Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Midowga Maxkamadaha iyo Shirkadaha Mallaayga ee Mudug

Recommended Posts

Midowga Maxkamadaha iyo Shirkadaha Mallaayga oo Mudug isku Heysta

 

By C/Waaxid Khaliif

 

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

Markaad maqashid shirkadaha Alkher “Marine Resource” iyo Somcan waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya Cadde Muuse iyo C/Weli Cali Taar. Waa labada nin ee haddeer ciidamada geeyey meel ku dhow Bandiiradley! Oo nimankani, ma waxay ka muslinsanyihiin ama ka waddaniyeysanyihiin ama ka qabiil jecelyihiin dadka u dhashay qabiillada kale ee Mudug dega? Mise waxaa jira dano gooni ah oo la difaacanayo? Soow meynaan akhrin bayaan ay soo saareen culumadii, aqoonyahannadii, odayaashii, dhallinyaradii iyo shacabkii Mudug oo qabiil kasta leh? Haddana waxay soo saareen bayaan goonigooni ah. Waxaa soo saaray qolada Leellkkase, Reer Bicidyahayn, Reer Maxamuud, Maxamed Cumar iyo reer Khalaf. Laascaano, maxkamadaa laga furay. Haddeer wataas la leeyahay Bari kuwaa looga dhawaaqay.

 

Sida muuqata dadkii u dhashay qabiillooyinkaas waa diideen iney dagaal u aadaan aagaga Maxaakiimta maaddaama dhulkaas aysan qabiillooyinkaasi markii horaba degijirin; mana jirto dan gaar ah oo ay ka leeyihiin si ay u abuuraan dagaal sokeeye oo horay Soomaaliya u daashaday.

 

 

Maxay qabiillooyinkaas, reer tolkoodka shirkadaha mallaayga leh u taageeriwaayeen? Sababaha ugu weyn waxaa ka mid ah in shirkadahaasi ay lacag ku bixiyaan hay’adda Ashahaado-la-dirirka oo u shaqeysa Itoobiya iyo cadow kale. Hay’addaasi waxay magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Boosaaso ka wadaan diin-la-dirir iyo anshax-xumo weyn oon qarsooneyn. Tan labaad, waxay badihii Soomaaliya ku fasaxeen maraakiibta jiraafka oo baddii xaaqday ilaa la gaaray in la waayo noocyo kalluun oo geyigaas ku badnaa. Waxaa kaloo jira iney ku aasaan sunta halista ah ee laga keeno waddamada horay u maray. Waxaa kaloo jira iney u soo dhigteen iney shirkado maafiyo ah oon la aqoon ka gadaan barrigii Soomaaliya iyagoo sheegaya in macdan iyo shidaal laga baarayo. Markhaati bey Soomaali ka tahay in madaxweynaha Puntland lahaa hay’aduhu waa jirri. Waa tee shirkadda wax ka baarikarta gobol Soomaaliyeed maaddaama aysan jirin dowlad dhexe? Waxaa taas dheer xitaa in nimankaasi isku dayeen iney gataan geyi dhan oo Soomaaliyeed. Ma xasuusataan sheekadii “HAFZA?” oo laga waday “ Horn of Afrik Free Zone Authority” waxayba damceen iney Xaafuun oo dhan gataan. Markii xeryihii ciidamada ee Puntland qaarkood la gatay bey is dhaheen waad gadankartaan magaalooyinkana laakiin Ilaahay baa dadka qaarkiis iyo boggagga Internetka sida Somalitalk u soo diray.

 

Nimanka shirkadahaas leh waa nimanka ciidamadii Puntland qaarkood u taxaabay xabsi ku yaal Thailand kaddib markii wiilashaas oo maraakiibta saarnaa u dulqaadanwaayeen jiraafka ay maraakiibtaasi sameyneyso sidoo kalana waxay maraakiibtaasi jaraysay shabaakadaha danyarta Soomaaliyeed ama waxay ka jiirijireen doomaha yaryar.

 

Shirkadahaas waxaad mooddaa iney shacabka reer Mudug ku leeyihiin: idiin ma baahnin oo waxaa naga dhinacdagaalaya Xabashi! Waana ka dhabeeyeen oo waa tii madaxweynaha Puntland lahaa waxaa Gaalkacyo aan keenay ciidan hal batalyan ah. Haddeertaan oo la joogo waxaa jiidda hore joogaa wiilashii ay lahaayeen shirkadahaas iyo Xabashi.

 

Waxaa Ilaahay mahaddiis ah, hadda culeys badan baa ka soo qaadmay reer Bari. Oo ciidmadii u shaqeynjiray maraakiibtaas markey barriga joogaana reer Bari dhibka ku hayey ayaa la geeyey jiidda hore ee Maxaakiimta u dhow. Haddii ay Maxaakiimtu shaqo ka qabtaan waxaa fursad helaya wadaadadii Bari ee aashuunka ku addimijiray. Marka waxaa dhicikarta in inta ay Mudug joogaan ay shacabka Bari iska qabtaan shirkadahaas dhulkoodii xaalufiyey.

 

Muxuu yahay bayaanka ay qolooyinka Mudug degaa ku taageerayaan Maxkamadaha?

 

Dadka muslimka ah shuruudahoodaa u kala xiran. Waana ognnahay ballantu qiimaha ay ku fadhido. Marka markii la eego dagaalkii ka dhacay Bandiiradley, qolooyinka Waqooyiga Mudug dega ma taageerin shirkadaha mallaayga marka taageerada maxkamaduha loo hayo ma intaas keliyaa? Inkastoon la isbarbardhigikarin haddana waxaa dayasho noogu filan nabi Muxamed (SCW) iyo saxaadadii (RC). Labadii Beeco ee dhallinyaradii Ansaar (RC) nabiga (SCW) la galeen waa la ogaa iney ka run sheegeen. Marka qofoowna ha gelin ballan aadan hadhoow ka soo baxeyn. Haddii, ballanqaadkii ka soo baxay beelahaas oo gudaha iyo dibaddaba kala jooga sidooda loo fuliyo, waxaan filayaa in shirkadahaas ay iska cararayaan. Marka ballanka Ilaahay hala oofsho.

