Sign in to follow this  
General Duke

Is there no Third way ?

Recommended Posts

Ilaahow Itoobiya iyo Eriteriya Dhexdooda Nagu Caymi

 

afwarke_zenawi.jpg

 

Markii uu bilowday dagaalkii lagu hoobtay ee dhexmary Ethiopia iyo Erteria 1998, marna isma oran collaada aan sababaha badan lahayn ee labada wadan u dhaxaysaa heerakaasay gaaraysaa.

 

Waxaana u arkayey inkastoo dagaalka sabab looga dhigay khliaafaad xaga xuduudka ah iyo dhul laysku hasto gaar ahaan degmada Badame hadana sababata dhabta ah ee ay ahayd mid caqliyada dadka wareerisay oo dad badani u arkayeen in khilaafku ku salaysan yahay arimo shakhsi ah oo labada Hogaamiye (Afwarke iyo Zenawi) khuseeya iyo heshiiyo qarsoodi ah oo ay galeen xiligii ay la dagaalamayeed dawladii Milateriga ahayd ee Mingiste Xayle Maryam.

 

Waxaase dad badani isku raaceen in marka la eego sida hawsha-yare ee nidaamka Addis Ababa uga tanaasulay Eriteria ee uu xoriyad buuxda u siiyey (afti Eriteeriyiinta laga qaaday ka dib) in ay muuqatey in Itoobiya aanay damac weyn iyo hunguri weynin badan ka qabin dhinca Eriteriya iyo dhulkeeda toonaa laakiin cida khilaafka iyo dagaalka bilowday ay tahay Afawarkaha Eriteria oo u arkayey in Itoobiya burburayso sidaa darteed uu xaq uleeyahay inuu "hashaa" qalan saami intuu helay ka badan ka helo.

 

Waxaana xusid mudan inuu isku dayey inuu Yemen ka fara-maroojiyo Jaziiradaha Xineyshka oo markii dambe Maxkamada Caalamiga ee The Hague u xukuntay Yemen isagoo sidaa si lamid ah daandaansi joogta ah iyo gardaraysi ku hayey Sudan iyo Jabuuti, wuxuuna sidaa kula baxay magac loo qarin jirey oo ahaa "Sadaam Xusseenka Geeska Afrika"

 

Isku soo duubo shaki kuma jiro in dagaalkii uu la galay Etoobiya uu wax badan ka bedeley dabeecadaha Asias Afawarke oo uu ugu yaraan dareemay in aan cudud milateri waxba lagu xalin karin.

 

Waxuu sanse marna ilaawin (Afwarke) collaada aan sidaan hore u sheegnay la garanayn sababteeda ee kala dhexaysa Meles Zenawiga Etoobiya kuwaasoo mandaqada geeska Afrika geliyey colaad hore leh iyo is xulufaysi iyadoo awelba gobolku la tiicayey cuduro iyo fakhri ay sababeen Abaaro iyo dagaalo aan micno weyn lahayn oo shucuubtu ku hoobatay.

 

Somaliya

 

Hadaba markaan u baydho teeni Soomaaliya, waxaa arin ugub ah in Soomaalidu ay noqoto "ullo" ay isla dhacaan Etoobiya iyo Eriteria iyo gaar ahaan labada nine ee colaada "nacasnimadi" ah dhexmartay ee ka kala taliya Asmara iyo Addis oo labadaba dowladii hore ee soomaaliya ay sababteeda lahayd kursiga ay hada ku fadhiyaan.

 

Waa wax laga murugoodo markaan arinkan kala sheekeeshay Dr. Asim Omar oo ah khabiir Sudaani ah oo arimaha gobolka ka faalooda ee uu i weydiiyey suaal aanan weli jawaabteeda hayn maskaxdaydana aan ka fujin kari waayey oo ahayd.

 

[...Hadii Dawladii ku meel gaarka ahayd Itoobiya u yeeratay, Maxkamadihiina Eriteeriay aaway dadka intiisii kale, meeye mutaclimiintii, indheer garadkii, siyaasintii dhexdhexaadka ahaa, wadaniyiintii, dadkii dalka xoreeyey, haweenkii, ardaydii…iyo….iyo……...]

