Sign in to follow this  
me

Mass arrests in Muqdisho

Recommended Posts

me   

Guud Ahaan Magaalada Caasimada Ee Muqdisho Oo Gacanta U Gashay Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwa Ethiopia

 

Warkii 27-Apr-2007 iyo Qormadii: faytin

xaalada magaalada muqdisho ayaa saaka degan kadib markii maalintii shalay ay ciidamada huwanta ah ee dowlada KMG iyo ciidamada Ethiopia ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada muqdisho ,iyadoo ay baarayaan dhamaan xaafadaha ka ag dhowaa deegaanada dagaaladu ay ka socdeen sida xaafada xamar -jadiid ,xamar -billa ,towfiiq,juungal,agagaarka al-cadaala iyo meelo kale .

 

 

Baaritaanka xaafadahan ayaa sidoo kale lagu arkaayey guryo ay jebiyeen ciidamada dowlada KMG ahi oo ay dadkii lahaa ay ka qaxeen xiligi dagaaladu bilowdeen ,taasoo sida ayu sheegayaan dad xog-ogaal ahi loo gaystay meelo kamida xaafada xamar jadiid iyo xamar billa bililiqo xoogan .

 

Guud ahaan caasimada muqdisho ayaa gacanta u gashay ciidamada dowlada KMG ah iyo xoogaga ciidanka xukuumada Ethiopia ,iyadoo sidoo kale dad badan oo shacab ah oo lagu tuhmayey inay dagaalada ka qayb qaateen lagu qab-qabtay qaar ka tirsan xaafadaha magaalada muqdisho ,dadkan oo lagu qiyaasay ilaa 100-qofood oo rag ah ayaan la ogayn inay ka bar bar dagaalamyeen xoogaga kacdoonka wada ee muqaawimada iyo in kale .

 

waxaa xiran guud ahaan wadooyinka soo gala magaalada caasimada ee muqdisho iyadoo aysan jirin wax ka baxaya iyo wax soo gelaya ,lamana garanayo xoogagii kacdoonka ahaa ee la dagaamayey ciidamada huwanta ah halka ay ku dambeeyeen .

 

Ciidamada xukuumada Ethiopia oo ku hubaysan taangiyada iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay gelbinayaan ciidamada dowlada KMG ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho kuwaasoo dadka shacabka ah ee wadooyinka maraya mid mid u baaraya islamrkaana qofka ay uga shakiyaan inuu yahay qaab culimo-udiin qabanaya iyadoo aan la ogayn halka dadkan la qab qabanyo la gayanayo balse la arkayey iyagoo lagu gurayo baabuurta loo yaqaano waaraadka .

 

Si kastaba ahaatee xaalada magaalada muqdisho ayaa saaka degan waloow ay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada muqdisho qaarkeed lasoo deristay cabsi iyo wel-wel kaga imaanaya dadka culimada ah ama u ekaan karaba oo laga ururinayo guud ahaan magaalada caasimada ee muqdisho .

 

yaasiin maxamed cali (faytin)

 

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this