 

Talo ku socota qabiillooyinka reer Puntland

 

Haddii inta Cabdi Qeybdiid iyo Xabashi la keeno Gaalkacyo loo diido sheekh Cagaweyne oon filayo inuu ku dhashay Mudug, waxay arrintu u ekaaneysaa inaad diideysaan qof tukanaya oo diin leh. Haddee haddaad sidaas arrinta ku waddaan, waxaan shaki ku jirin inaad Mowlaha caro galineysaan. Hadduu Mowluhu caroodana wuxuu leeyahay ciidamo badan oo kuwa maxkamaduhuna ku jiraan. Shaki ma leh in labadaas shirkadood Ashahaado-la-dirir yihiin marka ama waa inaad iyaga raacdaan oo Ilaahay wax kala dagaalantaan ama inaad ka shaqeysaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo midnimada Soomaaliya. Ashahaado-la-dirirku ciidamadoodii iyo Xabashi isu keenee, idinku kuwiina maad maxkamadaha u geysaan?

 

Teeda kale, haloo daayo Maxkamadda Al-Furqaan iney timaado Koonfurta Gaalkacyood dabadeedna dadka Waqooyiga Gaalkacyo u dhashay hala hadleen. Faa’iidada ku jirta imaantinka maxkamadaha ee Gaalkacyo waa:

 

1. haddii Ilaah idmo lama helidoono cid diidikarta Shareecada Islaamka

2. xabashi dambe Gaalkacyo joogimeyso

3. Ashahaado-la-dirir iyo muxaadaro la diido ma dhicidoonto

4. dadka Gaalkacyo jooga oo dhan baa qeybsanaya jagooyinka iyo dhaqaalaha

5. dhaqaalaha soo xarooda waxaa wax looga qabanayaa dugsi-Qur’aanka, iskuullada, biyaha, caafimaadka, waddooyinka iyo quudinta masaakiinta

6. dib-u-heshiisiin baa bilaamaneysa maalinta ugu horreysa ee maxkamudhu tagaan Gaalkacyo. Ma jireyso qof inta dambi ka gala Waqooyiga Gaalkacyo u fakanaya dhinaca Koonfurta ama qof inta Koonfurta ka galo u soo cararaya Waqooyi

7. Mudug oo indha-adeyga iyo khiyaanada tusaale loogu soo qaato ayaa noqondoonta haddii Ilaah idmo meel kheyrka iyo hadalka fiican tusaale u noqota.

8. dadkii wax ku dhicijiray oo dhihijiray anaa reer hebel ah oo ay u dhammaaneyso. Waana loo sinnaandoona wax kasta haddii Ilaah idmo.

 

Shaki iigama jiro in labadaas shirkadood ay maridoonaan meeshii Cabdi Qeybdiid maray marka waxaan ka rabaa shacabka Puntland iney labadaas shirkadood oo dhibkaas aan kor ku soo sheegay ku haya Puntland raacdaan iyo inaad raacdaan maxkamadahaas horay ula soo xaalay dagaaloogayaashii reer Xamar oo u dhaqmijiray sida shirkadahaas oo kale.

 

Ilaahay baan ku dhaartay labada burcad badeed waa kuwii Xarardheere iyo meelaha u dhow ay maxkamaduhu ka sifeeyeen iyo labadaas shirkadood waxaa Soomaali u dhib badan labadaas shirkadood! Burcad-badeedkii Xarardheere inta badan waxay baadijireen maraakiib badaha Soomaaliya xadeysa iyo mar mar ay dhacaan kuwa caalamka u kala goosha iyo kuwa dalxiiska. Mar kastooy dhacaan kuwa jiraafka ah waxayba noo qabteen howl oo ugu yaraan wixii belaayo dhacaysay bey wax ka sii dhaceen; dhibtu waxay ahayd markey dhacaan maraakiibta maraysa biyaha fog ama kuwa Soomaaliya wax usoo wada. Halka Somcan iyo Alkher Marine Resource ay baddii jiraaf ku dhammeeyeen sidoo kalana sun ku duugeen ayna rabaan iney gataan dhul Soomaaliyeed oo barriga ku yaal. Marka dhibka burcad-badeedkii Xarardheere wuu yaryahay maaddaama aysan lahayn xiriir ay kula xiriiraan shirkadaha maafiyada ah. Fiiri horay waxay noo galinlahaayeen dagaal sokeeye oo ku aaddan macdan-ku-dirir sidii dhacdadii Majayahan iyo meelo kale. Marka yeysan na galin dagaal qabiil oo kale.

 

Khudbada Cadde Muuse iyo Xiif Cali Taar ka akhriyeen Gaalkacyo waxay la mid tahay tii Muuse Suudi iyo Bashiir Raage ka akhriyeen garoonkii kubbadda cagta ee Koonis, dhowr maalmood kaddibna waa laga wareegay Xamar. Marka haddii Al Furqaan qabiil ku socoto lama dagaaleen Cabdi Qeydiid iyo wiilashuu wato. Marka yaan shacabka Puntland la khaldin. Marka qofkii raba in uu soo cesho cadceed godka sii galaysa haddee ha akhriyo sheekadii isbaheysigii Ashahood-la-dirirka.

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

NASRIGII ILAAHAY WUU YIMID

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

Source: www.somalitalk.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this