 

Markaan ka soo baxay anigoo murugaysan xaalkeenana og ayaan ilaahay hoosta ka baryey oo iri "...Ilaahayoow waad na aragtaa maantaan is lahaa xal baadhow oo xamar baa xasishay wataa xabad cusub, jihaad, iyo dagaal naloo wakiishay (proxy war) aan bilownay………Ilaahow Na Caymi..."

 

Walaahu Aclam,

 

Qore:Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Saudi Arabia

Daabicida: HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
[...Hadii Dawladii ku meel gaarka ahayd Itoobiya u yeeratay, Maxkamadihiina Eriteeriay aaway dadka intiisii kale, meeye mutaclimiintii, indheer garadkii, siyaasintii dhexdhexaadka ahaa, wadaniyiintii, dadkii dalka xoreeyey, haweenkii, ardaydii…iyo….iyo……...]

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAL HORTA AAN FARIISANNO

 

Assalaamu calaykum.

 

Waxaa jirta mahmaah leh "XASIDKAAGU HADDU BATO XISKAAGAA LA KULMIYAA".

Madaama ay siyaasada Somaliya saarantahay rati buubaal ah waxay ila tahay

in loo bahanyahay in marka hore inta la acuuthu-Bilaysto aan is weydiinno

su'aalo badan dabadeedna cidkastaba waxay aminsantahay

mawqifka uga aadan ay ka qaadato. Waxaa kale oon qabaa in si cadaan ah

laysigu sheego waxyaabo

badan oo gooray qarxaamba qarxidoona, hora loo yiri "WAXAAD QARSATO WEY KU

QARSADAAN".

Waxay igula fiicantahay inaan qodob kastaba aan mithaal daba dhigno.

 

Horta maxaan wadaagna haddaan Somali nahay. Waxaan wadaagna Diinta (muslinimo),

marka waa waxkasta oon suubinnaba waa inay diinta ku salaysanyihiin. haddii

kale waxay naga noqonaysaa inaan uun afka kasheegano ee aanan ku dhaqmin

taana waxay noqonaysaa munaafaqnimo, Waxaa jirta ama ay aniga ila tahay in

marki dhaqankeena lo firsho inay nala tahay mid ay diintu noo fasaxday

ficillada & dagaallada qabiil ee aan ku salaysnayn difaaca dadkaaga &

deegaankaaga, lakiin ku salaysan qab,awoodsheegasho iwlm. Inay saa tahahay

waxaa kuu cadayna suugaanta ka hadasha dagaalada qabiil oo marki goob reer looga itaal roonaado marmarka barkood lagu calaacalo marki la guulaystana wax badan lagu faano saa dagaal qabiil waa ping-ponge ama toogeysi. Waxaan

mithaal u soo qaadana abwaanki (aun) Aden Carab inta goob reerkiisu ku gacan

sareeyay gabaygiisi uu ku soo qatimay:

CAWADAY ANOO NOOL HADDII AAN CALAFTIDAA GARAY

MARKA SOO CIMRAYSIYO XAJKII U CITIQAAD MAHA.

Hade waa mar uu sheegay inuu dhiig islaameed ku cilaantay oo uu sheegay inuu reera kale uga daysaday. tani kuma koobna abwaankaan kaliya ee haddaanan qaldanay abwaaniinti ka qayb gashay silsiladi GUBA' Bulaale ma ahane inta

kale waxay isku dhexwaday dhiig sokeeye oo qabiil loogalay & diintoo lays

xijiyo. Waxa kale oon wadaagna Somalinimo nin baa hore u yiri "WAXYI IGUMA

SOO DEGO HADDANA WAXIMA SEEGAANE, WAXAAN AHAY NIN WAAYA ADUUN WAXUGA

MUUQDAANE"lABADAA (Muslinimo & Somalinimo) markii hoos looga dego waxaa loo tagaa

xumaan oo dhan & midabkastoy leedahay, waane meesha ay maanta xaaladeenu marayso hebel taageer ma aha inaan ku tuuro Diinteydi & Somalinimadaydi.

