Sign in to follow this  
me

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dhaawacay Suuq Bacaad

Recommended Posts

me   

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dhaawacay Suuq Bacaad

 

 

Mogadishu 02, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Sarkaal ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia ayaa saakay lagu dhaawacay bartamaha suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah.

 

Sarkaalkaan oo la yiraahdo Cilmi Maalin ayaa waxaa soo weeraray kooxo ku hubeysan bustoolado, xilli uu ku sugnaa goob lagu qaxweeyo oo ku taala gudaha suuq Bacaad.

 

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaasi ku dareen in dhaawaca sarkaalka loo qaaday Isbitalka Keysaneey halkaasi oo lagu daweynayo.

 

Kooxaha Weerarkaan geystay ayaa ka baxsaday halkaasi.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sii badanaya weerarada iyo dilalka qorysheysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda, iyadoo xalay maqribkii kooxo hubeysan oo aan la garan ay toogasho ku dileen Guddoomiyihii waaxda Saqaawadiin ee degmada H/wadaag Xuseen Cali ibaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this