynu kasban doonaa ictiraaf si deg-deg ah, laakiin hadii aynu ku fashilano (illaahay baanu ka magan galnay in ayna taasi dhicin) ictiraaf inta cirku inoo joro buu inoo jiraa, waa in ay dhamaan dadka reer Somaliland taas ogaadaan oo ay iska ilaaliyaan waxkasta oo khal khal gelin kara doorashada baarlamaanka iyo dhamaan barnaamij yada lagu dhamays tirayo dimoqraadiyada wadankeena.

 

Wa bilaahi tawfiid

 

Acting Chair

 

Mohamed Ali Gibril

 

Sanaag Diaspora United

 

Contact_sdu@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

BAAQ RASMI AH OO UU SOO SAARAY XISBIGA KULMIYE- UK

 

 

XISBIGA KULMIYE- UK

 

 

Siada laga warqabo waxaa dhawaan booqasho ku imanaya dalka Ingriiska wafti uu hogaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland mudane Dahir Rayale Kaahin. Inkasta oo aan si rasmi ah xisbiga loogu sheegin, hadana sida la ogyahay waftigu wuxuu ka koobanyahay madax ka kala socota:

 

Golaha Guurtida

Golaha Barlamnka iyo

Golaha Xukuumada

waxaana la filaya inay yimadaan magaalada London badhtamaha bisha March 2004.

 

 

Xisbiga KULMIYE guudahaan isagoo xeerinaya danta guud iyo qaraniimada Somalilanad, isla markaana aaminsan in hawlaha qaranka meel looga soo wada jeesto, waxuu dadweynaha reer Somaliland ee degan wadanka Ingriiska, xisbi kasta oo ay taageeraanba ugu baaqayaa inay si hagar la'aan ah uga qaybqaatan hawlaha heer qaran ee waftiga uu hogaamionayo madaxweynuhu mudada ay dalka joogaan.

 

 

Xisbiga KULMIYE waxuu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqaya inay si laxaad-leh uga soo qaybgalaan banaan baxa lagu taageerayo Madax-banaanida iyo aqoonsi raadiska Jamhuuriyada Soomaliland.

Waa in meel looga soo wada jeesto cadawga Somaliland ee doonaya inay rabshaan fursadan qaaliga ah ee booqashada wafiga.

 

 

Hashaan Gaada Weynow Libaax Uga Gaboon Waayey

Inaan Gorayo-Cawl Uga Tagaa Waa Hal Soo Gudhey -- Cabdilahi Suldan (Timacade) --

 

 

Guul iyo gobanimo, waana inoo madasha kulanka

Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE- UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

AWDAL DIASPORA NETWORK

 

We need to make our presence felt for:

 

-Our case for International recognition .

 

-Your country needs your support.

 

-Bring your sirens, drums, flags etc .

 

Somalilanders this is the time and it is now or never.

 

Time: Wednesday 17 March

 

Place: Whitehall LONDON SW1 OPPOSITE NUMBER 10 DOWNING STREET LONDON SW1 )

 

Transport: District, Jubilee & Circle line: Westminster Underground Station

 

For more info call :

 

Mahamed Aden 07985126361

 

Transport: District, Jubilee & Circle line: Westminster Underground Station

 

For more info call :

 

Mahamed Aden 07985126361

Share this post


Link to post
Share on other sites

TOGDHEER ONLINE

 

The fact that UK parliament invited the presidential delegation after witnessing the first foot steps of democracy in Somaliland and the hopelessness of the Somalian reconciliation conference in Nairobi says it all – confirmation of UK’s dealing with the popularly elected presidents government, economic support until parliamentary elections are held this year and a full diplomatic recognition follows. The British diplomatic answer to protesting Somalians will be, “We are not to be blamed for Somalian choice not to make peace have a government.”

 

Envying ********* disguising, as Somaliland citizens against recognition of the Republic of Somaliland and some tribal minded individuals with eastern Somaliland background, will be demonstrating against the delegation of the visiting Somaliland presidential delegation in UK. They will be chanting down with Somaliland, long life Somalia unity [somali Republic] -that died a long time ago, to try to hide their backward tribal ambition. This is expected to be a historic war between citizenship and tribalism.

 

Patriotic citizens of Somaliland in the UK should not forget to photograph or record in video cameras those demonstrators to confirm their place in the history of the Somalilander on going war for their country’s annexed independence. That non-Somalilander who is found in the demonstration is by falsifying his identity committing a crime against Somaliland. He should be photographed together with the board he carries to face the consequence of his acts, in the future.

 

Though everyone has a right to demonstration in a democratic and free world, everyone writes his own history as well and has a full right to do so. In my opinion, the non-Somalilander, who disguises, as a Somalilander should be recognized as an enemy of Somaliland, while a Somalilander who participates in it will be confirmed as one against the recovery of his/her country’s annexed independence by Somalia.

 

Those who would like to be the future politician and administrators in Somaliland, who are eager to write their history, should be allowed to do so. It will be amusing to see who is who on the other side of the table in the political or administrative office in Somaliland. And remember, this time there will be no blanket amnesty.

 

This will be a matter of right and responsibility.

 

By: Omar Japan, Toronto, Canada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this