Sign in to follow this  
Som@li

Hanbalyo iyo taageero ka timi xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee u dhashey Maakhir

Recommended Posts

Som@li   

Baydhabo:- Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee u dhashey Gobolada Maakhir ayaa taageero, tahniyad iyo boogaadin usoo diraya Dowlad Goboleedka cusub ee Maakhir State of Somalia oo dhowaan ka hirgashey Gobolada Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari.

 

Xubanaha ayaa waxay tahniyad diiran u dirayaan Maamulka Maakhir State of Somalia iyo hogaanka Sare ee Maamulkaas iyagoo sheegey iney Maamulkan oo kale uu soo daahey oo la doonayey iney qabsoonto mar hore

 

Xubanaha Baarlamaanka Federaalka ee u dhashey Gobolada Maakhir ayaa waxay kula talinayaan Dowlad Goboleedka cusub sidii ay uga shaqeyn lahayd danaha Gobolada Sanaag iyo Galbeedka Bari oo isla markaana ay cadaalad iyo wax qabad ku dhaqaaqaan.

 

Xubaha Baarlamaanka Federaalka ee u dhashey Maakhir ayaa waxay intaa raacinayaan tahniyad kale oo ku socota dhamaan dadweynaha Reer Maakhir iyagoo ugu baaqaya iney la shaqeeyaan Dowladooda u dhalatey isla markaana ay garab istagaan Dowladooda si ay u gadato Dowladu hawsheeda Qaran.

 

Xubahaha Baarlamaanka Federaalka ee u dhashey Maakhir ee baaqan soo gaarsiiyey Saxaafada ayaa ah dhamaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka oo ay ugu horeeyaan Casha Cabadalle iyo Gen. Cabduraxman Maxamuud Cali Bayr oo ahaan jirey Wasiirkii hore ee Difaaca ee Somalia.

 

LaasqorayNet/Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this