Sign in to follow this  
Lixle

Wasiirka arimaha dibada ee Somalilnd oo booqanaysa Faransiiska iyo Burssels.3/2/2004

Recommended Posts

Lixle   

Wasiirka arimah dibada ee Somaliland Adna Adan Ismaciil ayaa waxa aay ku sugan tahay dalka Faransiiska, ayaa warar rasmi ah oo aanu ka helnay Paris iyo xilo ogogaal ah oo uu ka mid yahay ergayga Somaliland u qaabilsan aoonsi raadinta Somaliland Dr Omr Diihood oo Qarannews u waramay ayaa isna waxa noo sheegay oo uu xaqiijiyay in waftiga aay wasiirka arimaha dabada ee Somaliland aay had ku sugantahay dalka Faransiiska oo si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay wasiirada dalkaasi.

 

Hadaba sabta aay Adna u tagtay Faransiiska ayaa ah laba arimood waa ta hore ee waxa lagu casuumay shir aad u balaadhan oo aay ku kulmayeen wadmada geeska Afrika taasi oo Somaliland lagu casuumay.

 

Shirka ayaa si diiran Wasiirada aad loogu soo dhaweeyay iyada oo aay madaxdii geeska Afrika ee goobtaasi ku sugnaa aay fadhiga uga kaceen sacab xooglehna uu u dhacay oo aay lahaayeen soo dhawaada.

 

Hadaba Adna ayaa shirkaasi iyadu wacdaro waawayn ka muujisay iyada oo ku qudbadaynaysay afka Faransiiska waxa aay soo bandhigtay sidoo kale oo aay madaxdii meeshaasi isugu timid ay daawadsiisay cajalado muuqaal ahaa oo ka turjumaayay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay shirarkii Sheekh, Boorama iyo kuwo kaleba.

 

Waxa aad looga naxay markii aay soo bandhigatay dadkii reer Somaliland ahaa ee la gumaaday iyada oo tustay lafahii dadkii la laayay xiligii 1988kii iyo waliba iyada oo aay diyaaradihii dawladii Somaliya ee 1960kii la is raacay ay duqaynayaan magaalooyi ka mid ah Somaliland siiba duqayntii ugu cjiibsanyd ee ka argagaxisa dunida oo dhan oo ahayd diyaradihii Hargaysa ka duulaayay ee Hargaysa duqaynaayay waanan sheeko lagala yaabay shirkaasi intii aan ogayna aay ka ilmaysay.

 

Waxa aay Adna halkaasi kaga hadashay sidii ay dawldii Somaliya ay u baabiisay dhamaan adeegydii bulshada ha u darnaadaan caafimadkii iyo waxbarashada iyo dhamaan noloshii asaaska ahayd oo dhan.

 

Sidoo kale waxa aay maanta oo aay bishu tahay 3/2/04 ay la kulmaysaa oo xafiiskiisa ku qaabilay dhigeeda dawlada Fransiiska waa wasiirka arimaha dibaa ee Farnsiiska oo isagu muujiyay in uu aad iyo aad u dananaayo qadiyda Somaliland iyo sidii labda dal ay u lahan lahaayeen cilaaqaad saxiibtinimo, sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxa aay kulankaas ka bacdi ay Adna u socdaalaysaa Burssels halkaasi oo aay iyana ka heshay casuumd rasmi ah.

 

Lakiin xaga xukumada ilaa hada wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin oo ku saabsan socdaalkeeda, hase ahaatee warar kale oo aanu meelo kala duwan ka helanay ayaa sheegaaya in ay u sii gogol xaadhayso socaal aan la shaacin oo laga yaabo in uu madaxawyne Riyaale uu ku yimaado qaarada Yurub, warar aan lagu kalsoonayn ayaa iyna noo xaqiijiyay in madaxwaynaha Somaliland laga casuumay dalka Boqortooyada Britan (UK) Iyo dalka Sweden lakiin wax war ahi kama aay soo baxin xukumada Somaliland oo wararkaasi sheegaaya wixii war ah ee ka soo kordhan xagan ayaanu idinkala socdsiin doonaa

 

Qaranews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this