 

Waxaan arki jiray dhallinyaro markay sheekaysanaayaan qarkood ku faano inuu

aabihi ahaa SYL qarkalana marki sheekadaa la soo qaado ay goobta isaga tagaan oo hadhow farta lagu fiiqo & "aabini ihiii ihiii dhanka kale...." waxaan ku fikiri jiray "tolow markay aabihi is arkaan muxuu ku fikiridoonaa"

waa midaan carruur badan hadda uga baqaa. Maqaalkaan waxaan rabay inaan waxyaabo badan inti awoodayda ah dadka uga digo balse waxaa iga darraatay ballanta DFKG & MMI ay ku leeyihiin Khartuum.

 

Halka ay maanta marayaan xiisadaha wadanka ka taagan waxay la midyihiin

kuwii ka taagnaa 1990ki.

Ruux kasta oo Xamar joogay oo ay wax ukala soocnaayeen wuxuu xasuustaa in

labada reerood oo wadanka dhibaatadaa u horseeday waa ****** & ......... inay

labadoodaba kiiba labo u sii qaybsanaa waxayna kala qabeen labadaan

figradood mid xagjira: marka hore ****** dabadeedna Somali= marka hore

******* dabadeedna Somali. Tan kalana waxay ahayd: markastaba Somali!!!

waxaana raayay xagjirki qabiilka cuskanaa. Hadda waxaa MMI iiga dhex muuqda

qaar seef sita oo raba

inay go'yaan madaxi aan la safnayn xitaa annagaas aan ka jirin ee ku jira

"yaan lagu qiyaanine bal hubso". Qaarka kalane waxaad u moodaa inay

leeyihiin "sidee xeego (qoono) loo xagtaa ilkana ku nabad galaan" oo ah

sidee dawlad loo helaa shareecadana loogu dhaqma. DFKG iyaduna waxay u kala

qaybsantahay qaar Tigree lahaatay oo raba inaan la heshiin oo Somali

islaayso dal & ummadiisna aan dan ka lahayn. Qaybta kalana wax yar oo raba

in la heshiiyo oo mar uun wax haysigu keen daba dhacaan qaba . Sida DFKG ay

labadaa garab u leedahay oo MMI labadaa garab u leeyihiin ayey 1990ki labadi

qabiil oon kor ku soo sheegay ay min laba garab u kala lahaayeen. Haddaba

waxaan ku talin lahaa si aysan noogu dhicin tii 1991di

 

1. In la xakameeyo kan Tigrega soo hoggaaminaa oo raba in waddankeenna la

isticmaarsado & wadaadka seefta sita. Waa nacasnimo wax xiisihii 1990ki

shabaha oo magacyo & mabaadi' kale wata inaay markale dhibaato noo keenaan.

2. Waa in shirka ay ka qayb galaan aqoonyahannada & siyaasiyiinta aan la

jirin MMI iyo DFKG midkoodna

ee la jira oo kaliya dawlad Somaliyeed oo hoggaan fiican. Waxay

dhexdhexaadin lahaayeen markay labada ballansan ay is mariwaayaan intaan loo

gudbin ajnabiga.

3. In DFKG & MMI ay yeelaan sidi kalki hore oo marka hore aan la dhexgelin

ee ayagu ay isku noogaan,

kala tagaa isku soo noqdaan, kala xanaaqaan oo heshiiyaan.

 

Labane waa iga digniin:

1. Ka qaybgalayaasha shirka waxaa ku jiri kara qaar haddii la heshiiyo

mustaqbilkoodu yahay

marshabiyeedaha & maqaayadaha shacbiga, kuwa wararkoodaa na soo gaaree

ha layska jiro.

2. Waxaan golaha wasiirada & gola baarlamaanka ku baraarujina haddii

wadankeenna cadaw

soo galo Cabdullahi Iusuf, Shariif Xasan & Cali M. Gedi oo kaliya

inaysan dambiga lahayn balse

ayaguna ay la wadaagaan. BERKA KA OGSOONI arrintaasi waa taariiq.

 

Fg. Qoraalkan billoowgiisi waxaan damacsana ISHAALLAAH waan soo wadaa...

