Sign in to follow this  
Juje

Zenawi summons his skirmishing stooges.

Recommended Posts

Juje   

3da mas'uul ee ugu sarreysa dowladda oo looga yeeray magaalada Addis Ababa

Mogadishu 17, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- 3da Mas'uul ee ugu sareysa dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta looga yeeray dalka Ethiopia, xilli dood aad u kulul ay u dhaxeysay xildhibaanada Baarlamanka oo ku aadaneyd in kalsooni loo qaado xukuumadda Somalia iyo in ay sii shaqeyso, iyadoo u yeeriyaanka madaxda dowladda ay hakisay muddo labo maalmood ah in baarlamanka uu joojiyo doodda.

Sida uu maanta ka dhawaajiyay guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, Madaxda sar sare ee dowladda ayaa waxa ay xiriir ka heleen Madaxda Ethiopia iyo Midowga Africa, iyadoo go'aanka ugu horreeyana uu ku wajahnaa Ra'isulwasaare Geedi oo loogu baaqay in dalka Ethiopia uu ku yimaado socdaal.

 

Sheekh Aadan madoobe oo ka hadlayay gabo gabadii kulan uu Baarlamanka ku yeeshay maanta magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in arintaan ay ka dambeysay ka dib markii uu isi soo taray walaac beesha caalamka ay ka qabto xaaladda dalka Somalia, isago carabka ku dhuftey kala qeybsanaanta madaxda dowladda, xaaladda gobolka Sool iyo magaalada Muqdisho iyo gobolada Jubbooyinka oo ay ka taagan yihiin xiisado dagaal.

 

Waxa uu sheegay in Baarlamanka Somalia ay dulqaataan muddo labo maalmood ah sababo la xiriira socdaalka Ra'isulwasaaraha maadaama labada qodob ee Baarlamanka horyaala ay quseeyaan xukuumadda Prof. Geedi.

 

Inkastoo guddoomiyaha Baarlamanka uu sheegay in cidda magaalada Addisa ababa aadey ay tahay oo kaliya Ra'isulwasaaraha ayaa hadana warar laga helay magaalada Addis ababa ay sheegayaan in laga yaabo in socdaalka ay qeyb ka noqdaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe.

 

Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa ka duulay garoonka magaalada Baydhabo, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia.

 

Waa dadaalkii ugu horreeyay oo muuqda oo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo RW Cali Max'ed Geedi oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay xilli dowladda ay u taagweysay in ay xakameyso xaaladda amaan ee caasimadda iyo guud ahaan dalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Dhubad:

^Ragaan Ceeb Makarto....waxaasa kasiidaran dadka wax ka sugaayo ayaka.

Indeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this