 

Wabillaahil-tawfiiq.

 

Ahmed Shurie Iusuf

 

iidi3@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

No fear at sharp end of brewing war, Somalis say

30 Oct 2006 14:54:34 GMT

Source: Reuters

 

 

By Guled Mohamed

 

 

BUUR HAKABA, Somalia, Oct 30 (Reuters) - Shuffling along with a walking stick and an AK-47 rifle slung over his shoulder, Mohamed Maalim Abdi reported for holy war.

 

 

"I am ready for jihad. I have a lot of experience. I fought Ethiopia in 1977," the 72-year-old farmer said on Monday as he stood next to a six-wheeled Islamists' truck bearing an anti-aircraft gun.

 

 

Earlier, Abdi had greeted the Islamist fighters with a shout of "God is greatest!" at a junction about 30 km (18 miles) from what analysts fear will be the flashpoint of a Somali war that sucks in Horn of Africa rivals Ethiopia and Eritrea.

 

 

The Islamist gunmen here are the rear guard of a series of defensive lines arrayed against an opposing force from Somalia's interim government and allies from the far more formidable Ethiopian military.

 

 

The Ethiopian presence, there to protect the government of President Abdullahi Yusuf, prompted the militarily powerful Islamists to declare jihad against Ethiopia this month.

 

 

A U.N. report says Eritrea is arming the Islamists to frustrate its arch-enemy Ethiopia, which Asmara denies.

 

 

Buur Hakaba, a south-central Somali town of maize fields on the road from Islamist-controlled Mogadishu, is their closest base to the only town the fractious government controls, Baidoa.

 

 

In the past month, government and allied Ethiopian soldiers have taken it over twice, and twice the Islamists have returned. This time, they came in force.

 

 

The rival Somali sides were due to start a third round of Arab League-backed peace talks on Monday, but few expected any progress. At the frontline, the troops expected war.

 

 

"We are only waiting for the talks to end. We will attack them," fighter Ismail Yusuf, 21, told Reuters, on a break from his post on along the road and bushlands leading to Baidoa.

 

 

'TENSER AND TENSER'

 

 

He estimated that at least 3,000 Ethiopians, along with government troops, had moved within 10 km (6 miles) of the Islamist frontline. Another 2,000 were in Baidoa, he said.

 

 

"There is a lot of troop movement from both sides. Fighting can start at any time. It's getting tenser and tenser," Islamist gunman Abdinasir Ahmed said.

 

 

Ethiopia says it has only sent several hundred armed military trainers to Somalia, but has threatened to crush any attack by Islamists it says are led by militants.

 

 

The Islamists have emerged as the most powerful military force in Somalia since seizing Mogadishu in June and advancing across much the country's south, imposing strict sharia law and exploiting traditional Somalia enmity against rival Ethiopia.

 

 

In Buur Hakaba, where the ordinarily sere and dusty plains have turned muddy and green with grass from recent rains, Islamist troops are everywhere.

 

 

Unlike in most towns at the sharp end of a war ready to break out, most residents say they are not worried.

 

 

But the roughly 30,000 people in Buur Hakaba, like most Somalis, have suffered unending mayhem since 1991, when warlords ousted the last national president and ushered in anarchy.

 

 

"We have never seen so many troops and weapons like this. We have no fear. The Islamists are here to defend us. At least 250 local residents have registered for jihad. I registered myself five days ago," driver Abdullahi Ibrahim, 30, told Reuters.

 

 

And like many Somalis, their public loyalties tend to lie with the strongest.

 

 

"The people of Buur Hakaba have chosen sharia law. I have no option but to follow their will," said Mohamed Abdi Hussein, a district chief installed by the government six months ago.

 

 

"I am personally ready to please God and take part in the jihad."

Share this post


Link to post
Share on other sites

He estimated that at least 3,000 Ethiopians, along with government troops, had moved within 10 km (6 miles) of the Islamist frontline. Another 2,000 were in Baidoa, he said.

 

Maybe that why they left Burhakaba we need to get those ceeyal who ran away from their macalins.Sheik Abdiallahi yusuf is going to crack the wipe ow YEEEEEEEEEh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this